ggnltitl.jpg (8122 bytes)

Diin Mise Nolol Daa’im ah?

Aduunka waxaa jira kumanaan diin ah. Xitaa kuwa isu aqoonsan inaysan Ilaah rumeysnayn waxay leeyihiin diin ay iyagu sameysteen. Inkasta oo ay xitaa inkirayaan jiritaanka Ilaah, waxay booskiisa gelinayaan waxyaalo kale ama naftooda. Sidaa daraadeed, waxaynu oran karnaa ma jirto cid aannan diin lahayn.

Amuurta ugu weyn ma ahan nooca diinta aynu haysano, laakiin in diinta aynu sida aadka ah ugu dheganahay ay inna siinayso hubaal xagga Nolosha Daa’imka ah. Ereyga Ilaah waxa uu leeyahay, “Waxaa dadka looga dhigay inay mar dhintaan, taas dabadeedna la xukumo.” (Cibraaniyada 9:27)

Waxa kale oo uu Ereyga Ilaah leeyahay,  “Waayo, nin maxay u taraysaa hadduu dunida oo dhan helo oo uu naftiisa lumiyo.”  (Matayos 16:26)

Marka, way wanaagsan tahay inaynu su’aalno xaggeebay diintayadu inoo wadaa. Haddii aynu jecelnahay iyo haddii kaleba, kulligeen waxaynu tegi doonaa jannada ama naarta. Haddii waxa sida diin ahaan aynu ugu dheganahay aanay inna siinaynin maskax nabad degan iyo hubaal ku aadan in markaynu dhimano aynu jannada gelayno, waxaynu ku khamaari haynaa nolosheena. Isaga oo nebi Ishacyaah inoo soo maraya, Ilaah waxa uu yidhi,

“Dadkanu way ii soo dhowaadaan, oo afkooda iyo bushimahooda ayay igu maamuusaan, laakiin qalbigooda way iga fogeeyeen, oo cabsida ay iga qabaanna waa amarka dadka laga bartay.”  (Ishacyaah 29:13)

Waxa uu inoo sheegayaa inaynu Ilaah afka uun ka aaminsanaan karno innaga oo markaasi aynu abuuraheena iyo badbaadiyaheena la’-lahayn wehelnimo soke oo xagga qalbiga ah.  Diimaha badankood waxay leeyihiin shuruudo badan oo ah samee iyo ha sameynin oo la doonayo in qofku uu raaco si uu jannada u tago. Haddana, xitaa marka uu qofku buuxiyo shuruudahaas oo dhan, ma siinayaan isaga hubaal ah inuu jannada gelayo. Waxa keliya oo ay siinayaan rajo aan sidaasi micno u lahayn oo aakhirkana daba go’aysa isla markaasi uu qofku u sii dhowaanayo, waa rajadaasi e.

Mid taa ka soo horjeeda ayaa waxay tahay, Ereyga Ilaah waxa uu leeyahay, “Waxyaalahan waxaan idiinku soo qoray, idinka oo rumeystay magaca Wiilka Ilaah, si aad u ogaataan inaad nolosha weligeed ah leedihiin.” (1 Yooxanaa 5:13).  Aayadan iyada ah waxay inoo sheegaysaa sababta ugu weyn ee uu Ilaah inoo siiyey Ereygiisa inay tahay inuu inna tuso “Habka aynu jannada u tegi karno.”   Sida ay qariiradu u tusto qofka lunsan sida uu u tegi lahaa meeshii uu u socday, Ereyga Ilaahna waxa uu inoo sheegayaa sida aan uga soo tegi karno “xaalad lunsan” inaga oo imaanayna “xaalad badbaado”.

Ciise Masiix uma uusan iman aduunka inuu ina siiyo diin kale oo dheeraad ah sida iyada oo ay aduunku ka jirto diin yari. Qudhiisa isaga oo sharaxaya sababta uu u yimid aduunka waxa uu yidhi, “Waxaan u imid inay nolosha haystaan oo ay badnaan u haystaan.” (Yooxanaa 10:10).  Waxa uu u yimid aduunka inuu Nolol Daa’im ah siiyo kuwa isku xeeray ama isku ooday diinta laakiin aan haysan hubaasha Nolosha Daa’imka ah, “Ilaah intuu dunida jacayl u qabay ayuu siiyey Wiilkiisa keliya oo dhashay in mid kastoo isaga rumeystaa uusan lumin laakiinse uu lahaado nolosha weligeed ah.”  (Yooxanaa 3:16).

Diintu waa dadaal aan micno lahayn ee uu banii-aadamku doonayo inuu Ilaah ku gaaro, laakiin Ilaah xagga iimaanka Ciise Masiix waxa uu inoogu diyaariyey Nolol Daa’im ah. Ereyga Ilaah waxa uu inoo sheegayaa inaannan nolosha daa’imka ah ku heli karin camalka wanaagsan ee aynu sameyno. “Waayo, idinku waxaad ku badbaaddeen nimco xagga rumeysadka, mana aha, wax xaggiinna ka yimid, laakiinse waa hadiyadda Ilaah, mana aha xagga shuqullada, si aan ninna ugu faanin.” (Efesos 2:8-9).

Sida keliya ee aynu ku heli karno hubaasha Nolosha Daa’imka ah waa innaga oo rumeysana Masiixa, kaas oo ah hogaamiyaha diimeed ee qura ee awooday inuu yidhaahdo, “Anigu waxaan ahay jidka iyo runta iyo nolosha. Ninna Aabbaha uma yimaado, xaggayguu ku yimaado maahee.” (Yooxanaa 14:6)

Waxa kale oo uu yidhi, “Bal eeg, albaabkaan taaganahay oo garaacayaa; haddaba haddii nin codkayga maqlo oo albaabka iga furo, waan u soo gelayaa, oo waan la cashayn, isna wuu ila cashayn.”  (Muujintii 3:20)

Haddii si daacad ah aad u doonaysid inaad hesho hubaasha badbaadada, waxa keliya ee lagaaga baahan yahay inaad sameyso waa:

1. Qiro inaad dembaabtay. “Dhammaan way wada dembaabeen oo gaadhi waayeen ammaanta Ilaah.” (Rooma 3:23)

2. Rumeyso in Ciise Masiix daraadaa uu iskutallaabta ugu dhintay si uu u bixiyo ciqaabta dembiyadaada.

3. Towbad keen. Ku duceyso ducadan hoose, qalbigaaga iyo nafsadaada oo idil.

4. Fur qalbigaaga, una ogolow in Ciise soo galo qalbigaaga.

 

Ducada Towbadkeenka

“Ilaaha samada ku jirow, waan garanayaa inaan dembaabay. Waxaan ku weydiisanayaa inaad ii cafisid dembigayga oo dhan laga soo bilaabo maalintii aan dhashay ilaa wakhtigan xaadirka ah. Rabbi Ciisow, waxaan rumeysanahay inaad bixisay ciqaabta dembigayga oo dhan si aan u badbaado. Waxaan kuu furayaa qalbigayga, kuuna ogolaanayaa inaad soo geshid noloshayda.”  Aamiin.

 

Haddii si daacad ah aad ugu tukatay salaadan, fadlan inoo soo qor warqad, adiga oo ku soo hagaajinaya:

 

NB:

Somali Bible (c) Old Testament: SIM 1979

(c)New Testament (revised): United Bible Societies 1976, 1979  

If you have comments or questions, please contact.

Dalmar :   cwn@codkanabada.org

Global Good News Literature

P.O.Box 451336

Los Angeles, CA 90045

U.S.A

© 2006