ggnltitl.jpg (8122 bytes)

ILLAAH LAMA DHALIN WAXNA MA DHALO

Waa wax iska cad in wax aan bilow lahayn inaanu dhalan, haddii wax la dhalo waxaa la dareemi karaa inuu bilow yahay. Illaah lama dhali karo maadaama uu yahay ruux aan bilow lahayn.

Haddaba maxay masiixiyiintu u dhahaan Ciise Masiix waa wiilka Illaah ama xitaa laftigiisu waa Illaah? Tani waa su'aal muhiim ah. Marka hore aynu eegno waxa Masiixiyiintu aanay uga jeedin markay leeyihiin "Ciise Masiix waa Wiilka Illaah" markay sidaa leeyihiin, ugama jeedaan in Illaahay xidhiidh jidh ahaan la yeeshay Maryan, sida ninku ula yeesho naagtiisa. Isu keenidda fikradan, qofkii Illaahay rumaysani Muslin ama Masiixi ha ahaadee waa ku karaahiyo. Maadaama Illaah yahay ruux, xidhiidhka keliya ee uu la leeyahay rag iyo dumarba waa xagga ruuxa, maaha xagga jidhka.

Masiixiyiintu ma rumaysna in Illaah iyo Maryan iyo Ciise ay dhamaantood yihiin illaahyo. Sida ku qeexan Suurat Al-Maa'idah aayadeeda 116aad, markuu Illaahay leeyahay "Ciise ibnu Maryamow! Ma adaa ku yidhi dadka ka yeesha ani iyo hooyaday illaahyo Eebbe ka sokow."?  Waxaa laga yaabaa in Masiixiyiin aan toosnayni sidaa rumaysanaayeen, laakiin Masiixiga runta ah sidaas ma rumaysna.

Ciise wuxuu Injiilka ku yidhi "intaan Ibraahim jirin Anaa jiray". (Yooxanaa 8:58) Wuxuu reer Binu-Israa'iil u sheegay inuu jiri jiray xitaa ka hor intaanay Maryan dhalin isaga iyo xitaa waqtigii nebi Ibraahim ka hor.

Bayaan-kiisaas waxaynu ka fahmi karnaa, markay Maryan dhashay inaanu noqon Wiilka Illaah. Masiixiyiintu markay leeyihiin Ciise waa Wiilka Illaah maxay uga jeedaan? Qur’aanka iyo Kitaabka Qodduuska ah waxay inoo sheegayaan in Ciise yahay "Erayga Illaah". Suurat Aali-Cimraan aayadeeda 45aad waxay sheegaysaa; "(Xusuuso) markey tidhi Malaa'igtu Maryamooy Eebbe wuxuu kuugu bishaarayn Kalimo xaggiisa ah (Wiil) Magaciisu yahay Masiix Ciise Ibnu Maryam isagoo sharaf leh Adduun iyo Aakhiraba, kana mid ah kuwa la soo dhaweeyey".

Injiilkuna wuxuu sheegayaa "Bilowgii waxaa jiray Eray (Kalmad) Erayguna wuxuu la jiray Ilaah, Erayguna wuxuu ahaa Ilaah...........Erayguna jidh buu noqday".(Yooxanaa 1:1 & 14). Yooxaanaa 6:63 waxay kaloo inoo sheegaysaa "in Ciise xagga llaahay ka yimid Xaggiisana u noqon doono". Aayadahan aynu kor kusoo xusnay ee labada kitaabba leh (Qur’aanka iyo Injiilkaba) ,waxaynu ka fahmi karnaa in Ciise yahay Erayga waaraya ama daa'inka ah, Eraygaas oo markii hore Ilaah la jiray weligiisna jiray. Waa Kalmad Ilaah oo daa'in ah oo Xaggiisa ka timid. Kalmadaas oo intay jidh noqotay Maryan ka dhalatay. Sidani waa siday Masiixiyiintu u jeedaan markay leeyhiin "CIISE WAA WIILKA ILLAAH".

Sida Iftiinka Cadceedda ka imanaya uu iftiin u siiyo Adduunka, Ciisena Ilaahay buu ka yimid Dunidana Iftiin buu u noqday. Ahaanshaha u yahay Erayga Ilaah, ayaa inoo keentay Nolosha weligeed ah. Inkastoo Qur’aanka iyo Injiilkuba inoo cadeynayaan in Ciise yahay Erayga Eebbe, haddana ilaa aynu qalbigeena ku aqbalno nolosha weligeed ah ma heli karno. Kitaabka Injiilku wuxuu leeyahay sidatan, "in alla intii aqbashay Ciise Masiix, wuxuu siiyey amar ay carruurtii Ilaah ku noqdaan." (Yooxanaa 1:12)   Erayga Ilaah waxa kaloo uu inoo sheegayaa: "Kan Wiilka haystaa noloshuu leeyahay, kii aan Wiilka Ilaah haysanna nolosha ma leh". (Yooxanaa kowaad 5:12)

Ciise qudhiisu wuxuu yidhi "Bal eeg,albaabkaan taaganahay oo garaacayaa; haddaba haddii nin codkayga maqlo oo albaabka iga furo waan u soo gelayaa". Sida Ciise ku yidhi suurat Maryan aayadeeda 33 "nabadgalyana ha ahaato korkayga maalintii lay dhalay iyo maalintaan dhiman iyo maalintaan laysoo bixin anoo nool".  Ciise wuxuu u dhintay dembiyadeena, haddana Ilaahay baa dhimashada ka sare kiciyey.

Haddaad doonaysid inaad Ciise Maasiix aqbasho, kaasoo ah Kalmad waaraysa oo xagga Ilaahay ka timid, ku ducayso ducooyinkan soo socda.

"Ilaaha naxariista badanow! Inaan dembiile ahay ayaan qiranayaa, waxaan rumaysnahay inaad Ciise Maasiix noo soo dirtay, kaasoo ah Kalmad xaggaaga ka timid, si uu nooga badbaadiyo dembiyadayada. Waxaan rumaysnahay in Ciise uu u dhintay dembigayga aadna kor uga kicisay dhimashada, Rabbiyow! Iga cafi dembigaan adoonka u ahaa laga billaabo maalintii aan dhashay ilaa maanta. Qalbigayga ayaan kuu furay oo waxaan ku macsuumayaa Ciise Masiix". Aamiin!

 

Fadlan codsigaaga noo soo qor

 

Global Good News Literature

P. O. Box 451336

Los Angeles , CA 90045

    © 2005 – GGNL

 

 If you have questions or comments please contact:   

Dalmar :   cwn@codkanabada.org