ggnltitl.jpg (8122 bytes)

MAXAA JACAYLKA 
ILAAH INAGA 
SOOCI KARAA?

“…Ma dhibaato, mise cidhiidhi, mise silic, mise baahi, mise arrad, mise khatar, mise seef? Waayo, waxaan hubaa inaan dhimashada, ama nolosha, ama malaa’igaha, ama kuwa madaxda ah, ama waxyaalaha haatan jooga, ama waxyaalaha iman doona, ama kuwa xoogga leh, ama kor, ama hoos, ama uun kaleeto inaga sooci karin jacaylka Ilaah oo ku jira Rabbigeenna Ciise Masiix.”(Rooma 8:35, 38, 39)

DHIBAATOOYINKA NOLOSHA LAGALA KULMO

Horudhaca

Isla sida aan nolosha caadiga ah dhibaatooyin u gala kulano ayaan dhibaatooyin ugala kulanaa nolosha ruuxa ama xiriirka cusub ee Ilaah lala yeesh`o. Markaan dhibaatooyin la kulmayno oo aan ka guulaysanayno waan barbaarnaa oo weliba waan sii xoogaysanaa, haddii ay dhibaatooyinka yihiin wax ku saabsan nolosha caadiga ah ama xagga ruuxaba. Intaan ku sii baranayno awoodda cusub, Ilaah baan saraysinaa intuu noo cadaynayo daacadnimadiisa oo uu noo bandhigayo in nimcadiisa ay dadka oo dhan u furantahay sida ku qoran Kitaabka qoduuska ah 2 Korintoos 12:9 oo leh sida tan, “Oo isagu wuxuu igu yidhi, Nimcadaydu way kugu filan tahay; maxaa yeelay, xooggaygu wuu ku dhan yahay itaaldarrada. Sidaa aawadeed anigoo faraxsan ayaan ku fanayaa itaaldarrooyinkayga in xoogga Masiixu igu soo dego.” Waxyaalaha aan buugan kaga hadlaya waxaa ka mid ah,

 

1.      Dembiga

2.      Jarrabaadda

3.      Silica

4.      Sida doonista Ilaah loo ogaado

5.      Shakiga

6.      Baryada

7.      Gebagebada

 

Qofka rumaysadka leh ama Masiixiga ah waa inuu iska jiraa Meelaha, Marxaladaha iyo weliba wakhtiyada uu kala kulmi karo jarabaadyada xun oo isaga dembi ku ridi karaan. Sida keliya oo jarabaadda looga hortegi karo waa in la noqdaa dad uu rumaysadkooda sii barbaaraya oo uu Ilaah hogaansanayo. Maskaxda waxyaalaha Ilaah ku fikirtaa suurtagal ma ahan inay haddana ku fikirto kuna ficil qaado waxyaalaha xun oo qofka ka fogaynayaan xiriirka uu Ilaah la leeyahay. Ma ahan inuu qofka toos Ilaah u adeeca uusan jarabaad la kulmaynin laakiin inkastoo uu jarrabaad la kulmaa wuxuu kaga guulaysanaya awoodda Ilaah. Tan iyo waxyaala badan ayaa ah waxyaalaha aad kala kulmaysid buugan. Dembiyada suurtagalka ah oo Ilaah laga dembaabo waxaa ugu daran kan uu qofka qasid u samaynayo. Waa dembigaan kan shaydaanka dembaajiyey sida qoran, “Xiddigta waaberiyow, inanka arooryaadow, sidee baad samada uga soo dhacday! Kaagan quruumaha taag yareeyeyow, sidee baa dhulka laguugu riday! Waxaad qalbigaaga iska tidhi, Aniguwaxaan kori doonaa samada, oo carshigaygana xiddigaha Ilaah waan ka sara marin doonaa, oo welliba waxaa ku fadhiisan doonaa buurta shirka ee darafka woqooyi ku taal. Waxaa kori doonaa daruuraha sare korkooda, oo waxaan noqon doonaa sida Ilaaha ugu sarreeya oo kale.” (Ishaacyaah 14:12-14)

 

Waana arinta Aadan iyo Xaawo dembaajisay sida qoran, “haddaba abeesadu way ugu qiyaano badnayd bahal kasta ee duurka jooga oo Rabbiga Ilaah ahu sameeyey. Oo waxay naagtii ku tidhi, Ilaah miyuu idinku yidhi, waa inaydnaan waxba ka cunin geed kasta oo beerta ku yaal? Naagtiina waxay abeesadii ku tidhi, Midhaha geedaha beerta waannu cuni karnaa; laakiinse midhaha geedka beerta dhexdeeda ku yaal, Ilaah wuxuu nagu yidhi, waa inaydnaan waxba ka cunin, ama aydnaan taaban, yaydnaan dhimanine. Abeesadiina waxay naagtii ku tidhi, Ma dhiman doontaan; waayo, Ilaah wuxuu og yahay in maalinta aad cuntaan ay indhihiinnu furmi doonaan, oo aad noqon doontaan sida Ilaah oo kale, idinkoo kala garanaya wanaagga iyo xumaanta. Oo markii naagtii aragtay in geedkii cunto ku wanaagsan yahay, oo indhaha u roon yahay, oo uu yahay geed loo doonayo in caqli lagu yeesho, ayay midho ka qaadatay, oo cuntay; ninkeedii la joogayn wax bay ka siisay, oo isagiina wuu cunay. Oo labadoodiiba indhahoodi way furmeen, oo waxay garteen inay qaawan yihiin; waxayna isku tosheen caleemo berde, oo ay gunti ka samaysteen.” (Bilawgii 3:1-7) Carruurta Ilaah waa inay doonista Ilaah ogaadaan kuna dhaqmaan. waxaa dhacdaa in doonista Ilaah la ogyahay aanan laakiin lagu ficilqaadin.

 

Haddii aan doonayno inaan shakinin oo aan rumaysadkeena xoojino, waa inaan fahanno oo aan ku dhaqannaa doonista Ilaah. Rasuul Bawlos wuxuu leeyahay, “Haddaba rumaysadku wuxuu ka yimadaa maqlidda, maqlidduna waxay ku timaadaa hadalka Masiixa.” (Rooma 10:17 ) Nafta dhabta Ilaah doonayso, Ruuxa qoduuska ah ee Ilaah baa runta ku toosinayaa. Ku barbaaridda erayga Ilaah waxay dhalisaa rumaysadka; akhriska iyo fahamka aan erayga Ilaah fahmayno waa sida abuurista midhaha rumaysadka oo qalbiyadeena lagu abuuray waxayna dhalayaan midh iimaan oo barbaarta. Rabbiga weligiis ma ceebayn doono kuwa magaciisa ku dhawaaqaan. “I bari , waanan kuu jawaabi doonaa, oo waxaan ku tusi doonaa waxyaalo waaweyn oo qarsoon oo aadan qoon.” (Yeremyaah 33:3aad ) Jacaylka aan Ilaah jeceylnahay oo aan isaga oo keliya aan isku halaynayno runtii Ilaah intaa in ka badan ayuu ina jeceylyahay oo wanaag weyn ayuu inoo samaynaya sida qoran, “waxyaalo aanay ishu arkin, oo aanay dhegtu maqlin, oo aan qalbiga dadka gelin, wax kastoo ay yihiinba, Ilaah baa u diyaariyey kuwa isaga jecel.” (1 Korintos 2:9).

 

1.      DEMBIGA

Dembiga muxuu yahay?

“Xumaantayda iga wada maydh, oo iga nadiifi dembigayga.” Sabuurrada 51:2

Xumaan kastoo doonista Ilaah ka soo horjeedda waa dembi oo waxaa inagu qasab ah inaan Ilaah ka barino inuu inaga nadiifiyo. Haddii aan doonayno inaan dembiga ka hadalno waxay nagu qasbaysaa inaan horta dembiga macnayno. Wax aadan macnaheeda garanayn kama hadli kartid. Haddii su’aal la soo jeediyo ku saabsan waxa dembiga uu yahay waxaa jiraan fikirado badan oo la soo jeedinayo. Fikiradahaasi waxay u badan yihiin in dembiga uu yahay waxyaalaha uu qofka qalad u arko oo uu shaqsi ahaantiisa doonaynin in la suubiyo. Ilawse haddaan fiirino macnaha aad looga hadlo, dembiga wuxuu yahay gefka la gefo in lagu nolaado nolosha tan saxda loo yaqaano. Macnaha aan kor ka sheegnay haddii qumaati loo eego ma sheegayo dhabta ah in haddii dariiqa saxda ah laga leexdo dariiq kala lagu dhacayo. Waxay tan nagu qasbaysaa inaan macna kale sii raadino. “Kii kasta oo dembi falaa wuxuu falaa caasinimo; oo dembigu wuxuu yahay caasinimo.” (1Yooxanaa 3:4)

 

Micnayntan ma tix gelinayso sida loola dhaqmi lahaa waxyaalaha uu qoraalka ka hadlaynin oo ay ka tirsanyihiin waxyaalaha si joogta ah noolosha ugala kulanno. Waxaan odhan karnaa macnahaa naguma filno oo waxaan u baahannahay macna kale oo dheeraad sida tan, “Xaqdarrada oo dhammu waa dembi; oo waxaa jiraa dembi aan xagga dhimashada ahayn.” (Yooxanaa 5:17). Kitaabka wuxuu noo sheegaya inay xaqdarada oo dhan dembi tahay. Waxaa jiraan kuwa badan oo garanayaan inay wanaagsan tahay inay wanaag sameeyaan laakiin inta badan ma sameyaan. Qofkaas wanaagga kas uga soo leexday dembi bay u tahay waxa uu samaynaya (Yacquub 4:17aad). Way wanaagsan tahay inaanan ku dhaqmin wax alla wuxuu damiirkeena diidaya. Hadduusan rumaysad nagu jirin oo uu shaki noogu jiro aan ka fogaano waxaas. Waxaa qoran, “Laakiinse kii shakiya, hadduu cuno, waa xukuman yahay, maxaa yeelay, rumaysad wax kuma cuno, oo wax kasta oo rumaysad ka imaaninu waa dembi.” (Rooma 14:23aad)

 

Caasinimadana waa inaan ka fogaano waayo, waa dembi oo weliba kii wax quudhsadaana waa u karaahiyo dadka sida ku qoran, Maahmaahyadii 24:9aad. Dadka qaarkood way yasaan dembiga oo waxay inta badan iisu malayaan inay aad reer diimeed u yihiin oo waxyaalaha diinta ay xagga Ilaah kaga faa’idi doonaan maalinta xukunka. Ku dhaqanka sharciga waa uun wax xagga jidhka ah ama ay dadka kale qofka kaga war bixin karaan. Kitaabka qoduuska ah wuxuu cadaynaya in maalinta qiyaamaha ay dadka odhan doonaan, “Rabbiyo, Rabbiyow, miyaanan magacaada wax ku sii sheegin, miyaanan magacaada jinniyada ku saarin oo weliba miyaanan magacaada waxyaala la yaab le ku samayn? Laakiin Rabbiga wuxuu leeyahay waxaan uga wada jawaabi doonaa, anigu ma aanan idin aqoonin; iga taga, idinka ku dhaqantaan sharci xumada.” (Matayos 7:22, 23)

 

Dembiga waa ku dhaqanka sharci xumada iyo ka leexashada doonista Ilaah (Yooxanaha kowaad 3:10aad). Xaqdaro kasta waa dembi oo ma jiro dembi aan ugu dambaysta qof dhimashada ku ridi doonin haddaan durbaba la qiranin oo aan laga toobad keenin (Yooxanaha kowaad 5:17aad). Rumaysad la’aantuna waa dembi (Yooxanaa 16:8, 9). Haddii aad samaynin xaqa waxaad tahay dembiile ama qof kasta oo aan dantiisa ka soo bixin waa dembiile (Yaacquub 4:17aad). Haddii aad ku dhaqmin qoolka lagaa doonaya iyadana waa dembi (Rooma 3:23aad). Kuligeenba waan wada dembaabnay, mana jiro hal ruux oo xaqnimo ku dhaqmaya ruuxna. Waa inaan ogolaana inaan dembiilayaal nahay oo aan Ilaah hortiisa waxba ku lahayn haddaanan dembiyadeena ka toobad keenin. Waxa aad shakiga lagu sameeyana waa dembi sida ku qoran Rooma 14:23aad iyo aayada kale.

 

Dembiile kasta wuxuu dembiyadiisa laha u geesan doonaa inuu maalinta qiyaamaha Ilaah uga jawaabo sababta uu u samayay dembiga sidaa daraaddeed dembi kastoo aad samaysid runtii nabad ma heleysid haddaadan Ilaah u qiranin intaad nooshahay oo aad ka toobad keenin maxaa yeelay, Kitaabka qoduuska ah ayaa sheegaya (Ishacyaah 48:22aad iyo Ishacyaah 59:2aad) Dembiga ayaa kala soocay Ilaah iyo baniaadmiga. Dembi kasta waa mid jannada ku gin karo (Rooma 6:23). Addeecista diinta  aan lagu heleynin janna hadduusan qofka Ilaah shaqsi ahaan xiriir saafi ah la lahayn. Haddii diinta jannada lagu gelaya, Rasuul Bawlos ayaa ku farxi lahaa oo jannada ku geli lahaa. Ilawse Rasuul Bawlos waxyaalaha ay diinta ka balan qaadday oo dhan inuu ka tegay ayuu goostay inuu Ciise Masiix raaco  sida ku qoran, Galatiya 1:14; Filiboy 3:6 iyo Timoteyoska kowaad 1:13, 15. Korneliyas wuxuu ka tirsanaa culumada diinta laakiin wuxuu fahmay inuusan jannada ku geleynin sharciyada diinta wuxuuna ugu dambaysta raacay Ciise Masiix si uusan jannada u gefin (Falimaha Rasuullada 11:14aad).

 

Dembiga muxuu samayaa?

Dembiga xumaan mooyaane wax wanaag ah uu baniaadmiga u keenaya ma jirto. Wuxuu doonaya inuu dadka iyo Ilaah kala weji qariyo oo maalinta ugu dambaysana ay naarta isaga la galaan taa oo ah ka dhimashada weligeed ah oo ay dadka Ilaah kaga dhimanayaan xagga ruuxa. “Aadanna wuxuu ku yidhi, codkii naagtaadaad maqashay oo waxaad wax ka cuntay geedkii aan kuugu amray, anigoo leh, waa inaadan waxba ka cunin, sidaas daraaddeed dhulku waa habaaran yahay adiga aawadaa; maalmaha cimrigaaga oo dhanna dhibaataad kaga wax kaga cuni doontaa. Qodxan iyo yamaaruugna waa kaaga soo bixi doonaan, waxaanad cuni doontaa geedaha yaryar oo duurka. Wejigaagoo dhedidsan baad wax cuni doontaa, ilaa aad dhulka ku noqotid; maxaa yeelay, dhulkaa lagaa qaaday; waayo, ciid baad tahay, ciid baadna ku noqon doontaa.” (Bilowgii 3:17-19) “Waxaa lagu ciqaabi doonaa halaag weligiis ah, oo waxaa laga gooyn doonaa Rabbiga hortiisa iyo ammaanta xooggiisa.” (Tesaloniikaha 2aad 1:9aad) Sabuurrada 59:2aadna waxay leedahay sida tan, “…xumaantooyinkiinnaa idin kala soocay idinka iyo Ilaahiinna oo demibyadiinnaa wejigiisa idinka qariyey, oo saasuusan idiin maqlin.”

 

Dembiga yaraan ma lahaan oo sidaa daraaddeed dhibaato la’aan ma noqon karo – kala soocnaan buu u keenaa xiriirka Ilaah iyo dadka u dhaxeyo oo ka soocmada Ilaah laga soocmayo waa dhimasho laga dhimanayo xagga Ilaah waayo, ku alla kii aanan doonista Ilaah ku socon waxaa lagu xisaabaa mid dhintay. Si aan nolosha weligeed ah ku helno waxaa nagu waajib ah inaan wanaagga falno oo aan xumaanta ka dheeraano si ay ciqaabta weligeed ah ee Ilaah ay noo helin oo ay weliba xumaantooyinkeena ay wejiga Ilaah nooga hor staagin. Haddii aan Kitaabka Qoduuska ah ka akhrino, Ilaah wuxuu awowgeen Aadan ku yidhi ‘haddii aan ka cuntid geedka wax garashada ee xumaanta iyo wanaaga waad dhiman doontaa’ (Bil. 3:3) oo Aadan geedkii uu Ilaah ka seeray buu wax ka cunay oo isla markiiba sidii uu Ilaah yidhi bay noqotay oo wuu ka dhintay xagga xiriirkii hore uu Ilaah la lahaani jiray ee wanaagsanaa waayo, ruuxiisa wuu ka soocmay Ilaah oo tan iyada ahuna waxay sii dhalisay inuu xataa xagga jidhka dhimasha maanta loo yaqaano tan caadiga ah inuu ka dhinto.

 

Imaashada uu shaydaanka dhulka yimid waxay la timid dhimasho taa oo aan ka heleyno Rooma 5:12; 6:23. Marka haddii la yidhaahdo baniaadmiga waa dembiile waxaa cadaynayaa dhimasha uu dhimanayo ee loo yaqaano dhimashada caadiga ah ee ay nafta dadka ka baxdo oo sida keliya uu bani-aadmiga taan iida ah ku saxi karo waa uun inuu Ilaah la yeesho xiriir kale oo cusub waayo, xiriirkii hore waa burburay. Meesha su’aal baa ka soo dhalan kartaa oo ah laakiin sidee baa xiriirkan cuseb lagu heli karaa? Tan waa su’aal aad muhim u ah waayo hadduuba xiriirkii hore burburay kan cusub sidee baa lagu heli karaa runtii? Waa uun in Ciise Masiix la rumaysto kan u dhintay dembiyada burburka keena oo nagu qasbay inaan maanta noqono kuwa aan dhimashada ka fakani kerin oo ay qasab ku tahay inay dhintaan oo bedelkii aan dhimasho joogta ah dhiman lahayn Ciise daraaddiis baan dhimasho mudo ah u dhimanaynaa haddii aan isaga rumaysano oo aan addeecno isaga.

 

Laakiin si qalad ah ha u fahmin oo ha u malaynin in kuwa dhintaan dhimashada caadiga ah oo dhan ay yihiin kuwa aan isaga rumaysan waayo, runtii waan wada dhimanaynaa dhimashada caadiga. Kuwa Masiixa aaminsan tan waxay u tahay jid ay Ilaah kula kulmayaan si ay u helaan nolosha da’imiska ah waayo, noloshaan aan dhimashada caadiga ah uga dhimanayno ma ahan mid weligeed ah laakiin waxaan heli doonaa mid ay dhimasho iyo wax u eg ay ku jiri doonin. “Waayo, hadaynu rumaysan nahay in Ciise dhintay oo haddana soo sara kacay, de sidaas oo kalaa kuwii Ciise rumaysnaa oo dhintay la keeni doonaa isaga. Waayo, tan waxaanu idiinku leenahay hadalka Rabbiga, sinaba ugama hor mari doonno kuwii dhintay. Maxaa yeelay, Rabbigaqudhiisu samaduu kala soo degi doonaa qaylo iyo codka malaa’igta sare iyo buunka Ilaah, kolkaasay kueii Masiixa rumaysnaa oo dhintay horta soo kici doonaan, dabadeedna kuweenna nool oo hadha ayaa iyaga kor loola qaadi doonaa daruuraha dhexdooda inaynu Rabbiga hawada kula kulanno, oo sidaasaynu Rabbiga weligeen ula joogi doonnaa. Sidaas daraaddeed hadalladan midkiinba midka kale ha ugu qalbi qabowjiyo.” (1 Thesalonika 4:14-18)

 

Midda kale oo ah inaan ogaano waxay tahay inaan u malaysanin in kuwa Masiixa rumaysteen oo Masixiinta ah ay dembaabin ama ay jarrabaadda dembiga ay soo maraynin taa iida ah waa fikirad qaldan maxaa yeelay, Masiixa wuu dembaabaa laakiin midda aan qofka Masiixiga ah laga filanaynin waa inuu si joogta ah nolol dembi leh ku jirin. Marka uu qofka Masiixa rumaysto ayey ugu dhibaato badan tahay waayo, marka iida ah shaydaanka ma doonayo inuu la dagaalo kuwa dembiilayaasha ah maadama ay ja yihiin kuwa isaga addeeco oo Ilaah ka soo horjeedo laakiin wuxuu u baahan yahay inuu la dagaalo uu rumaysadka kuwa Ilaah aaminsan uu burburiyo si ay Ilaah macaarad ugu noqdaan oo ay demiilayaal u noqdaan si ay uga tirsanadaan boqortooyadiisa dhamaan doonto. Laakiin rumaystayaasha waxay haystaan awood qaas ah taa oo ah ruuxa qoduuska ah ee Ilaah inuu iyaga xoojinayo oo in kasta oo ay jarrabaadda timaado ay u jilecsanaanin oo ay kaga hortagaan magaca Eebbe, oo laakiin haddii ay lacala dhacdo inuu shaydaanka duufsado waxaa jirtaa wax looga baahan yahay inuu kan rumaystaha ah sameeyo taa oo aan haatan u jeesanayno.

 

Sidee baa dembiga looga hortagaa?

“Dembigaygii adigaan kuu qirtay, oo xumaantaydiina ma aan qarin, waxaan dihi, xadgudubkayga waxaan u qiranayaa Rabbiga, oo adna waad iga cafiday xumaanta demmbigayga.” (Sabuurrada 32:5) Qofka dhabtii Ilaah rumaysan ma ahan inuu dembiyadiisa cudurdaar u yeelo laakiin waxaa jiraan laba shey oo looga baahan yahay inuu sameeyo labada shey oo ah,

§         Waa inuu dembiga uu falay uu ka toobad keeno ama uu Ilaah u qirto uuna ka fogaado uusan mar dambe isla arintaa uu ku noqon maxaa yeelay, way ka sii darnaan doontaa xaaladda aad ku jirtay haddii aad markii aad toobad keentay kaddib ay haddana dembaabtid. “Jinniga wasakhda leh goortuu ninka ka baxo, wuxuu maraa meelo aan biyo lahayn, isagoo nasasho doonaya, oo markuu heli waayo, wuxuu yidhaahdaa, waxaan ku noqonayaa gurigaygii aan ka baxay. Oo goortuu yimaado wuxuu helaa isagoo xaaqan oo hagaagsan. Markaasuu tagaa oo wuxuu wataa toddobo jinni oo kale oo ka xunxun isaga, wayna galaan oo halkaas joogaan. Ninkaas wakhtigiisa dambe ayaa ka darnaanda wakhtiga hore.” (Luukos 11aad: 24aad-26aad)

 

 Tan waa arin uu Kitaabka qoduuska ah uu nagu dhiiri gelinayo waayo, waxaa jirtaa marxalado taariq ah oo la soo gudboonaadeen dadkii hore uu Ilaah adeegsaday oo dembiilayaal ahayeen laakiin haddii aan Kitaabka qoduuska ah ka akhrino tusaalo waxaa inoo ah nebi Daa’uud oo dembiyadiisa Ilaah ku hor qirtay oo Ilaahna wuu u cafiyey isaga haddana waxaa jirtaa qayb kala oo Kitaabka ka tirsan oo naga balan qaadayso in Ilaah uu noo cafinayo dembiyadeena haddii aan isaga u qirano. “Haddaynu dembiyadeenna qirano, isagu waa aamin iyo caadil inuu dembiyadeenna inaga cafiyo, oo uu inaga nadiifiyo xaqdarrada oo dhan.” (1 Yooxanaa 1:9) Qirashadu waa cadayn cadaynayso inaad ogolaatay in waxa demmbiga ah uu Ilaah kuu cadayey inay dembi yihiin aad ogoshahay in runtii aad dembaabtay si uu Ilaah kuu cafiyo. Haduu qofka daacad isku noqdo Ilaah intaa ka badan buu daacad iyo caadil baniaadmiga ku yahay oo runtii wuu u cafinayaa ku alla kii demibyadiisa qirta oo haddana midda kale waxay tahay waa inaanan wax dembi ah yaraysan oo aan wada qirano waayo, Ilaah hortiisa dembi kasta waa dembi oo ma jiro dembi yar.

§         Arinta labaad oo qofka rumaysadka leh looga baahanyahay inuu samayo markuu dembaabo waxay tahay inuu toobad keeno kana fogaado wax alla wixii dembi ah oo uu noloshiisa Ilaah ugu adeego. Waxaa cad in hadduu qofka daacadnimo dembiyadiisa ku qirto uu xiriirkii hore uu baniaadmiga Ilaah la lahaani jiray uu soo celinayo.

 

2.      JARRABAADDA:

Jarrabaadda ay dunida dadka jaraabto

“Dunida iyo waxyaalaha dunida ku jira toona ha jeclaanin. Qof uun hadduu dunida jeclaado, jacaylka Aabbuhu kuma jiro isaga.” (1 Yooxanaa 2:15) Erayga duni macnahiisa guud ma ahan dunida uu Ilaah uumay ee ay wax kasta ku jiraan keliya laakiin wuxuu leeyahay macna kale. Inta badan Kitaabka wuxuu dunida ku macnayaa dadka dembiilaha ah kaa oo ka leexday doonista Ilaah sida aan uga aragnay aayada aan haatan akhrinay haddana dunida waa wax kasta oo aan ahayn doonista Ilaah laakiin ku eg farxadda dunidan uu Ilaah uumay keliya. Maadama ay dunida Ilaah ka soo horjeedo, waxay qaymaysaa waxyaalaha doonista Ilaah ka soo horjeedaan: sida stareexa jidhka, waxyaalaha aragga u roon iyo kibirka nolosha taa oo aad haddii aad doonaysid inaad si dheeraad ah u baratid aad ka akhrin kartid 1 Yooxanaa 2:16. Waxyaalaha aan halkaan ka soo jeediyey jarabaad weyn bay baniaadmiga ku hayaan oo laba weji bay leeyihiin,

§         Jacayl - doonista qalbiga

§         Kibirka - doonista qofka

 

Duufsiga ay dunida baniaamiga duufsanayso waxaa xoojinayaa shaydaanka kan ah hogaamiyaha dunida sharka leh. Waxaa jiraan waxyaalo lagu ogaani karo qofka ay jarabaadda dunida duufsatay kuwa oo ay ka mid yihiin,

v      Baniaadanka dunida jacayl wuu ka leexdaa shaqada Ilaah iyo wada jirka kuwa Ilaah aaminsan oo dhan maxaa yeelay, damiirkiisa ayaa u sheegaya inuu dembiile yahay waayo dembi iyo qoduusnimo isku meel ma wada joogi karaan. “Waayo, Deemaas intuu dunidan haatan la joogo jeclaaday ayuu iga tegey, oo wuxuu aaday Tesaloniika; Kereeskeesna wuxuu aaday Galatiya; Tiitosna wuxuu aaday Dalmatiya.” (2 Timoteyos 4:10aad)

v      Baniaadanka dunida iyo shuquladeeda jacayl aad buu Ilaah uga dheraadaa maxaa yeelay, dunida waxay leedahay waxyaala fara badan oo isha dadka u roon oo ay kuwa aan Ilaah aqoonin durbaba u go’I karaan inay dunida adeegsato bedelkii uu Ilaah adeegsan lahaa.  “Dhillayo iyo dhillooyin yahow, miyeydnaan garanayn inay saaxiibnimada dunidu Ilaah la col tahay? Sidaas daraaddeed kii kasta oo doonaya inuu saaxib la ahaado dunida, Ilaah buu la col noqday.” (Yaquub 4:4aad) Marka yay nagu waajib tahay inaan u adeegno oo aan adeecno ma kii na uumay baa mise waxyaalaha uu uumay?

v      Baniaadanka dunida jacayl wuxuu samayaa dembiyada ugu daran oo aad doonaynin inay dhegtaada maqasho ama ay ishaada aragto laakiin kan samaynaya waxba lama ahan waayo, waa mid Ilaah ka goostay. “Wuxuu kuwaas inagu siiyey ballamadiisa qaaliga ah oo aad iyo aad u waaweyn, inaad kuwaas ku noqotaan kuwo ka qayb qaata dabiicadda Ilaah, idinkoo ka baxsaday kharribaadda dunida ku jirta ee ku timid damaca jidhka.” (2 Butros 1:4aad)  “Dunida iyo waxyaalaha dunida ku jira toona ha jeclaanina. Qof uun hadduu dunida jeclado, jacaylka Aabbuhu kuma jiro isaga. Maxaa yeelay, waxaa dunida ku jira oo dhan oo ah damaca jidhka, iyo damaca indhaha, iyo faanka nolosha, xagga Aabbaha kama yimaadaan ee waxay ka yimaadaan xagga dunida. Oo duniduna way idlaanaysaa, iyo damaceeduba; laakiin kan doonista Ilaah yeelaa wuu jirayaa weligiis.” (1 Yooxanaa 2:15-17aad) Marka tee noo roon ma inaan Ilaah adeecno in kasta oo ay dhib nagu tahay laakiin aan helnaa nolosha weligeed ah mise inaan dunida ku istareexno oo aan muddo yar kaddibna aan heleyno nolol dab olol ah oo aan weligeed dhamaanaynin? Waa mid u taalo nafsi kasta.

v      Baniaadmiga dunida iyo shuquladeeda jacayl durbaba waxay racaan maclimiinta beenta ah ama culumada diinta hab qaloocan u fasiraan. “Gacaliyaalow, ha rumaysanina ruux walba, laakiin ruuxyada tijaabiya si aad u hubsataan inay kuwa Ilaah yihiin; waayo, nebiyo badan oo been ah ayaa u soo baxay dunida.” (1 Yooxanaa 4:1aad) Sida keliya oo looga hor tegi karo jacaylka dunida waa in Ilaah inta dunida la jacaylyahay ka badan la jeclaado sidaanba uga akhrinay 1 Yooxanaa 2:15 oo haddana waxaan ognayhay in kan Ilaah jacayl oo markasta doonista Ilaah ku socdaa oo na weligii ku dadaalo, jarrabaadda dunida kama hor timaado oo wuxuu ugu guulaystaa awooda uu Ilaah isaga siinayo maadama uu isaguba Ilaah daacad ku yahay.

 

Jarrabaadda jidhka

“Soo jeeda oo tukada inaydnaan jirrabaadka gelin.” (Markos 14:38)

Markaan ka hadlayno erayga jidh macna dheeraad ah buu ka leeyahay Kitaabka oo kuma eko keliya jidhka baniaadmiga. Waxaa loo yaqanaa nafta baniaadmiga ku jirto oo dembiga leh oo na doonista Ilaah ka soo hor jeeddo taa oo aan ka akhrin karno Kitaabka Rooma 8:7. Waxyaalaha jidhka ka dhashaa waa jidh si wanaagsan buu Kitaabka u sii macnayey haddii aan akhrino Galatiya 5:19-21 waxaana ka mid ah sinada, wasakhda, nacaybka, xanaaqa, diinta beenta ah, xaasidnimo, sakhraannimo, rabshooyin iyo waxyaalo la mid ah. Qofka ay waxyaalahan ku jiraan is kuuguma yeedhi karo mid Ilaah addeecan ama mid Masiixa ah oo wuxuu hoos jooga inkaarta Ilaah.

 

Walaal ogaanteeda lahaw oo kuwa Ilaah addeecsanna ama Masixiintana kama baxsano waxyaalaha jidhka ee waxay wada samaynaysaa baniaadmiga oo dhan laakiin kuwa uu Ruuxa Ilaah hogaamiyo ma ahan inay addeecaan jidhka laakiin waa inay wax alla wixii shar ah ay ka fogadaan. Kitaabka Rooma 7:15-25aad ayaa tan noo sharaxaya waayo, wuxuu leeyahay sida tan, “Haddaba maxaynu nidhaahnaa? Sharcigu ma dembi baa? Ma suurtowdo! Hase ahaatee, dembi ma aanan garteen, sharcigaan ku gartay mooyaane, damaca xun ma aanan garteen haddaan sharcigtu I odhan, waa inaan wax damcin. Dembigu isagoo wakhti helay, ayuu amarka dhexdayda kaga falay damac xun oo kasta; waayyo, sharciga la’aantis dembigu waa meyd. Waa baan noolaa sharciga la’aantis laakiin markii amarku yimid, dembigu waa soo noolaaday, aniguna waan dhintay. Amarkii nolosha ii geeyn lahaa, waxaan gartay inuu dhimasho I geeynayo. Waayo, dembigu, isagoo wakhti helay, ayuu amarka igu khiyaaneeyey, wuuna igu dilay. Haddabase sharcigu waa qoduus, amarkuna waa qoduus, waana xaq, wuuna wanaagsan yahay. Haddaba wixii wanaagsanaa miyey dhimasho ii noqdeen? Ma suurtowdo! Laakiin dembigu, inuu muuqdo inuu dembi yahay, ayuu wax wanaagsan igaga dhex shaqeeyey oo dhimasho ii keenay, in dembigu amarka ku noqdo dembi miidhan.

 

Waayo, waxaynu og nahay in sharcigu ku saabsan yahay ruuxa, laakiinse anigu waxaan ahay mid jidhka raaca oo laga iibiyey dembiga hoostiisa. Waayo, waxaan samaynayo garan maayo, maxaa yeelay, ma sameeyo wixii aan doonayo, laakiin waxaan sameeya wixii aan necebahay. Laakiin haddaan sameeyo waxa aanan doonayn, de markaas heshiis baan kula ahay sharciga inuu wanaagsan yahay. Haddabase haatan ma aha aniga kan waxaa sameeya, laakiinse waa dembiga igu dhex jira. Waayo, waan ogahay inaan wax wanaagsanu igu dhex jirin, taas waxaan ula jeedaa, jidhkaygu wax wanaagsanu kuma jiraan, waayo, waan ku tala jiraa inaan waxa wanaagsan sameeyo, laakiin ma sameeyo. Waayo, waxa wanaagsan oo aan doonayo inaan falo, ma sameeyo, laakiinse waxa sharka ah oo aanan doonaynin inaan falo, ayaan sameeyaa. Laakiin haddaan sameeyo wixii aanan doonaynin inaan falo, de haatan ma aha aniga kan sameeya laakiinse waa dembiga igu dhex jira. Haddee waxaan arkaa qaynuunka in shar ila jiro in kastoo aan doonayo inaan wax wanaagsan sameeyo. Waayo, sharciga Ilaah ayaan kaga farxaa ninka gudaha ah. Laakiin waxaan xubnahayga ka arkaa qaynuun kale, isagoo la dagaallamaya qaynuunka maankayga oo maxbuus iiga dhigaya qaynuunka dembiga oo xubnahayga ku jira. Nin belaysan baan ahay. Yaa iga furan doona jidhkan dhimashada leh? Waxaan Ilaah ugu mahad naqayaa inuu Rabbigeen Ciise Masiix igu furan doono. Sidaas daraaddeed aniga qudhaydu waxaan maankayga ugu adeegaa sharciga Ilaah; laakiinse waxaan jidhka ugu adeegaa qaynuunka dembiga.”

 

Kan Ilaah addeecsan oo rumaysan wuxuu leeyahay uun cusub uu Ruuxa Qoduuska ah ee Ilaah uu hogaaminayo. Maadama uu jidhka iyo Ruuxaba ay wada jiraan kii uu qofka u ogolaado inuu raaco ayaa hogaanka qabsanayaa waayo, labadooda isku meel kama wada shaqayn karaan. Jawaabta waxyaalaha jidhka waa Ciise Masiix kan waxyaalahas oo dhan iskutallaabta uga guulaystay. 

“Sidaas oo kalena idinku isku tiriya inaad dembiga u tihin kuwo dhintay, oo aad Ilaah u tihiin kuwo nool xagga Ciise Masiix.” (Rooma 6:11) Waa inaan ku noolaano doonista Ruuxa qoduuska ah ee Ilaah laakiin ma ahan inaan goosano inaan raacno waxyaalaha jidhka ka farxiya oo aan hadhowtana aan xagga Ilaah aan waxba kala dhaxli doonin Ciise Masiix. “Laakiin waxaan idin leeyahay, Ruuxa ku socda, kolkaas aydnaan damaca jidhka yeelayne.” (Galatiya 5:16) Arinta hogaanka Ruuxa ku saabsan waa mid ka timaaddo cuskashada uu qofka ku cuskanayo Erayga Ilaah wuxuu leeyahay waana mid tartiib ku timaado oo ma ahan wax hal mar ku noqonayo oo saa ku sii soconayo. Marka waa inuu qofka ruuxa qoduuska ah iisu dhiibo uu na ku ficil bixiyo waxyaalahaas oo dhan maxaa yeelay, inta badan aqoonta arinta loo leeyahay way ka duwan tahay ku ficil qaadidda arinta iyada ah. Inteena badan waan og nahay in dembigu uu ahayn doonista Ilaah laakiin haddii aan sida aan u ognahay aan dembiga uga fogaanayn de maxaa faa’ido ah ay leedahay inaan ogaano inuu dembiga xunyahay?

 

Jarrabaadda Shaydaanka

“Haddaba shaydaan baa ku kacay reer binu Israa’iil oo wuxuu Daa’uud ku dhaqaajiyey inuu reer binu Israa’iil tiriyo.” (Taarikhdii Kowaad 21:1) Culayska iyo uu shaydaanka baniaadmiga ku hayo iyo macnaha shaydaanka waxaa lagu soo gebgebayey erayga shaydaan taa oo ay macnaheedu tahay Mucaarad marka waxa uu dunida ku hayo oo dhan wuxuu ugu suubinayaa mucaaridnimo oo kuma jiraan wax wanaag ah uu ka doonayo inuu baniaadmiga ka faa’ido. Haddana shaydaanka waxaa lagu magacaabay garwate oo weligiiba wuu isla quman yahay kaa oo ah Iblis oo wax kasta iskiiga keen dhigi karo oo wuxuu ka soo horjeedaa hawl kasta oo Ilaah qusayso oo dhan. Cadaynta waxa aan ku hadlayno waxaad ka akhrin kartaa Kitaabka qoduuska ah oo hawlaha shaydaanka inooga sheekeynayo taa oo aan qaas ahaan uga akhrin karno, “Waa kuwan kuwii jidka yiil meeshii hadalka lagu beeray, oo goortay maqlaan, Shaydaan baa kolkiiba yimada oo ka qaada hadalkii lagu beeray iyaga.” Markos 4:15a. Haddana haddii aan ka sii akhrino ku saabsan shaydaanka waxaa qoran sida sida tan, “Markaasaa Shaydaan wuxuu Rabbiga ugu jawaabay, Haragba harag baa loo baxshaa, oo nin wuxuu haysto oo dhan ayuu naftiisa u baxshaa. Laakiinse bal haatan gacantaada soo fidi, oo lafihiisa iyo jidhkiisa taabo, oo isna markaasuu hortaada wax xun kaaga sheegi doonaa.” (Ayuub 2:4-5)

 

Tan waxay noo cadaynaysaa in Shaydaanku uusan waxba lahayn xaata waxyaalaha dunidan uu ku faanaya isaga iskama lahan waayo, wuu ka tegi doonaa ugu dambaysta maxaa yeelay, intaanay waxba jirin Ilaah baa jiray Ilaah ayaana wax kasta aasaasay wuxuuna u aasaasay inay farxaddiisa ahaato inay wax kasta isaga caabudaan. Marka shaydaanka madaama uu waxba lahayn wuxuu doonaya uun wax uu burburiyo oo uu dariiqa quman ka leexiyo waana in layska jiro. Kitaabka qoduuska ah wuxuu isaga ku sii sheegaya inuu yahay mid doonaya wuxuu ku ciil baxo uu burburiyo meel walbuuna joogaa isagoo sida libaaxa u ciyaya laakiin waa inaan ogaano Ilaaha noo yeedhay inuu yahay mid aamin ah oo isaga na uuntay ayaa na siinaya awoodda aan uga hor tegeyno jirrabaaddiisa oo weliba wuu na adkayn doonaa mar alla markuu shaydaanka doonaya inuu na dhuufsado sida aan uga akhrinayno erayga waxaana qoran sida tan, “Feeyignaada oo soo jeeda, waayo, cadowgiinna Ibliiska ahu sida libaax ciyaya ayuu u wareegaa oo u doondoonaa cid uu liqo. Isaga hor joogsada idinkoo iimaankiina ku adag, oo garanaya in isla dhibaatooyinkaasu ay ku dhacaan walaalahyiinna dunida ku jira. Haddaba Ilaaha leh nimcada dhan oo idinku yeedhay amaantiisa daa’imkaa oo Masiixa ku jirta, markii aad in yar xanuunsataan ka dib isagu wuu idin kaamili doonaa, oo idin adkayn doonaa, oo idin xogayn doonaa.” Butroska Kowaad 5:8aad

 

Marka haddii aan niraahno shaydaanka waa garwate ma ahan wax aan iska samaysanayno laakiin waa wax jiraan amaba run ah waayo, isagu wuu isla quman yahay oo wuxuu uun doonaya sida isaga la quman inuu suubiyo laakiin Ilaah uma uusan ogolaanayo inuu kuwa isaga addeecsan uu shaydaanka wuxuu doono ku samayo laakiin wuu xoojinaya iyaga si ay uga hor yimadaan jarabaadiisa oo isagu waa mid macaaradnimo ku shaqaynayo. Shaydaanka wuxuu ka mid ahaani jiray qoduusiinta carshiga Ilaah ag fadhiyaan laakiin waxaa dhacday inuu mar dembaabay taa oo isaga ku qasabtay inuusan mar dambe Ilaah carshigiisa ag joogin laakiin laga soo dejiyo janada waayo, Ilaah iyo dembi waa laba aan laysku ag dhoweynaynin waayo, Ilaah waa qoduus oo isaga waa nuur oo mugdi uma dhowaado taa iida ahna waxaan ka akhrinaynaa Kitaabka Ayuub 1:6. Waxaa jireen malaa’igo badan oo shaydaanka la safteen oo iyaguna waxay noqdeen jiniyada aan Kitaabka ka akhrinayno. “Laakiin Farisiintu goortay maqleen, waxay yidhaahdeen, kanu jinniyada wax kale kuma saaro Be’elsebu oo ah madaxda jinniyada maahee.” Matayos 12:24; Muujintii 12:7. “Markaasaa samada waxaa ka dhacay dagaal, oo Mikaa’iil iyo malaa’igihiisii waxay u soo baxeen inay la diriraan masduulaagii; oo masduulaagii iyo malaa’igihiisiina way la dirireen…”(Muujintii 12:7)

 

Yooxanaa 16:11 waxaan arkaynaa in boqortooyada shaydaanka uu Ciise Masiix burburiyey oo haatan boqortooyada Ciise baa haystaa laakiin shaydaanku weli wuu degaalamaya ilaa isaga iyo malaa’igahiisa badda debka ololayo loogu ridayo sida aan Kitaabka uga akhrinayno qaas ahaan Muujintii 20:10 oo qorayso sida tan, “Oo Ibliiska iyaga khiyaanayn jirayna waxaa lagu dhex tuuray baddii dabka iyo baaruudda ahayd, halkaas oo ay ku jiraan bahalkii iyo nebigii beenta ahaa, oo iyaga waxaa la cadaabi doonaa habeen iyo maalinba weligood iyo weligoodba.” Kuwa aan Ilaah u go’in shaydaanku wax weyn buu ku hayaa taa oo ay ka mid yihiin sida uu Kitaabka sheegayo; wuxuu dedaa qalbiyada dadka si aynan u maqlin erayga Ilaah oo ay doonistiisa u samayn sida aan uga akhrinayno 2 Korintos 4:4 waxaana qoran sida tan, “Ilaaha wakhtigani wuxuu ka indho tiray maanka kuwa aan rumaysanaynin, inaan iftiinka injiilka ee ammaanta Masiix, kan ah u-ekaanta Ilaah, uu ifin iyaga.” Luukos 8:12 waxaa qoran sida tan, “Kuwii jidka yiil waa kuwii maqla, markaasaa Ibliisku yimaadaa, oo hadalka ayuu qalbigooda ka qaadaa, si aanay u rumaysan oo aanay u badbaadin.”

 

Runtii Shaydaanka ama Ibliiska ma doonaya dad dembiga ka badbaadaan maxaa yeelay, wuxuu hubaa in maalinta ugu dambayso uusan lahayn wax rajo ah uu xagga Ilaah wanaag kaga sugaya sidaa daraaddeed wuxuu doonaya wax uu la naf go’o si uu keligiis u ahaan maalinta iyada ah. Waxaan Ilaah ka baryaynaa inuu noo indho furo si aan u aragno waxa ay tahay doonistisa si aan u noqon kuwa inkaartiisa ay ku dhici doonto maalinta ugu dambaysaa gefka aan ka galnay oo aan isaga rumaysan waynay daraaddiis. Shaydaanka wuxuu xukumaa kuwa aan weli Ilaah u go’in ama kuwa dib uga soo noqdeen doonista Ilaah. “Laakiin waxaa iyagii ka hor istaagay saaxirka Elumas (oo sidaas magaciisa loo fasiri jiray), oo wuxuu isku deyayay inuu taliyihii ka leexiyo iimaanka.” (Falimaha Rasuullada 13:8aad) Garwataha kaa oo ah Shaydaanka wuu ishtakayaa wuuna ishtakayn doonaa kuwa aan Ilaah aaminsanayn. “Oo haddana waxaan samada ka maqlay cod weyn oo samada oo leh, Haatan waxaa yimid badbaadadii, iyo xooggii, iyo boqortooyadii Ilaaheenna, iyo amarkii Masiixiisa; maxaa yeelay, kii walaalaheen dacweyn jiray hoos baa loo tuuray, kaasoo iyaga ku dacweyn jiray Ilaaheenna hortiisa habeen iyo maalinba.” (Muujintii 12:10aad)

 

Shaydaanka wuu burburin doonaa maragfur kasta oo ay Masixiinta u marag furayaan Masiixa.

“Feeyignaada o soo jeeda, waayo, cadowgiinna Ibliiska ahu sida libaax ciyaya ayuu u wareegaa oo u doondoonaa cid uu liqo.” (1 Butros 5:8) Waa inaan ka fiirsanaa wax yaalaha uu noogu soo gaban karo maxaa yeelay, isagu iskama yimaado laakiin wuxuu noogu soo gabanaya waxyaalaha aan aad u jecaylnahay si uu noogu dhigo kuwa dunida jacayl oo tan Ilaah aan ka fikirin maxaa yeelay, wuxuu og yahay hadduu toos u yimaado iyadoo la og yahay isagu waa sheydaan in laga wada carari doono uuna wayni doono wax uu dhuufsado. Marka waa inaan is weydino maxay yihiin waxyaalaha aad u jeclahay oo aan Ilaah kaga dembaabo waana inaad ogaatid waa habka ama sheyga uu sheydaanka istecmaalaya si uu Ilaah kaaga fogayo.

 

Shaydaanka wuxuu siri doonaa kuwa aanan isaga u adeegeynin oo dembiilayaasha ahayn.

“Oo la-yaab ma leh, waayo, Shaydaanka qudhiisu wuxuu isu ekaysiiyaa malaa’igta iftiinka.” (2 Korintos 11:14). Shaydaanka shaqada Masixiinta oo dhan oo ku saabsan faafinta warka badbaadiyaheena Ciise Masiix iyo boqortooyada Ilaah wuu hor istaagi doonaa. “Waayo, waannu jecelaan lahayn inaannu idiin nimaadno, anigoo Bawlos ah mar iyo lababa waan jeclaa, laakiinse, Shaydaan baa naga hor joogsaday.” (1 Tesaloniika 2:18) Wuxuu kuwa Masixiinta ah ku jaraabi doonaa dembiga sida sinada iyo wax alaate wixii uu arkay inay dadka jacayl yihiin oo lagu dhuufsan karo. “Ha is diidina, wakhti aad ku heshiisaan inaad soon iyo tukasho u goosataan mooyaane, oo aad haddana isu timaadaan, si aan Shaydaanku idiin duufin iscelin-la’aantiinna aawadeed.” 1 Korintos 7:5. Ilaahna Shaydaanka wuu u fasaxi doonaa si uu Masixiinta ku edbiyo. “waa inaad kaas oo kale shaydaanka u dhiibtaan in jidhku baaba’o, Ruuxuse badbaado maalinta Rabbiga.” 1 Korintos 5:5 Aayad kalena waxay leedahay, “Inaanan isu sarraysiin waxyaalaha lay muujiyey weynaantooda dheer aawadeed, waxaa lay siiyey wax jidhkayga mudoa oo ah mid Shaydaan u soo diray inuu I kadeedo si aanan isu sarraysiin.”

 

 

 

3.     SILACA

“Waayo, haddii ay doonista Ilaah tahay, waxaa ka wanaagsan inaad samafalidda u xanuunsataan intii aad xunuunsan lahaydeen sharfalidda.” 1 Butros 3:17 Waxaa jiraan saddex nooc oo silac oo kuligood xanuun iyo stareex la’aan bay baniaadmiga ku hayaan oo weliba waxaa silaca ugu badan kuwa Ilaah rumaysan oo addeecaan.

a)      Silcinta jidhka – tan waa midda jidhka ku dhacdaa oo runtii baniaadmi kasta wuu la kulmaa. Waxaa dhacdaa in jidhka uu jareexoobo ama qayb jidhka ka tirsan ay qumaati shaqadeeda uga soo bixi wayso. Maxaa keenaa silaca jidhka? Waxaa silaca jidhka ka dambeeyaan waxyaalo fara badan oo ay ka mid yihiin:

-          u dhalashada silaca -

“Ciise intuu socday wuxuu arkay nin indho la’aan ku dhashay.” Yooxanaa 9:1aad

-          shil lama filaan ah ama taxdir darro ayaa keeni kartaa silaca - 

“Yoonaataan ina Saa’uul wuxuu lahaa wiil curyaan ah. Oo isagu shan jir buu ahaa markii war ku saabsan Saa’uul iyo Yoonaataan Yesre’eel laga keenay, ee ay naagtii isaga dhawraysay kor u qaadatay, oo carartay. Oo intay ku degdegaysay inay cararto ayuu ka dhacay, oo markaasuu curyaan noqday. Oo magiciisuna wuxuu ahaa Mefiiboshet.” 2 Samuel 4:4aad

-          Waxaa kale oo ay silcinta ka imaani kartaa waxyaalaha jidhka ku jiraan iyo waxyaalo la mid ah ama ka duwan. “Naag laba iyo taban sannadood dhiigibixid qabtay, oo wixii ay ku noolaan lahayd oo dhan dhaqtarro ku bixisay, oo ku bogsan weyday, midna xaggiisa.” Luukos 8:43

-          Ugu dambaysta waxaan odhan karnaa silaca jidhka waxaa sababaa ama sababi karaa shaydaanka.

“Oo isagu wuxuu soo koriyey Hadasaah, taasoo ahayd ina-adeertiis Esteer, waayo, iyadu aabbe iyo hooyo toona ma ay lahayn; oo markii aabbahayd iyo hooyadeed dhinteen ayaa Mordekay qaatay oo sidii gabadhiisii ka dhigtay.” (Ayuub 2:7) Luukos 13:16 waxaa qoran sida tan, “Oo naagtan oo ina Ibraahim ah oo Shaydaanku siddeed iyo toban sannadood xidhay, miyaanay lahayn in maalinta sabtida ah laga fura xidhmadaas?”

 

b)      Silaca laga silco xagga caqliga – silaca xagga caqliga laga silco oo ay weliba si kasta oo ay noqotaba ugu dhibaatada badan tan jidhka wuxuu ku imaani karaa waxyaalaha sida:

-          Fikirka uu qofka waxyaabo fara badan ka fikirayo oo ka dhigayso qofka inuu ka liito xagga caqliga oo Kitaabka qoduuska ahna way ku jirta waayo, waxaan ka akhrinaynaa aayadaha ay ka mid yihiin, “Oo waxaan idinkula joogay itaaldarro, iyo cabsi, iyo gariir badan.” 1 Korintos 2:3aad “Laakiin sida uu Ilaah aamin u yahay, hadalkayagu xaggiinna ma aha, Haah, iyo Maya.” (2 Korintos 1:18) “Waayo, dhib badan iyo silica qalbiga ayaan idinku soo qoray anigoo aad u ilmaynaya, oo ma aha inaad calool xumaataan, laakiin inaad garataan jacaylka aad u sii badan ee aan idiin qabo.” (2 Korintos 2:4,13) “Waayo, markaan Makedoniya nimid jidhkayagu ma nasan, laakiin wax kasta waannu ku dhibtoonnay. Xagga dibadda waxaa jiray dagaallo, xagga gudahana waxaa jirtay cabsi.” 2 Korintos 7:5aad

c) Silaca laga helo xagga xiriirka Ilaah lala leeyahay – silcinta noocan ah waxay ka imaani kartaa:

-          Xagga dunida -   “Dunida iyo waxyaalaha dunida ku jira toona ha jeclaanina. Qof uun hadduu dunida jeclaado, jacaylka Aabbuhu kuma jiro isaga. Maxaa yeelay, waxa dunida ku jira oo dhan oo ah damaca jidhka, iyo damaca indhaha, iyo faanka nolosha, xagga Aabbaha kama yimaadaan ee waxay ka yimaadaan xagga dunida. Oo dunidu way idlaanaysaa, iyo damcaceeduba; laakiin kan doonista Ilaah yeelaa wuu jirayaa weligiisba.” 1 Yooxanaa 2:15-17

-          Wuxuu ka imaani karaa xagga jidhka -  “Waayo, waan ogahay inaan wax wanaagsanu igu dhex jirin, taas waxaan ula jeedaa, jidhkayga wax wanaagsanu kuma jiraan, waayo, waan ku tala jiraa inaan waxa wanaagsan sameeyo, laakiin ma sameeyo, laakiinse waxa sharka ah oo aanan doonayn inaan falo, ayaan sameeyaa. Laakiin haddaan sameeyo wixii aanan doonayn inaan falo, de haatan ma aha aniga kan sameeya, laakiinse waa dembiga igu dhex jira. Haddee waxaan arkaa qaynuunka in shar ila jiro in kastoo aan doonayo inaan waxa wanaagsan sameeyo. Waayo, sharciga Ilaah ayaan kaga farxaa ninka gudaha ah. Laakiin waxaan xubnahayga ka arkaa qaynuun kale, isagoo la dagaallamaya qaynunka maankayga oo maxbuus iiga dhigaya qaynuunka dembiga oo xubnahayga ku jira. Nin belaysan baan ahay. Yaa iga furan doona jidhkan dhimashada leh?” Rooma 7:18-24aad

-          Laakiin inta badan wuxuu ka imaani karaa xagga shaydaanka maxaa yeelay, isagu weligiisba kuma uusan fikirin inuu wax wanaagsan ku tillaabo qaado waayo, xaata waxyaalaha uu Ilaah wanaag ugu tallagalay isagu wuxuu doonaya inuu maroojiyo si uu baniaadmiga xumaan uga dhaadhiciyo. Nolosha Ayuub ayaan tusaalahan ka heli karnaa.

 

Maxay tahay sababta loo silcayo?’  Ayuub 2:7 wuxuu leeyahay, “Markaasaa Shaydaan Rabbiga hortiisa ka tegey, oo wuxuu Ayuub tin iyo cidhib ku dhuftay boogo xunxun.” Waxaa laga yaabaa in su’aasha ugu weyn ee ay rumaystayaasha weydiyaan ay tahay, ‘maxay tahay sababta loo silcayo?’

Waa maxay sababta uu Ilaaha jacaylka badan uu fursad u bixinayo inay carruurtiisa silcaan?

Sababta uu Ilaah u fasaxayo inay rumaystayaasha isaga aaminsan u silcaan waxaa ka mid ah, wuxuu doonaya inay rumaystayaasha dhalaan midh wanaagsan. Haddii aan isku deyno inuu silaca dantiisa bogto runtii waxay keenaysaa adkaysi badan oo aan u adkaysani karno wax alla wixii nala soo gudboonaado oo dhib ah taa oo aan ka akhrinayno Cibraaniyada 10:36aad waxayna leedahay sida tan, “Waayo, waxaad dulqaadasho ugu baahan tihiin si aad u qaadataan wixii laydiin ballan qaaday markaad doonista Ilaah samaysaan dabadeed.” Aayad kalena waxay dhigaysaa sida tan, “Walaalayalow, kolkaad jirrabaaddo kala cayncayn ah kala kulantaan , kulli farxad u tirsada, idinkoo og tijaabinta rumaysadkiinnu inay dulqaadasho keento.” (Yacquub 1:2-3)

 

 Inkastoo aan silcid weyn na soo gaartay sida aan uga akhrinayno Sabuurrada 30:5 oo dhigan sida tan, “Waayo, cadhadiisu waa mid daqiiqad keliya, laakiinse raallinimadiisu waa cimriga, habeenka waxaa jirta oohin, laakiinse aroorta farxad baa timaada. Aayad kalena waxay leedahay sida tan iyaduna taa oo aan ka akhrinayno 126:6, “Kii iska taga isagoo ooyaya oo abuurkiisa sita, wuxuu soo noqon doonaa isagoo faraxsan oo xidhmooyinkiisa sita.”  Haddana waxaa jirtaa in wax garad dheeraad ah oo jarabaadda nooga imanayso xagga silaca taa oo aan ka akhrinayno Sabuurrada 94:12-15 taa oo dhigan sidanayto, “Rabbiyow, waxaa barakadaysan ninkii aad edbiso, oo aad sharcigaaga wax ka barto, si aad uga nasiso maalmaha belaayada inta kan sharka lahaa godka loo qodayo. Waayo, Rabbigu dadkiisa xoori maayo, oo dhaxalkiisana dayrin maayo. Waayo, garsooriddu waxay ku soo noqon doontaa xaqnimada, oo inta qalbigoodu qumman yahay oo dhammuna way raaci doonaan.” Weliba silaca waan ku barbaaraynaa haddii aan ku sii adkaysano doonista Ilaah in kastoo aan silcayno.  Erayga Ilaah wuxuu leeyahay sida tan, “Haddaba Ilaaha leh nimcada oo dhan oo idiinku yeedhay amaantiisa daa’imkaa oo Masiixa ku jirta, markii aad in yar xanuunsataan ka dib isagu wuu idin kaamili doonaa, oo idin adkayn doonaa, oo idin xoogayn doonaa.” (1 Butros 5:10)

 

Ilaah wuxuu doonaya inuu Shaydaanka ku cebeyo markuu fasaxayo inay kuwa isaga rumaysan silcayaan waayo, wuxuu ogyahay inuusan ku sii deyn doonin in Shaydaanka uu dadkiisa ka adkaado oo wuu xoojinayaa iyaga si aanay xaggisa u gudbin oo ay u noqoto in isaga uu ceboobo uu u arko inuusan ka tabar badnayn Ilaah. Mar waxaa jirtay uu Shaydaanka inuu Ilaah u tegey uu Ayuub ku edeeyey oo wuxuu Ilaah ku yidhi Ayuub wuxuu uun kuu addeecsanyahay sababta oo ah waxaad siisay wax alla wuxuu dunida uga baahnaa oo dhan. Laakiin Ilaah wuxuu Shaydaanka u ogolaaday inuu Ayuub siduu doono yeelo si un ugu cadeyo in Ayuub uu Ilaah u addeecsanaa Ilaah kan uu yahay daraaddeed laakiin aysan ahayn waxa uu Ilaah ka helay daraaddeed sida maalka dunida loogu istareexayoo weliba ma ahan wuxuu Ilaah ka heli lahaa hadduu adeeco. Erayga Ilaah ayaa tan xoojinaya markuu leeyahay, “Markaasaa Shaydaan Rabbiga u jawaabay oo wuxuu ku yidhi, bal Ayuub ma waxtarla’aan buu Ilaah uga cabsadaa? Sow deyr kuma aad wareejin isaga, iyo reerkiisa, iyo waxa uu haysto oo dhanba? Shuqulkii gacmahiisaad barakadaysay, oo xoolihiisiina dhulkay aad ugu bateen. Laakiinse haddaba bal gacantaada soo fidi, oo wuxuu haysto oo dhan taabo, oo isna sida runta ah, hortaada wax xun buu kaaga sheegi doonaa. Markaasa Rabbigu wuxuu Shaydaanka ku yidhi, bal eeg, wuxuu haysto oo dhammu gacantaaday ku jiraan, laakiinse isaga nafsaddiisa waa inaadan far saarin. Markaasaa Shaydaanka Rabbiga hortiisii ka tegey.” (Ayuub 1:9-12)

 

Ayuub 2:3-7 waxaa qoran sida tan, “Markaasaa Rabbigu wuxuu Shaydaanka ku yidhi, addoonkayga Ayuub ma ka fikirtay? Maxaa yeelay, isaga oo kale dhulka m ajoogo, waayo, isagu waa nin qumman oo toosan, oo ah mid Ilaah ka cabsada oo sharka k afogaada. Oo weliba isagu daacadnimadiisii wuu sii haystaa, in kastoo aad igu dirtay, si aan isaga sababla’aan ugu halligo. Markaasaa Shaydaanka wuxuu Rabbiga ugu jawaabay, Haragba harag baa loo baxshaa, oo nin wuxuu haysto oo dhan ayuu naftiisa u baxshaa. Laakiinse bal haatan gacantaada soo fidi, oo lafihiisa iyo jidhkisa taabo, oo isna markaasuu hortaada wax xun kaaga sheegi doonaa. Markaasaa Rabbigu wuxuu Shaydaanka ku yidhi, bal eeg, gacantaaduu ku jiraa, waxaadse u daysaa naftiisa. Markaasaa Shaydaanka Rabbiga hortiisii ka tegey, oo wuxuu Ayuub tin iyo cidhib ku dhuftay boogo xunxun.”

 

Ilaah wuxuu silcinta ugu ogolaanayaa shaydaanka inuu rumaystayaasha silciyo si uu u sii amaanaado weligiiba waayo, isagu waa Ilaah wuxuuna ka awood badan yahay wax kasta oo dunida ku nool oo dhan taana waa mid uu baniaadmi kasta oo Ilaah ka baqaya aan looga sheekeyneynin waayo, wuu og yahay dhabta Ilaah iyo kan uu yahayba waxaana ka akhrin karnaa tan iida ah Yooxanaa 9:1-3 waxaana qoran, “Ciise intuu socday, wuxuu arkay nin indhala’aan ku dhashay. Xertiisu waxay weydiyeen oo ku yidhaahdeen, macallimow, yaa dembaabay, ma kan baa mise waa waalidkiis, inuu indhala’aan ku dhasho? Ciise ayaa u jawaabay, ninkan iyo waalidkiis midna ma dembaabin, laakiin waa in shuqullada Ilaah lagu muujiyo isaga.” “Waxaa jiray nin buka oo ah Laasaro reer Beytaniya ee joogay tuulada Maryan iyo walaasheed Maarta. Maryantaasu waxay ahayd tii Rabbiga cadar marisay oo cagihiisa timaheeda ku tirtirtay, oo walaalkeed Laasaros bukay. Sidaa aawadeed walaalihii farriin bay Rabbiga u direen iyagoo leh, Sayidow, ogow, kii aad jeclayd waa bukaa e. Laakiin Ciise markuu taas maqlay wuxuu yidhi, Bukaankanu kan dhimashada ma ahaa, laakiin ammaanta Ilaah aawadeed in Wiilka Ilaah lagu ammaano.” (Yooxanaa 11:1-4) Ilaah wuxuu doonayaa inaan Ciise Masiix u ekaano maxaa yeelay, hadduu silec na gaaray runtii nama gaarin mid ka weyn kan Ciise Masiix gaaray oo isla sida uu uga guulaystay ayaan annaga isaga rumaysan uga guurlaysan doonaa oo sidaa daraaddeed isagaan u ekaanaynaa. In kastoo silaca geeri na gaarsiyo waxaan hubnaa inaan geeriduba ka xoog badin doono maxaa yeelay, kan aan adeecayno oo aan doonayno inaan u ekaano ayaa ka sarakacay geerida.  Erayga Ilaah ayaa dhigaya, “Inaan ogaado isaga iyo xoogga sarakiciddiisa iyo wadawadaagidda xanuunsigiisa, anigoo isaga xagga dhimashadiisa ugu ekaanaya.” (Filiboy 3:10)

 

Silaca wuxuu noogu yimaadaa si aan u ogaano inaan Ilaah la’aantis aan waxba samayn karin oo ay jirin wakhti haba yaraatee aan la’aantis ahaani karno meel alaate meesha aan joognaba maxaa yeelay, isagu wuxuu noo uumay inaan isaga caabudno oo aan weliba isaga uun adeecno nolosheena oo dhanba, waayo, xaata nolosha aan hadhow markay dunida dhamaato aan filanayno waa mid ay waajib nagu tahay inaan bilawno intaan noolnahay. Sidaa daraaddeed Ilaah la’aantis waa geeri taa oo aan ka akhrin karno 2 Korintos 12:1-10 waxayna dhigaysaa sida tan, “Waa inaan faano in kastoo aanay waxtar lahayn, laakiin waxaan gaadhi doonaa riyooyin iyo waxa Rabbigu muujiyo. Waxaan garanayaa nin Masiix ku jira oo afar iyo toban sannadood ka hor kor loo qaaday ilaa samada saddexaad. Inuu jidhka ku jiray iyo inaanu jidhka ku jirin garan maayo, Ilaah baase garan. Oo waxaan garanayaa ninkaas, laakiin inuu jidhka ku jiray iyo inaanu jidhka ku jirin garan maayo, Ilaah baase garan. Isaga kor baa loogu qaaday Firdooska, oo wuxuu maqla erayo aan lagu hadlin oo aan nin loo idmin inuu ku hadlo. Kaasoo kale xaggiisa waan ku faani doonaa, laakiin xaggayga kuma faani doono, itaaldarradayda mooyaane. Waayo, haddaan dooni lahaa inaan faano, doqon ma ahaan doono, waayo, runtaan ku hadli doonaa; laakiin waan iska celiyaa inaanu qofna ii malayn mid ka weyn wuxuu igu arko ama iga maqlo.

 

Inaanan isu sarrayysiin waxyaalaha lay muujiyey weynaantooda dheer aawadee, waxaa lay siiyey wax jidhkayga muda oo ah mid Shaydaan uu soo diray inuu I kadeedo, si aanan isu sarraysiin. Waxaas aawadiis saddex goor ayaaan Rabbiga ka baryay in waxaasi iga fogaado. Oo isagu wuxuu igu yidhi, Nimcadaydu way kugu filan tahay; maxaa yeelay, xooggaygu wuu ku dhan yahay itaaldarrada. Sidaa aawadeed anigoo faraxsan ayaan ku faanayaa itaaldarrooyinkayga in xoogga Masiixu igu soo dego. Sidaas aawadeed waxaan ku farxaa itaaldarrooyin iyo hadallo cay ah iyo baahiyo iyo silecyo iyo dhibaatooyin Masiix aawadiis, waayo, markaan itaal daranahay, ayaan xoog badanahay.” Ilaah wuxuu doonaya in nolosha rumaystayaasha ay u noqoto mid dhab ah markay ka gulaystaan jarabaadda silaca sida. “Waayo, Ilaahow, adigu waad na intixaantay, oo waxaad noo tijaabisay sida lacagta loo tijaabiyo. Waxaad na gelisay shabagga dabinka ah, oo waxaad simaha naga saartay culaab weyn. Dad baad madaxa naga saarta, oo waxaannu dhex galnay dab iyo biyo, laakiinse ugudambaysta waxaad na keentay meel barwaaqo ah.” (Sabuurrada 66:10-12).  Maahmaahyada 17:3aadna waxay leedahay sida tan, “Weelka lacagta lagu safeeyo lacagtaa iska leh, oo foornadana dahabkaa iska leh, laakiinse Rabbigu qalbiyaduu imtixaamaa.”

 

1 Butros 1:6-7 oo leh sida tan, “Taas waad ku faraxsan tihiin in kastoo, haddii ay waajib tahay, aad haatan wakhti yar ku murugootaan jirrabaaddo badan oo kala cayncayn ah. Waa in la tijaabiyo rumaysadkiinna, oo aad uga sii qaalisan dahabka oo ah wax baaba’a in kastoo dadb lagu tijaabiyo. Markaasaa laga helayaa mahad iyo ammaan iyo ciso markii Ciise Masiix la muujiyo.” Ilaah wuxuu doonaya inuu dembiyadeena noo cadeyo si aan u ahaano kuwa mar kastaba ka toobad keenaan gef kooda mar alla markay fahmaan inay Ilaah ka dembaabeen oo ku dadaalaan wanaagga mar kastaba.  “Markii aad dembaabtaan, oo laydiin garaaco, haddii aad u dulqaadataan, maxay ammaan leedahay? Laakiinse markaad wanaag fashaan oo aad xanuunsataan, haddii aad u dulqaadataan, taasu waa wax Ilaah u bogo.” (1 Butros 2:20) 1 Butros 3:17 waxaa qoran sida tan, “Waayo, haddii ay doonista Ilaah tahay, waxaa ka wanaagsan inaad samafalidda u xanuunsataan intii aad u xanuunsan lahaydeen sharfalidda.”

 

Waxaan Ilaah ka baryaya inuu naga dhigo kuwa wanaagga iyo doonistiisa ku xanuunsadaan laakiin aan sharka ku xanuunsanin. Waa sida uu aabbaha dunida carruurtiisa u edbiyo si ay u ogaadaan waxyaabaha qaladka ah si ay mar dambe ugu dhaqmin oo Ilaahna sidaa buu nagu samaynayaa isagoo ah Aabbahayna janada ku jira sida aanba uga akhrinayno Cibraaniyada 12:5-9 oo sida tan u dhigan,

“Waxaad illowdeen waanada idiinla hadasha sida wiilal oo kale. Wiilkeygiyow, ha fududaysan Rabbiga edbintiisa, hana itaal beelin kolkuu ku canaanto. Waayo, ka uu Rabbigu jecel yahay ayuu edbiyaa, wuuna karbaashaa wiil kasta oo uu aqbalo. U adkaysta edbinta. Ilaah wuxuu idiinla macaamiloodaa sida wiilal oo kale; waayo, waa wiilkee kan aanu aabbihii edbin? Laakiin haddaan laydinku edbin edbinta laga wada qayb galo, haddaba waxaad tihiin garacyo, oo wiilashiisii ma ihidin. Oo weliba waxaynu lahayn aabbayaal xagga jidhka ah, oo ina edbiyey, oo waynu maamuusnay. Miyeynaan intaas in ka badan ka dambaynayn Aabbaha ruuxyada oo aynaan noolaannayn? Ilaah wuxuu naga doonaya inaan hooshiisa dad badan sii gaarsino waayo Rabbigeena Ciise Masiix markuu dunida kaga ambabaxayay jidh ahaan erayada ugu dambayeen waxay ahayeen, “Haddaba taga, oo quruumaha oo dhan xer ka dhiga, oo ku baabtiisa magaca Aabbaha iyo Wiilka iyo Ruuxa Qoduuskaa, oo bara inay dhawraan wax walba oo aan idinku amray, oo bal eega had iyo goor ayaan idinla joogaa xataa ilaa wakhtigu dhammaado.” (Matayos 28:19-20) Haddii aan ka sii akhrino 2 Korintos 1:3-7 waxaa qoraysa, “Waxaa baraka leh Ilaaha ah Aabbaha Rabbigeena Ciise Masiix, oo ah Aabbaha naxariista leh iyo Ilaaha gargaarka oo dhan, kan naga gargaara dhibtayada oo dhan inaannu kuwa dhib kasta ku jira ugu gargaari karno gargaarka Ilaah nagu gargaaray. Waayo, sida xanuunsigii Masiixu uu noogu badan yahay, sidaas oo kalena gargaarkayagu xagga Masiix wuu noogu badan yahay. Haddii lana dhibo waa gargaarkiinna iyo badbaadintiinna aawadood; haddii lana gargaarona waa gargaarkiinna aawadiis kaasoo yeesha dulqaadashada aannu ku dulqaadanno isku xanuunsiga aannu annaguna ku xanuunsanno. Oo rajadayada aannu idiin qabnaa waa hubaal, annagoo garanayna inaad tihiin kuwo xanuunsiga qayb ku leh, sidaas oo kalena waxaad tihiin kuwo gargaarka qayb ku leh.”

 

4.      SIDA SILACA LOOLA MACAAMILOODO

Ayuub 1:21 waxaa qoran, “oo wuxuu yidhi anigoo qaawan baan uurkii hooyaday ka soo baxay, oo haddana anigoo qaawan baan halkaas ku noqon doonaa. Rabbigaa wax I siiyey, oo haddana Rabbiga ayaa iga qaatay, ammaan waxaa leh magaca Rabbiga.” Qofka rumaysadka leh markuu silcayo waa inuu horta oo dhan is weydiyaa su’aasha ah, ‘waa maxay sababta aan u silcayo?’ Qofka wuxuu u silci karaa sabab uu iisu geystay sida aan uga akhrinayno 1 Butros 2:18-19 oo leh sida tan, Midiidinyadow, ka cabsada oo ka dambeeya sayiyadiinna, mana aha kuwa wanaagsan oo idiin roon oo keliya, laakiinse xataa kuwa qalloocan. Waayo, tanu waa wax loo bogo haddii nin niyada xagga Ilaah uga adkaysto dhibaatooyinka, isagoo xaqdarro ku xanuunsanaya.” Silaca waa laba nooc waana muhim inaan tan ogaano dabadeedna waxaan eegeyna sida loola dhaqmi lahaa silaca waayo, wax aadan garanaynin nooca ay yihiin kama hor tegi kartid labadana waxaa ka mid ah,

 i.       Waxay noqon kartaa mid uu Ilaah raali ka yahay oo uu doonayo inuu jidka saxda ah nagu toosiyo taa oo aan ka akhrin karno Bilowgii 22:1,2,15-18 waxaana qoran sida tan, “Oo waxaa dhacay waxyaalahas ka dib, in Ilaah tijaabiyey Ibraahim, oo uu ku yidhi, Ibraahimow. Isna wuxuu yidhi, waa I kan . Markaasuu ku yidhi, Hadda kaxee wiilkaaga keligiis ah, kan aad jeceshahay, oo ah Isxaaq, oo u kac dalka Moriyaah; oo halkaas isaga sida allabari la gubo ku dul bixi buuraha middood oo aan kuu sheegi doono…Kolkaasaa mar labaad malaa’igtii Rabbigu Ibraahim samada uga yeedhay, oo waxay ku tidhi, Rabbigu wuxuu yidhi, waxan aad samaysay aawadood, iyo wiilkaaga aadan iga lexejeclaysan, kaas oo ah wiilkaaga keligiis ah aawadiis ayaan nafsaddayda ku dhaartay inaan barako ku barakadayn doono, oo aan farcankaa u tarmin doono sida xiddigaha cirka, iyo sida cammuudda taal badda xeebteeda; oo uu farcnkaaguna hantiyi doono cadaawayaashiisa iriddooda; oo ay quruumaha dunida oo dhammu ku barakoobi doonaan farcankaaga, maxaa yeelay, codkaygaad addeecday.” Cibraaniyada 11:17 waxayna leedahay sida tan, “Ibraahim kolkii la jirrabay, rumaysad buu Isxaaq allbari ahaan ugu bixiyey. Kii ballamada aqbalay ayaa wuxuu bixinayay wiilkiisii keliyaha, in kastoo lagu yidhi, kuwa Isxaaq ka farcama ayaa farcankaaga loogu yeedhi doonaa.” Ilaah wuxuu doonaya inaan isaga siino ama aan isaga daraaddiis u gefno waxa aan dunida ugu jacaylnahay oo dhan isla sida uu Ibraahim oo aan weligiis dhalin cunug xalaal ah lagu jirrabay inuu kii uu dhalay allabari u bixiyo. Ilaah wuxuu naga doonaya nolosha noocaas ah oo aan Ilaah daraaddiis wax kasta u beeleyno. Haddana waa inaan ogaano inay tahay jirrabaadda Ilaah inuu ogaado inaan runtii isaga wax kasta ka jacaylnahay iyo in kale waana su’aal u taalo baniaadmi kasta.

ii.       Midda labaad waxay noqon kartaa isla silacaas inuu Shaydaanka doonayo in uu xumaan nooga dhaliyo sida aan uga akhrinayno Yaquub 1:13-14 oo dhigan sida tan, “midna yuu odhanin kolkii la jirrabo, xagga Ilaah baa layga jirrabay. Waayo, Ilaah laguma jirrabo shar, isaguna midna ma jirrabo. Mid kasta waxaa jarraba damaciisa sharka ah isagoo la jiidanayo oo la sasabayo.” Ugu dambaysta waxaan arkaynaa saddex hab uu qofka rumaysadka leh kula macaamilmi karo silaca taa oo ay ka mid yihiin,

 i.       Yarayso oo ula dhaqan sida ugu daran sida uu Esau ula dhaqmay sida aan uga akhrinayno Cibraaniyada 12:5, 6 waxaana dhigan sida tan, “Sidaas oo kale Masiixu isma amaanin inuu noqdo wadaad sare, laakiin waxaa doortay kan ku yidhi, Adigu waxaad tahay wiilkayga, maantaan ku dhalay. Meel kalena wuxuu ka yidhi, Adigu weligaaba wadaad baad tahay sidii derejadii malkisadaq.”

ii.       Ku hoos suux silaca oo si daran iskiiga xaji isla sida aan uga akhrinay Cibraaniyada 12:5aad.

iii.       Silaca ha kuugu ciyaaro oo siduu kula rabo raac. Tan ayaa ah habka uu Ilaah uga baahanyahay rumaystayaasha waana waxa uu erayga Ilaah noo faraya. Cibraaniyada 12:11-13 ayaa tan sheegeysa waayo waxaa qoran, “Waxaanu haysanna waxyaalo badan oo aannu kaga hadalno, laakiin waa fasir adag yahay dhegaculayskiinna aawadiis. Wakhtigii aad macallimmo noqon lahaydeen ayaad haddana u baahan tihiin in laydin baro waxyaalaha ugu horreeya ee hadallada Ilaah, oo waxaad noqoteen sidii kuwa caano u baahan ee aan cunto adag u baahnayn.”

 

Wakhtiyadaan daran markay nala soo gudboonadaan Butros iyo Bawlos waxay Qoraalka noogala talinayaan inaan xanuunkeena iyo silacaba aan ula jeesano oo ma ahan inaan isku deyno inaan la xarbino waayo, ma awoodno laakiin waa inaan ogaano kan awoodda leh inuu yahay Ilaah keliya Rooma 8:28 waxaa qoran, “oo waxaanu og nahay in wax waliba ay wanaag ugu wada shayqayaan kuwa Ilaah jecel, xataa kuwa qasdigiisa loogu yeedhay.” Haddana isla arintaan waxaan Butroska kowaad 4:19 ka akhrinaynaa inuu na leeyahay, “sidaas daraaddeed kuwa doonista Ilaah u xunuunsada, iyagoo sama falaya, naftooda ammaano ha ugu dhiibeen Abuuraha aaminka ah.” Kitaabka wuxuu noo sheegaya in marxaladdas aan ku tirino farxad sida ku dhigan Yaaquub 1:2 oo leh sida tan, “walaalahayow, kolkaad jirrabaaddo kala caycayn ah kala kulantaan, kulli farxad u tirsada…” Silac intee la eg ayaa kaa dhigi karaa mid Ilaah ku caasiyo? Ayuub 2:3, 9 iyo 10 waxaa qoran sida tan, “Markaasaa Rabbigu wuxuu shaydaan ku yidhi, Addoonkayga Ayuub ma ka fikiratay? Maxaa yeelay, isaga oo kale dhulka ma joogo, waayo, isagu waa nin qumman oo toosan, oo ah mid Ilaah ka cabsada oo sharka ka fogaada. Oo weliba isagu daacadnimadiisii wuu sii haystaa, in kastoo aad igu dirtay, si aan isaga sababla’aan ugu halligo. Markaasaa naagtiisii waxay ku tidhi, war ma weli baad daacadnimadaadii sii haysanaysaa? War hoy, Ilaah wax xun ka sheeg, oo iska dhimo. Laakiinse wuxuu iyadii ku yidhi, waxaad u hadlaysaa sida naagaha nacaysyada ah middood. Naa waa sidee? Ilaah gacantiisa intaynu samaan ka qaadanno, miyaynaan xumaanna ka qaadanayn? Oo in kastoo waxyaalahaas oo dhammu ay ku dheceen Ayuub innaba afkiisa kuma dembaabin.” Waa maxay waxa ka weyn tan Ayuub qabsatay oo maanta kaa dhigi kartaa inaad Ilaah ka danaysatid?

 

5. TUSAALOOYINKA SILACA

 

Yeremyaah 37:15 oo leh sida tan, “Amiradiina Yeremyaah bay u cadhoodeen, oo intay garaaceen ayay gurigii Yoonaataan oo karaanigii ahaa ku xabbiseen, waayo, kaasay xabsi ka dhigeen.” Erayga Ilaah wuxuu noo sheegaya afar tusaalo oo ku saabsan rumaystayaasha u silcay daacadnimada ay Ilaah hortiisa kula noolayeen augeed. Waxaana ka mid ah Yuusuf, Ayuub, Yeremyaah iyo Bawlos. Bal aan hal hal u eegno sida uu midkood kasta u silcay anagoo soo koobayno marxaladda ay mareen afartaan nin:

 

i. Silicii uu Yuusuf silcay

  Waxay ku dhacday walaalihiis oo isaga la dhasheen oo isaga nacay sida ku dhigan  Bilowgii 37:4,5,8 waxaana dhigan sidan, “Markaasaa walaalihiis arkeen in aabbahood ka jecelyahay isaga walaalihiis oo dhan; kolkaasay nebcaadeen isagii, wayna kari waayeen inay isaga si nabad ah ula hadlaan. Yuusufna wuu riyooday, markaasuu riyadiisii u sheegay walaalihiis, iyana aad bay u sii nebcaadeen…Markaasaa walaalihiis ku yidhaahdeen, ma annagaad na xukumi doontaa? Amase noo talin doontaa? Markaasay aad iyo aad ugu sii nebcaadeen riyooyinkiisii iyo hadalladiisii aawadood.”

  Waxay ka gadeen kuwa addoomaha iibsanayaan taa oo aan ka akhrin karno Bilowgii 37:28aad waxaana qoran sida tan, “Oo waxaa ag maray niman reer Midyaan ah, oo baayacmushtariyaal ah. Markaasay Yuusuf soo jiideen oo ceelkii ka soo bixiyeen, oo waxay Yuusuf kuwii reer Ismaaciil kaga iibiyeen labaatan xabbadood oo lacag ah. Oo iyana Yuusuf waxay keeneen Masar.”

  Aad baa jarrabaad loo geliyey Yuusuf taa oo aan iyaduna ka akhrin karno isla Bilowgaas 39:7aad waxaana qoran sida tan, “Oo waxay noqotay waxyaalahaas ka dib in naagtii sayidkiisu ay fiirisay Yuusuf, oo ay ku tidhi, kaalay ila jiifso.”

Bal ka waran adigoo laguugu qabtay naagta sayidkaaga iyadoo aad la sinaysanaysid dhimasho mooyaane wax kaleba uma dhinayn Yuusuf sida aan u malaynaya oo mid jarrabaadda ka xun ma jiri lahayn.

  Oo Yuusuf waa la xabisay maxaa yeelay, naagtii ayaa ku nabtay inuu la saxday. Bilowgii 39:20 ayaan ka akhrinaynaa sida tan, “Markaasaa Yuusuf sayidkiisii qabtay isagii, oo wuxuu geliyey xabsigii ahaa meeshii maxaabiista boqorku ku xidhnaayeen; oo isna halkaasuu ku jiray xabsigii gudihiisa.” Yuusuf cil uma dhinayn maxaa yeelay, naagta ayaa ku nabtay mooyaane wax uu samayey oo uu u mutay inuu xabsi galo ma jirin. Tan waa mid maanta qabsan kartaa qof kasta maxaa yeelay, haddii runta ama ka cabsashada dembiga daraaddiis laguu dilayo waxaa laguu qaatay in lagu dilo bedelkii aad dembaabi lahayd. Dadka dunidan waxay dilayaan oo keliya ama ay silcinayaan jidhkeena laakiin xagga ruuxa waxba kama bedeli karaan maxaa yeelay, erayga Ilaah ayaa noo sheegaya oo wuxuu leeyahay,  “Ha ka baqina kuwa jidhka dila, laakiin aan karin inay nafta dilaan, waxaadse ka baqdaan kan jahannamada ku hallayn kara nafta iyo jidhkaba.” Matayos 10:28aad

 

ii. Silaca Ayuub

-    Dad iyo duunyaba wuxuu lahaa oo dhan way baaba’een sida aan dhabta arinta uga akhrin karno Ayuub 1:14,15 oo dhigayso sida tan, “Waxaa Ayuub u yimid mid wargeeye ah oo wuxuu ku yidhi, iyadoo dibidii ay beerta jeexayaan oo dameerihiina ay agtooda daaqayaan ayaa waxaa na soo wareeray reer Shebaa, oo waxay dheceen xoolihii, oo weliba midiidinnadiina seef bay ku laayeen, oo anigoo keliya ayaa ka soo baxsaday inaan warka kuu soo sheego.”

-    Idahiisi iyo kuwii dhaqaalaynayeen oo dhan dab baa wada gubay sida ku qoran  Ayuub 1:16 waxayna leedahay sida tan, “Oo weliba intii kaasu sii hadlayay ayuu mid kale yimid, oo wuxuu yidhi, Ilaah dabkiisii ayaa samada ka soo dhacay, oo wuxuu wada gubay oo baabiiyey idihii iyo midiidinnadii la jirayba, oo anigoo keliya ayaa ka soo baxsaday inaan warka kuu soo sheego.”

-    Geelisa waa la xaday oo kuwii lajirayna waa lawada dilay sida ku dhigan Ayuub 1:17 waxayna leedahay sida tan, “Oo weliba intii kaasu sii hadlayay ayuu mid kale yimid, oo wuxuu yidhi, Reer Kaldayiiin oo saddex koox ah ayaa geeli soo weeraray, oo dhammaantiisna way dheceen, oo weliba midiidinnadiina seef bay ku laayeen, oo anigoo keliya ayaa ka soo baxsaday inaan warka kuu soo sheego.”

-    Wiilashiisa iyo gabdhahiisa waxay ku dhinteen duufaan xoog leh sida ku dhigan Ayuub 1:18,19 waxayna leedahay sida tan, “Oo weliba intii kaas sii hadlayay ayuu mid kale yimid, oo wuxuu yidhi, wiilashaadii iyo gabdhahaadgii waxay wax ku cunayeen oo khamri ku cabbayeen gurigii walaalkooda  ugu weyn, oo bal eeg, waxaa cidlada ka timid dabayl weyn, oo gurigii afrtiisa rukun bay ku dhufatay, kokaasuu ku dumay raggii dhallinyarada ahaa, oo dhammaantood way dhinteen, anigoo keliya ayaa ka soo baxsaday inaan warka kuu soo sheego.”

-    Ugu dambaystiina isaguna ma uusan badbaadin oo jidhkiisa oo dhan waxaa ka soo baxay boogo xunxun oo xanuun badan sida ku dhigan Kitaabka qoduuska ah qaas ahaan Ayuub 2:7aad waxayna leedahay sida tan, “Markaasaa Shaydaanka Rabbiga hortiisa ka tegay, oo wuxuu Ayuub tin iyo cidhib ku dhuftay boogo xunxun.”

 

iii. Silaca Yeremyaah

-    Kuwii uu dhalay uun baa isaga silciyeen oo munaafaqnimo u galeen isaga maxaa yeelay, Kitaabka waxaan ka akhrinaynaa haddii aan qaasatan akhrino Yeremyaah 12:6aad waxaana qoran sida tan,

“Waayo, xataa walaalaha iyo reerkii aabbahaaba khiyaano bay kugula macaamiloodeen, oo weliba aad bay kaaga soo daba qayliyeen. In kastoo ay erayo wanaagsan kugula hadlaan, ha rumaysan.”

-    Arinta waxay gaartay heer ay magaaladiisi  isaga shirqool u dhigtay sida aan erayada Kitaabka uga akhrinayno qaas ahaan Yeremyaah 11: 18-23aad waxaana qoran sida tan, “Oo Rabbigu taas wuu I ogaysiyey, waanan ogaaday, markaasaad falimahooda I tustay. Laakiinse anigu waxaan la mid ahaa neef baraar ah oo loo soo kexeeyo in la gowraco, oo mana aan ogayn inay sirqool ii hindiseen, oo ay yidhaahdeen, Geedka iyo midhihiisaba aynu wada baabi’inno, oo aynu isaga ka gooyno dadlka kuwa nool, si aan magiciisa mar dambe loo soo xusuusan. Laakiinse Rabbiga ciddammadow, adigoo si caddaalad ah wax u xukumow, oo kelyaha iyo qalbigaba intixaamow, haddaba bal aargoosashadaada iyaga ku kor dhacaysa aan arekee, waayo, dacwadaydii adigaan ku soo ban dhigay. Sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu ka leeyahay dadka Canaatoot oo doondoonaya inay naftaada kaa qaadaan, oo kugu yidhaahda, Yaadan gacantayada ku dhimanine Rabbiga magiciisa waxba ha ku sii sheegin, Rabbiga ciidammadu wuxuu leeeyahay, Bal ogow, Iyagaan ciqaabi doonaa. Barbaarradu seef bay ku dhiman doonaan, oo wiilashooda iyo gabdhahooduba abaar bay ku dhiman doonaan. Oo innaba iyaga midna kama hadhi doono, waayo, dadka Canaatoot masiibaan ku soo dayn doonaa sannadda ciqaabiddooda.”

-    Kuwii ay diinta iskula jireen baa isaga ka soo hor jeestay maxaa yeelay, ma ay ogoleen sida uu Ilaah u caabudayay sida aan erayga Ilaah uga akhrinayno Kitaabka qoduuska ah qaasatan Yeremyaah 20:1-3, 7-9aad waxaana qoran sida tan, “Haddaba Fashxuur ina Immeer oo ahaa wadaadkii iyo taliyihii sare ee guriga Rabbiga ayaa maqlay Yeremyaah oo waxyaalahaas sii sheeegaya. Markaasaa Fashxuur garaacay Yeremyaah, oo wuxuu geliyey jeebbooyinkii ku yiil iridda sare oo reer Benyaamiin, oo ku tiil guriga Rabbiga. Oo maalintii dambe Fashxuur ayaa Yeremyaah jeebooyinkii ka soo bixiyey. Maraasaa Yeremyaah isagii ku yidhi, Rabbigu magacaaga uguma yeedhin Fashxuur, laakiinse wuxuu kugu magacaabay *Maagoor Misaabiib (cabsi baa dhan kasta jirta). Rabbiyow, waad I qiyaanaysay, oo waa lay khiyaaneeyey, adigu waad iga xoog badan tahay, oo waad iga adkaatay. Maalin kasta waa laygu qoslaa, oo mid kastaaba waa I yaraystaa. Waayo, mar alla markaan hadlaba waa qayliyaa, oo waxaan ku dhawaaqaa, waa dulmi iyo kharribaad, maxaa yeelay, eraygii Rabbigu wuxuu ii noqday sabab ay maalinta oo dhan igu caayaan oo iigu qoslaan. Oo haddaan idhaahdo, Isaga ka hadli maayo, oo mar dambe magiciisa wax ku sheegi maayo, waxaa qalbigayga ku jira wax dab ololaya la moodo oo lafahayga ku dheggan, oo waxaan la daalay hadalka.”

-    Si iyadoon intaa ay waxba ka tarin, waa la qabtay, la karbaashay oo dil baa lagu xukumay isaga sida uu erayga Rabbiga nooga sheegaya Yer. 37:11-16 waxaana qoran iyaduna sida tan, “Oo markii ciidankii reer Kaldayiin ay Yeruusaalem uga kala tageen cabsi ay ka qabaan ciidankii Firxoon aawadiis ayaa Yeremyaah Yerrusaalem ka baxay oo wuxuu galay dadlkii reer Benyaamiin si uu meeshaas qaybtiisa dadka uga dhex helo. Oo markuu iriddii reer benyaamiin joogay waxaa isna halkaas joogay sirkaal waardiyayaasha madax u ahaa, oo magiciisa la odhan jiray Yiriyaah ina Shelemyaah, oo ahaa ina Xananyaah, oo isna Yeremyaah buu qabtay oo wuxuu ku yidhi, Adigu waxaad u gelaysaa reer Kaldayiin. Markaas Yeremyaah wuxuu ku yidhi, Taasu waa been, anigu reer Kaldayiin u geli maayo, laakiinse isagu innaba ma uu dhegaysan, sidaas daraaddeed Yiriyaah wuxuu soo qabtay Yeremyaah, oo amiirradi u keenay. Amiirradiina Yeremyaah bay u cadhoodeen, oo intay garaaceen ayay gurigii Yoonaataan oo karraanigii ahaa ku xabbiseen, waayo, kaasay xabsi ka dhigeen. Markii Yeremyaah uu gurigii godka ahaa galay iyo weliba qolalkii hoose, oo uu halkaas mamo badan ku jiray.”

 

iv. Silaca Bawlos

Rasuul Bawlos waa nin kale oo tusaale noo ahaani karo oo silec geri gaartay soo mary oo runtii haddii aan eegno sida uu u adkaystay Rabbiga aawadiis uguna guulaystay dhiiri gal weyn ayay noo ahaani kartaa kuweena maanta nool oo silcayaan waxaanna ogaanaynaa inay kuwa Rabbiga daraaddiis u dhiboodaan ay haddiyad farxad leh ay u dambayso.

  Sirqool baa loo dhigay Bawlos sida aan aayadahan uga akhrinaynaba haddii aan ku bilawno Falimaha Rasuullada 21:30 waxaa qoran sida tan, “Markaasaa magaaladii oo dhammu kacday, dadkuna waa isku soo yaacay; kolkaasay Bawlos qabteen oo macbudka ka jiideen; oo markiiba albaabbadii waa la xidhay.” Aayad kale oo isla arintaan ka sii hadlayso waa tan iyaduna Falimaha Rasuullada 20:3aad waxaana qoran sida tan, “Oo markuu saddex bilood meeshaas joogay, oo Yuhuuddu sirqool u dhigtay, markuu u dhowaa inuu Suuriya u dhoofo, ayuu wuxuu goostay inuu Makedoniya ku soo dhex noqdo.”  Aayada kaloo fara badan ayaa arintaan ka sheekeynaysaa laakiin tusaaladayda waxaan ku daraya hal aayad taa oo ah iyaduna Falimaha Rasuullada 25:2-3aad oo dhigan sida tan, “Markaasaa wadaaddadii sare iyo raggii Yuhuudda u waaweynaa waxay isagii u sheegeen wax bawlos ka gees ah, wayna baryeen oo axsaan ka weydiisteen inuu isaga Yerruusaalem u soo diro; iyagoo sirqool u dhigaya inay jidka ku dilaan.”

  Rasuul Bawlos waa la dhagaxyey oo dhimasha buu gaaray sida aan uga akhrinayno Kitaabka qoduuska ah qaas ahaan Falimaha Rasuullada 14:19aad waxaana dhigan sida tan, “Laakiin waxaa Antiyokh iyo Ikoniyon ka yimid Yuhuud, oo markay dadkii badnaa yeelsiiyeen, ayay bawlos dhagxiyeen, oo magaaladii ka jiideen, iyagoo u malaynaya inuu dhintay.”

  Wuxuu u gacan galay Sheydaanka maxaa yeelay, sidaan horey u sheegnayba Shaydaanka ma doonayo in qof Ilaah adeecsan uu sii waara sida aan uga akhrinayno 1 Tesaloniika 2:18 waxaana qoran sida tan, “Waayo, waannu jecelaan lahayn inaannu idiin nimaadno, anigoo Bawlos ah mar iyo lababa waan jeclaa, laakiinse Shaydaan baa naga hor joogsaday.” Waxyaala badan oo waxaa jiraan wanaag ah uu Ilaah noogu talagalay laakiin sheydaanka ayaa naga hor taagan si ay jawaabta noo soo gaarin. Xataa baryada aan barino sheydaanka maraha qaarkood wuxuu la fadhiisan karaan jawaabteena sida aan uga akhrin karno buugga Danyeel 10:12, 13 waxaana qoran sida tan, “Markaasuu igu yidhi, ha cabsan, Daanyeelow, waayo, maalintii ugu horraysay oo aad qalbigaaga gelisay inaad wax garato oo aad isku hoosaysiiso Ilaah hortiis ayaa erayadaadii la maqlay, oo anigu waxaan u imid erayadaadii aawadood. Laakiinse boqortooyada Faaris amiirkeedii ayaa kow iyo labaatan maalmod iga hor joogsaday, laakiinse Mikaa’iil, oo ah amiirrada sare midkood, ayaa ii yimid inuu I caawiyo, oo halkaasaan kula hadhay boqorradii reer Faaris.”

 

Baryada dhabta ah ee qalbigga nadiifka ah ka soo baxdaa sheydaanka ma hor staagi karo laakiin tan aan daacadda ahayn waxay noqonaysa sida mid derbi ku dhacday waayo, Sheydaanka wuxuu ka helaa baryada noocaas ah ee ay daacanimada ku jirin. Cutubkan 10aad oo dhan ee Danyeel haddii aad akhrinsatid waad fahmaysa waxa aan ka hadlaya.