ggnltitl.jpg (8122 bytes)

JAWAABO

LAGU NOOLAAN KARO

 

Jawaabo aad ku kalsoonaan kartid

 oo ku saabsan su’aalaha ugu muhiimsan xagga noloshaada

Jawaabta Baybalka

 Qidcooyinkan waxaad ku arki doontaa jawaabta uu Baybalka ka bixinayo qaar ka mid ah su’aalaha ugu muhiimsan ee inta badan la is weydiiyo. Adiga laftaaduba akhriso. Si taxadar leh u akhri. Akhri adiga oo iimaan leh. Waxaad ogaataa farxada ku jirta barashada Baybalka iyo sababta uu u yahay buugii ugu caansanaa ee aduunka yimaada.

 

Jawaabaha

Su’aalahaaga

Kusaabsan …….

Baybalka …………………………………………………………… Page       01

Ilaah………………………………………………………………… Page       03

Askunka aduunka……………………………………………………Page       06

Dhicitaankii uu Banii-aadanku ku dhacay dembiga……………………Page       08

Ciise Masiix ………………………………………………………...Page         09

Badbaadada……………………………………………………….Page       14

Ku noolaanshaha Masiixinnimada……………………………………..Page        17

Salaada………………………………………………………………..Page        22

Guurka iyo Qoyska………………………………………………….Page        25

Silaca iyo Jarribaada………………………………………………...Page         28

Waxyaalaha iman doona ……………………………………………Page        30

Badbaadadaada. ……………………………………………………..Page      34

 

BAYBALKA

  Waa maxay sababta uu Baybalku u yahay buuga ugu caansan aduunka? Jawaabtu way fududahay. Sababtu waxa weeye Baybalku waa Erayga Ilaah! Marka aad akhrinaysid Baybalka, waxaad akhrinaysaa fariin ka timid Ilaah naftiisa! Marka Baybalku hadlo, Ilaah ayaa hadlay!

 Sababtu waxa weeye Baybalku waa Erayga Ilaah, Baybalku waxa uu sameeyaa wax ka dheer fariin gudbin oo keliya. Baybalku waxa uu ina siiyaa ballan qaad. Ballan qaad nololeed! Cid waliba oo fariinta Baybalka ku hesha iimaan waxa loo ballan qaaday hadiyad qaali ah oo ah nolosha weligeed ah ee laga helo Ciise Masiix, Wiilka Ilaah.

 

 

  1. Xaggee ayuu ka yimid Baybalka?

 Ilaah laftiisa ayuu ka yimid. Ilaah waxa uu doortay dad kala duduwan si ay u qoraan wixii uu doonayey inay qoraan.

 “Qorniin kastaa wuxuu ku ahaaday Ruuxa Ilaah.”

                                                Timoteyoska Labaad 3:16b

 “Dad Ruuxa Qoduuska ahu waday ayaa xagga Ilaah kaga hadlay”

                                                Butroska Labaad 1:21t

 Miyeynu aamini karnaa waxa Baybalku leeyahay?

 

Haa Erayga Ilaah waa run oo ballan qaadyada ku jira oo dhan dhabtii waa la buuxiyey.

 “Xaraf ama dhibic keliya ka idlaan mayso sharciga ilaa ay wada noqdaan.”                                           Mataayos 5:18t

 Waa maxay sababta aynu ugu baahanahay Baybalka?

 

Ma jiro nin nolosha si buuxda ugu noolaan karo isaga oo aanan baranin Ereyga Ilaah ee runta ah.

 “Dadku waa inaanu kibis oo keliya ku noolaan, laakiin waa inuu Eray walba oo afka Ilaah ka soo baxa ku noolaado.”             Mataayos 4:4

 Sidee buu Baybalka inooga caawin karaa nolol maalmeedkeena?

Baybalka waxa uu ina barayaa sidii aynu sidii aynu ugu noolaan lahayn nolol qiimo leh oo uu Ilaah ku faraxsan yahay.

 “Qorniin kastaa wuxuu ku ahaaday Ruuxa Ilaah oo waxtar buu u leeyahay waxbaridda, iyo canaanashada, iyo hagaajinta, iyo edbinta xagga xaqnimada; in ninka Ilaah u ahaado mid dhan oo aad loogu diyaariyey shuqul kasta oo wanaagsan.”                                                Timoteyoska Labaad 3:16,17

 Waa maxay faa’iidada ugu weyn ee aynu ka helayno akhrinta Baybalka?

Kitaabka Qoduska ah ee Baybalka waxa uu innagu hogaaminayaa Sayid Ciise Masiix kaas oo aynu xaggiisa ka heli karno nolosha weligeed ah.

 “Laakiin waxyaalahan waxaa loo qoray inaad rumaysataan inuu Ciise yahay Masiixa, Wiilka Ilaah, iyo inaad nolosha ku lahaataan magiciisa idinkoo rumaysanaya.”

                                               Yooxanaa 20:31

 Badanaa dadka jooga aduunka way maqleen wax ku saabsan jiritaanka Ilaah. Hase yeeshee, dadka badankiis ereyga “Ilaah” wax micne ah oo uu u leeyahay iyaga ma jirto. Ma garanayaan cida uu yahay Ilaah ama waxa uu sameeyey. Wax ay ka garanayaan ma jirto qoduusnimmada Ilaah, awoodiisa ama jacaylkiisa. Ma kala oga in Ilaah daryeelayo iyaga iyo in kale, mana garanayaan sidii ay taas ku ogaan lahaayeen.

 Akhri waxa uu Ilaah inoo sheegay ee ku saabsan isaga ee ku qoran kitaabka qoduska ah ee Baybalka.

ILAAH

           1.      Waa ayo Ilaah?

Ilaah waa midka abuuray dunida iyo isha nolosha oo dhan.

“Ilaaha sameeyey dunida iyo waxyaalaha ku jira oo dhanba, oo ah Rabbiga samada iyo dhulka ….. dhammaan isagaa siiya nolosha iyo neefta iyo wax walbaba.”                                  Falimaha Rasuullada 17:24,25

2.      Immisa Ilaah oo run ah ayaa jirta?

 Hal Ilaah oo qura.

 Ilaah wuxuu yiri, “Waxaan ahay Rabbiga, oo mid kale ma jiro, aniga mooyaane Ilaah kale ma jiro.”                                Ishacyaah 45:5b  

3.      Miyey suurtagal tahay inaynu baranno runta ku saabsan Ilaah?

Haa, maxaa wacay Ilaah wuu isa kaaya baray – xagga dabiiciga iyo xagga Baybalka labaduba.  

“Tan iyo abuurniinta dunida waxyaalihiisii aan la arki  karin ayaa bayaan loo arkaa, iyagoo laga garto waxyaalihii la sameeyey, xataa xooggiisa daa’imiska ah iyo Ilaahnimadiisa, si ayan marmarsiinyo u lahaan.”

Rooma 1:20  

“Ilaah wuxuu waagii hore siyaalo badan oo kala duduwan awowayaasheen kula hadlay nebiyadii.”                                       Cibraaniyada 1:1  

4.      Miyey jirtaa hab kale ee uu Ilaah na isugu keen muujiyey?

 Haa, Ilaah waxa uu si cad ee bayaan ah isugu muujiyey xagga Wiilkiisa, Ciise Masiix.

 “Laakiin maalmahan ugu dambaystooda wuxuu inagula hadlay Wiilkiisa.”

                                          Cibraaniyada 1:2b  

5.      Waa maxay waxyaalaha qaar ee uu Ilaah inoo sheegay ee ku saabsan  isaga?  

Ilaah waa mid leh nimco, jacayl iyo wanaag.  

“Rabbigu waa nimco miidhan, oo waxaa ka buuxda raxmad, Cadhona wuu u gaabiyaa, wuuna naxariis badan yahay. Rabbigu wax kasta wuu u roon yahay, naxariistiisuna waxay ka sarraysaa shuqulladiisa oo dhan.”

                                          Sabuurrada 145:8,9  

6.      Waa maxay waxa kale ee uu Ilaah inoo muujiyey ee ku saabsan isaga?  

Ilaah waa mid awood badan, xaq ah oo qoduus ah.  

“Laakiinse Ilaahayagu samooyinkuu ku jiraa, oo wax alla wixii uu doonayayna wuu sameeyey.”                                  Sabuurrada 115:3  

“Shuqulladaadu way weyn yihiin, oo yaab bay leeyihiin. Boqorka quruumahow, jidadkaagu waa xaq oo waa run.”           Muujintii 15:3t  

“Qoduus,qoduus, qoduus waxaa ah Rabbiga ciidammada, oo dhulka oo dhanna waxaa ka buuxda ammaantiisa.”                             Ishacyaah 6:3  

            7.   Ilaah miyuu leeyahay billow?

                 Maya, Ilaah ma lahan billow ama dhammaad.     

                “Intaan buuruhu dhalan ka hor, iyo intaanad samayn dhulka iyo dunida,

                iyo xataa weligeed iyo weligeedba adigu waxaad tahay Ilaah.”

                                                Sabuurrada 90:2  

            8.      Suurtagal ma tahay inaan Ilaah indhaheena ku aragno?  

Maya, indhaha banii-aadanku ma arki karaan Ilaah.  

“Kan keligiis aan dhimanayn, oo ku dhex jira nuurka aan loo dhowaan Karin, oo aan ninna arkin, lana arki Karin.”

                                          Timoteyoska Koowaad 6:16  

9.      Miyey wanaagsan tahay inaynu sameyno muuqaal ama sawir Ilaah si uu inooga caawiyo caabuditaanka Ilaah?  

Maya, Ilaah waa Ruux oo innagama doonayo inaynu sameyno wax sanam ah noocuu doonaba ha noqdee.  

“Ilaah waa Ruux, kuwa caabudaa isagana waa inay ku caabudaan ruuxa iyo runta.”                                          Yooxanaa 4:24  

“Waa inaanad sameysan sanam xardhan, ama wax u eg waxa samada sare jira, ama waxa dhulka hoose jira, ama waxa biyaha dhulka ka hooseeya ku jira.”                                          Baxniintii 20:4  

10.  Ilaahan weyn ee qoduuska ah, waa maxay xiriirka uu la leeyahay aduunkeenan manta?  

Ilaah waxa uu sutida u hayaa oo uu xukumaa aduunkeena maalinba maalinta ka dambeysa. Isagu waa isha barako waliba ee aynu ku faraxsanahay.  

“Ka ugu sarreeyaa u taliyo boqortooyada dadka, oo uu siiyo ku alla kii uu doonayo.”                                          Daanyeel 4:32

 

“Laakiin wanaag buu sameeyey, oo wuxuu samada idinka siiyey roob iyo xilliyo barwaaqo ah, isagoo qalbiyadiinna ka dherginaya cunto iyo farxad.”

                                          Falimaha Rasuullada 14:17

 

11.  Ilaah wax dan ah muu ka leeyahay sida qof waliba ugu nool yahay aduunkiisa?  

Aad ayuu u doonayaa. Maalin maalmaha ka mid ah qof waliba waxaa la xisaabtami doona Ilaah wixii uu aduunka ku sameynayey.  

“Oo uun aan hortiisa ka muuqani ma jiro, laakiin wax waliba way qaawan yihiin oo bannaan yihiin indhihiisa hortooda, kan aynu ku tirsan nahay.”

                                          Cibraaniyada 4:13

12.  Ilaah miyuusan ku wanaagsanayn inuu daneeyo baahideena iyo dhibkeena?  

Ilaah wax waliba ee ka dhaca aduunka wuu daneeyaa –xitaa waxyaalaha ugu yar yar.  

“Laba shimbirood miyaan beesad lagu iibin? Middoodna dhulka ku dhici mayso amarka Aabbihiin la’aantiis. Timaha madaxiinna oo dhan waa tirsan yihiin.”                                                      Mataayos 10:29,30

13.  Ilaah diyaar uma yahay inuu ina maqlo marka aynu la hadalno isaga?  

Haa, Ilaah wuu maqlaa ducada kuwa sida daacada ah ugu yeedha isaga.  

“Rabbigu waa u dhow yahay inta isaga barida oo dhan, kuwaas oo ah inta runta ku barida oo dhan.”                                        Sabuurrada 145:18

14.  Ma suurtagal baa inaynu si buuxda u fahamno Ilaah iyo wadooyinkiisa?

 Maya, Ilaah waa weyn yahayo oo ma fahmi karayno weligeen.

 “Mool dheeraa hodantinimada iyo xigmadda iyo aqoonta Ilaah! Xukummadiisa lama baadhi karo, jidadkiisana lama raadin karo!”   

                                                            Rooma 11:33

 

ASKUNKA ADUUNKA  

Dadka badanaa waxay weydiiyaan su’aalo ku saabsan halka uu aduunku ka soo askunmay. Aduunku sidee buu ku bilowday? Halkeebay wax waliba ka yimaadeen? Ma waxaa jira mid sameeyey aduunka iyo dadka ku nool, mise wax waliba si lama filaan ah ayey ku yimaadeen?  

Sida dhabta ah, kuwan waa su’aalo muhiim ah. Jawaabaha aad bixinaysid waxay ku xiran tahay sida aad adigu isaga fikirtid, uga fikirtid kuwa kale, iyo aduunka aad ku nooshahay.  

Dhageyso waxa kitaabka qoduska ah ee Baybalku leeyahay!

__________________________________________________________________

 

1.      Sideebuu aduunkeenu ku askunmay ama ku bilowday?  

Ilaah ayaa abuuray!  

“Bilowgii Ilaah samada iyo dhulkuu abuuray.”                                                      Bilowgii 1:1  

2.      Ninkii iyo haweenaydii ugu horreeyey xaggee ayey ka yimaadeen?  

Ilaah ayaa abuuray iyaga.  

“Oo Ilaah nin buu ka abuuray araggiisa, Ilaaha araggiisa ayuu ka abuuray isaga; lab iyo dhaddig ayuu abuuray.”  

3.      Waa maxay mas’uuliyada uu Ilaah siiyey iyaga?  

Ilaah wuxuu ku yiri iyaga buuxiya aduunka, oo xukuma wixii ku dul nool oo dhan, oo daryeela isaga.  

“Oo Ilaah waa barakadeeyey iyaga; oo Ilaah wuxuu iyaga ku yidhi, Wax badan dhala oo tarma, oo dhulka ka buuxsama, oo ka sara mara dhulka, oo xukuma kalluunka badda, iyo haadda hawada, iyo wax kasta oo nool oo dhulka kor dhaqdhaqaaqa.”                                                Bilowgii 1:28

4.      Sideebuu ahaa aduunka markii uu Ilaah dhameeyey hawshiisii abuuritaanka?

Wax waliba way wanaagsanaayeen.  

“Oo Ilaah wuxuu arkay wax kasta oo uu sameeyey, oo bal eeg, aad bay u wanaagsanaayeen.”                                                          Bilowgii 1:31b

5.      Ma wax kala duwanaansho ah ayey keenaysaa haddii aduunkeenu uu abuuray Ilaah ama uu ku yimid si lama filaan ah?  

Aduunka oo idil iyo waxa ku jira gudihiisa oo dhanba waxaa iska leh Ilaah, maxaa yeelay isaga ayaa abuuray.  

“Rabbigaa iska leh dhulka iyo waxa ka buuxa oo dhan, Iyo dunida iyo kuwa degganba.”                                                            Sabuurrada 24:1  

6.      Ilaah sidee buu u arkaa waxyaalaha uu abuuray?  

Ilaah wuu daryeelaa aduunkan iyo cid waliba ee ku dhex nool.  

“Rabbigu jidadkiisa oo dhan wuu ku qumman yahay, oo shuqulladiisa oo dhanna wuu ku nimco badan yahay.”                          Sabuurrada 145:17

7.      Maxaynu ugu jawaabnaa Ilaah innaga oo u arkayna isaga sida abuuraheena?  

Waa inaynu jeclaanaa, caabudnaa oo aynu sharafnaa isaga.  

“Waa inaad Rabbiga Ilaahaaga ah ka jeclaataa qalbigaaga oo dhan iyo naftaada oo dhan iyo xooggaaga oo dhan.”

                                                                  Sharciga Kunoqoshadiisa 6:5

           

DHICITAANKII UU BANII-AADANKU KU DHACAY DEMBIGA  

Kadib markaynu akhrinay abuuritaankii dunida, waxa dhici karta inaad la yaaban tahay: Haddii ay wax waliba sidaa u wanaagsanaayeen bilowgii, maxay sidaasi haddaba u sii jiri weysay? Halkeebay ka yimaadeen silica iyo murugada iyo dhimashada? Muxuu haddaba aduunka uga jiraa kharaar iyo nacayb iyo is-fahamla’aan? Maxaa ku dhacay is-waafaqsanaantii oo dhan, nabaddii iyo faraxii?  

Jawaabta uu baybalku ka bixinayo su’aalahaas oo dhan waa mid cad oo fudud. Jawaabtaas waxa laga sameyn karaa hal jumlo: Wax waliba way is-bedeleen markii uu banii-aadanku ku dhacay dembiga!

 

 

1.      Waa maxay amarkii uu  Ilaah siiyey dadkii ugu horreeyey ee uu abuuray?  

Ilaah waxa uu u sheegay iyaga inaynan cunin miraha geed ku dhex yiilay beertii Ceeden, halkaasi oo ay iyagu ku noolaayeen!  

Ilaah waxa uu yiri, “Geed kasta oo beerta ku yaal wax baad ka cuni kartaa: laakiin geedka aqoonta wanaagga iyo xumaanta waa inaanad waxba ka cunin: waayo, maalintii aad wax ka cuntid hubaal waad dhiman doontaa.”                                            Bilowgii 2:16, 17  

2.      Miyey adeeceen amarkii Ilaah?  

Maya, waxay doorteen inay habkooda u noolaadaan intay ku noolaan lahaayeen habka uu Ilaah doonayo.  

“Oo markii naagtii aragtay in geedkii cunto ku wanaagsan yahay, oo indhaha u roon yahay, oo uu yahay geed loo doonayo in caqli lagu yeesho, ayay midho ka qaadatay, oo cuntay; ninkeedii la joogayna wax bay ka siisay, oo isagiina wuu cunay.”                               Bilowgii 3:6  

3.      Maxaa dhacay markay ku dembaabeen xagga Ilaah?  

Dembigoodiii waxa uu u hogaamiyey silic, xukun iyo dhimasho.  

Ilaah wuxuu yidhi, “Maxaa yeelay adigu ……. ka cuntay geedka …… dhulku waa habaaran yahay adiga aawadaa; maalmaha cimrigaaga oo dhanna dhibaataad wax kaga cuni doontaa. Qodxan iyo yamaarugna waa kaaga soo bixi doonaan …….. wejigaagoo dhididsan baad wax cuni doontaa, ilaa aad dhulka ku noqotid; maxaa yeelay, dhulkaa lagaa qaaday; waayo, ciid baad tahay, ciid baadna ku noqon doontaa.”

                                                 Bilowgii 3:17-19  

4.      Laakiin dembigii ay faleen, sidee ayuu inoo saameeyaa innaga?  

Mar markii uu dembigu soo galay aduunka, waxa uu saameeyey qof waliba ee ku noolaa.  

“Haddaba sida dembigu nin keliya dunida ugu soo galay, dhimashaduna dembiga ugu timid, sidaasaa dhimashadiina u gaadhay dadka oo dhan, waayo, waa la wada dembaabay.”                               Rooma 5:12

5.      Qof kasta miyuu dembaabay oo uu Ilaah hortiisa ku qirtay?  

Haa, mid ka marran ma jiro.  

“Mid xaq ahu ma jiro, midnaba”                                 Rooma 3:10  

“Maxaa yeelay, dhammaan way wada dembaabeen oo gaadhi waayeen ammaanta Ilaah.”                                                        Rooma 3:23

6.      Ilaaha jacaylka leh miyuu iska indha tiri karaa runta ku saabsan in dhammaanteenuba aynu wada dembaabnay?  

Maya, inkasta oo uu Ilaah nimco iyo naxariis leeyahay, haddana sidoo kale waa caadil. Ilaah marnaba ogolaan maayo in dembiga la iska hilmaamo oo aan la abaal marin.  

“Rabbigu cadho waa u gaabiyaa, oo waa naxariis badan yahay, oo xumaanta iyo xadgudubka wuu dhaafaa, oo sinaba uma caddeeyo in kan dembiga galay aanu eed lahayn.”

                                     Tirintii 14:18b

 

CIISE MASIIX

Markii ay dadkii ugu horreeyey dembaabeen iyagoo jooga beerta Ceeden, waxaa gashay cabsi oo waxay isku dayeen inay iska qariyaan Ilaah. Laakiin Ilaah, jacaylkiisa aawadeed, wuu soo qabtay, oo wuxuu bilaabay inuu iyagii dib ula hadlo.  

Ilaah wuxuu u sheegay iyaga in mar walibaba la ciqaabi doono dembigooda la’ajligiis, laakiin sidoo kale waxa uu u keenay fariin rajo leh. Iyaga noloshooda kuma dambeyn doonto dhimasho, silac iyo xanuun. Uma baahna inay ku noolaadaan rajo xumo! Ilaah wuxuu ballan qaaday in maalin uun qof iman doono dunida kaas oo si ammaan leh uga guulaysan doono dembiga iyo dhimashada!  

Inkasta oo aanay si buuxda u fahmin wakhtigaa iyada ah, qofkaasi Ilaah ballan qaaday waa Ciise Masiix. Ciise weeye kan keeni doono cafiska iyo nabada. Ciise wuxuu dib u soo celinayaa banii-aadanka lumay si ay wehelnnimo ula yeeshtaan Ilaah!  

Akhri sheekada Ciise adigoo si taxadar leh uga fikiraya, oo baro sababta ay dad badani ee ku nool aduunka ugu arkaan isaga inuu yahay qofkii ugu cajaa’ibka badnaa ee dunida soo mara.

 

  

1.                  Waa ayo Ciise Masiix?  

Ciise Masiix waa wiilka Ilaah ee daa’imka ah.  

“Oo isagu waa dhalaalka ammaantiisa iyo u-ekaanta ahaantiisa, oo wax walba wuxuu ku hayaa erayga xooggiisa.”            Cibraaniyada 1:3b  

2.                  Waa maxay sababta uu Ilaah ugu soo diray Wiilkiisa dunida?  

Ilaah wuxuu dunida u soo diray Ciise si aynu isaga xaggiisa ugu lahaano nolosha daa’imka ah.  

“Ilaah intuu dunida jacayl u qabay ayuu siiyey wiilkiisa keliya oo dhashay in mid kastoo isaga rumaystaa uusan lumin laakiinse uu lahaado nolosha weligeed ah.”                                             Yooxanaa 3:16  

3.                  Sidee ayuu Ciise ku yimid aduunkeenan?  

Ciise waxa uu ka dhashay Maryantii Yahuuda ee bikrada ahayd sida canug banii-aadan.  

“Bishii lixaad Ilaah baa malaa’ig Jibriil u soo diray ………gabadh bikrad ah oo la odhan jiray Maryan. Malaa’igtii waxay ku tiri Maryan, ‘Waad uureysan doontaa, oo wiil baad umuli doontaa, magaciisana waxaad u bixin doontaa Ciise!’”                           Luukos 1:26,27,31

4.                  Waa ayo aabaha Ciise?

Ciise waxa uu ku uur galay xagga Ilaah ee Ruuxa Qoduska ah.  

“Kolkii hooyadiis Maryan u doonanayd Yuusuf, intaanay isu iman, waxaa la arkay iyadoo Ruuxa Qoduuskaa ka uureysatay.”

                                                Mataayos 1:18t  

5.                  Miyuu farxay aduunka badankiis markii uu Ciise dhashay?

Maya, Ciise waxa uu ku dhashay tuulo yar oo ay xaaladeedu aad u degan tahay.  

“Maalmihii ay umuli lahayd way dhammaadeen,  waxayna umushay wiilkeedii curadka ahaa, markaasay maro ku duudduubtay oo qabaal ku jiifisay, waayo, meel ay ku hoydaan ayay hodheelkii ka waayeen.”

                                                Luukos 2:6t,7  

(Waxaad sheekada ku saabsan dhalashada Ciise ka akhrisaa Mataayos 1:18-25 iyo Luukos2:1-20)  

6.                  Maxaa loogu bixiyey magaca Ciise?

Maxaa yeelay magaca Ciise micnihiisu waxa weeye “Badbaadiye.” Ciise waxa uu u yimid inuu dadkiisa ka badbaadiyo dembiyadooda.  

Malaa’igtii waxay tiri, “magiciisana waxaad u bixin doontaa Ciise, waayo, dadkiisa ayuu dembiyadooda ka badbaadin doonaa.”

                                                Mataayos 1:21b  

7.                  Waa maxay waxa uu Ciise sameeyey markii uu joogay dhulka?

Ciise waxa uu ku wareegayey magaalooyinka Israa’iil isaga oo wax baraya, wacdinaya, bogsiinaya kuwa buka, saaraya jinniyada, cafinaya dembiyada iyo isaga oo caawinaya kuwa baahan.  

“Ciise wuxuu ku wareegay magaalooyinka iyo tuulooyinka oo dhan, oo sunagogyadooda ayuu wax ku barayay, oo injiilka boqortooyadii ku wacdiyeyey, oo bugto walba iyo cudur walba ayuu bogsiinayey.”

                                                Mataayos 9:35  

“Jinniyona dad badan ayay ka soo baxeen, iyagoo qaylinaya oo leh, ‘Adigu waxaad tahay Wiilka Ilaah!’”

                                                Luukos 4:41b  

Qof towbadkeenay ayuu Ciise ku yidhi, “Dembiyadaadii waa cafiyan yihiin.”                                                Luukos 7:48  

8.                  Sidee ayey dadkii uga jawaabeen mucjisooyinkii iyo baritaankii Ciise?

Dadka badankii way tacajabeen, kuwa badana isaga ayey rumeeyeen.  

“Dad badan ayaa magaciisa rumaystay markay arkeen calaamooyinkuu sameeyey.”                                               Yooxanaa 2:23  

( Waxaad akhrisaa afarta Injiil ee Mataayos, Maarkos, Luukos iyo Yooxanaa oo si aad ah uga hadlaya dhacdooyinka nolosha Ciise.)  

9.                  Qof kastaa oo arkay mucjisooyinka Ciise ama maqlay isaga oo hadlaya miyuu rumeeyey?

Maya, Ciise waxaa diiday madaxdii Yahuuda oo ka maseyrsanaa isaga. Waxay u gacan geliyeen isaga taliyihii Roomaanka si isaga loo dilo.  

“Wadaaddadii sare iyo waayeeladii dadka oo dhan ayaa Ciise wax ka gees ah ka wada hadlay si ay u dilaan. Markaasay xidheen oo kaxeeyeen, oo waxay u dhiibeen taliyihii Bilaatos ahaa.”

                                                Mataayos 27:1,2  

“[Bilaatos] wuxuu ogaa inay xaasidnimo ugu soo dhiibeen”

                                                Mataayos 27:18  

10.              Sidee ayuu Ciise u dhintay?

Ciise waxaa ku majaajilooday oo jirdil ku sameeyey askartii Roomaanka kadibna waxaa lagu qodbay iskutallaabta meel dibada ka ah caasimada Yeruusaalem.  

“Markaasaa askartii …….. waxay u geliyeen dhar guduudan, oo taaj ayay qodxan uga texeen, oo madaxiisay saareen. Markaasay salaameen oo waxay ku yidhaahdeen, ‘Nabad, Boqorka Yahuudow!’ Madaxana ayay cawsduur kaga dhufteen, oo wayna ku candhuufeen, oo u jilba joogsadeen, oo u sujuudeen. Goortay ku majaajiloodeen dabadeed ayay dharkii guduudnaa ka qaadeen oo dharkiisii bay u geliyeen, markaasay wadeen in iskutallaabta lagu qodbo.”

                                                Maarkos 15:16-20

(Si aad u ogaatid dhacdooyinka ku saabsan dhimmashada Masiixa, waxaad akhrisaa Mataayos 26&27, Maarkos 14&15, Luukos 22&23 iyo Yooxanaa 18&19)  

11.              Ciise ma waxaa loogu qodbay iskutallaabta khalad uu sameeyay awgiis?

Maya, dhabtii Ciise waxa uu ku noolaa nolol aan iin lahayn.  

“Isagu ma uu dembaabin, khiyaanona afkiisa lagama helin. Oo isagu markii la caayay, dadkii caayay cay uma uu celin. Markuu xanuunsadayna ninna ma uu cabsiin, laakiinse wuxuu isu dhiibay kan xaqnimada wax ku xukuma.”                    Butroska Koowaad 2:22,23

12.              Maxaa ku dhacay jirkii Ciise kadib markii uu dhintay?

Jirkii Ciise si uu jacayl ku jiro waxaa u duugay nin taajir ah oo la oran jiray Yuusuf.  

“Yuusuf goortuu meydkii qaaday ayuu kafan nadiif ah ku duudduubay, oo wuxuu geliyey xabaashiisii cusbayd, tan uu dhagax ka qoday, oo xabaashii afkeedii wuxuu ku soo giringiriyey dhagax weyn, wuuna ka tegey.”                                                Mataayos 27: 59,60  

13.              Jirkii Ciise ma wuxuu ku sii jiri doonay qabriga?

Maya, saddex beri kadib Ciise wuu sare kacay.  

“Isaga Ilaah baa sare kiciyey, oo ka furfuray xanuunkii dhimashada, maxaa yeelay, dhimashadu ma xajin Karin.”

                                                Falimaha Rasuullada 2:24  

(Baybalka waxa uu qorayaa qisada sarakicida Ciise xagga Injiilka Mataayos 28:1-10, Maarkos 16:1-8, Luukos 24:1-49 iyo Yooxanaa20&21)  

14.              Muxuu sameeyey Ciise kadib markii uu ka sare kacay dhimashada?

Afartan maalmood ayuu dhulka sii joogay si kuwii isaga raacsanaa uu ugu muujiyo inuu nool yahay.  

“Markuu xanuunsaday dabadeed, iyagii ayuu isagoo nool waxyaalo badan oo la hubo isugu muujiyey, oo mudo afartan maalmood ah ayuu iyagii u muuqday, oo kala hadlay waxyaalaha ku saabsan boqortooyada Ilaah.”                                                Falimaha Rasuullada 1:3

15.              Afartankaa maalmood kadib maxaa dhacay?

Ciise wuxuu ku laabtay samada halkaasoo uu haddeer ka xukumayo wax waliba ee ku jira samada iyo dhulka.  

“Waxaa dhacay intuu barakadaynayay inuu ka tegey, oo waxaa kor loogu qaaday samada.”                                                Luukos 24:51  

“[Ilaah] wuxuu fadhiisiiyey meelaha jannada xagga midigtiisa. Oo wuxuu isaga ka sarreeysiiyey madax kasta, iyo amar kasta, iyo xoog kasta iyo sayidnimo kasta.”                                                Efesos 1:20t,21b  

16.              Haddeer Ciise muxuu sameynayaa?

Ciise innaga ayuu inoo duceynayaa oo uu inoo diyaarinayaa meel.  

“[Ciise] wuxuu galay jannada qudheeda inuu hadda Ilaah hortiisa inooga muuqdo.”                                                Cibraaniyada 9:24t  

Ciise waxa uu yiri, “Guriga Aabahay wuxuu leeyahay hoyaal badan. ……. waxaan u tegayaa inaan meel idiin sii diyaariyo.”

                                                Yooxanaa 14:2

17.              Ciise miyuu sii joogi doonaa jannada?

Maya, maalin maalmaha ka mid ah waxa uu haddana ku soo laabanayaa aduunka, oo isaga ayaa inna wadanaya.  

Ciise wuxuu yidhi, “Oo haddaan tago oo meel idiin diyaariyo, mar dambe waan soo noqon doonaa, oo xaggaygaan idiin qaadan doonaa, in meeshaan joogo, idinkuna aad joogtaan.”                  Yooxanaa 14:3  

(Warar dheeraad ah oo ku saabsan dib u soo laabashada Ciise, waxaad eegtaa baallalka ?-?)

 

BADBAADADA

Kadib markaad akhriday sheekada cajaa’ibka leh ee Ciise, weli waxaa dhici karta inay kuu kala cadayn waxa Ciise sameeyey. Ciise waxaa loogu yeedhay badbaadiye, laakiin aduunku weli waxa uu u muuqdaa mid lumay. Silic iyo murugo ayaa dhooban, dadkuna sidii ay weligoodba u dhiman jireen ayey u dhimanayaan. Xitaa aduunka dabiiciga ah ee innagu wareegsan waxaa ka muuqata jajab iyo qurun. Marka la eego siyaabo badan, nolosha intii ay sii wanaagsanaan lahayd way sii xumaani haysaa. Tani waa maxay micnaheedu marka la leeyahay “Ciise waa badbaadiyaa”?

Adiga oo leh qalbi rumeysad, akhri waxa Baybalku leeyahay!  

1.                  Sida dhabta ah maxaa loola jeedaa marka la leeyahay qofku wuu “badbaaday”?

Marka aad badbaadid waxa aad noqonaysaa canuga Ilaah, dembiyadaadii oo dhan waa lagaa cafinayaa, oo waxa aad helaysaa nolosha weligeed ah.  

“Laakiin in alla intii aqbashay, wuxuu siiyey amar ay carruurtii Ilaah ku noqdaan, kuwaasu waa kuwii magiciisa rumaystay.”

                                                Yooxanaa 1:12

 “Oo dhiiga Ciise, oo Wiilkiisa ah, wuxuu inaga nadiifiyaa dembi oo dhan.”                                                Butroska Koowaad 1:7t

 “Maragguna waa kan, kaas oo ah in Ilaah ina siiyey nolosha weligeed ah, oo ay noloshanu Wiilkiisa ku jirto.”           Butroska Koowaad 5:11

2.                  Laakiin maadaama Ilaah laftiisu uu yiri mishaarka dembigu waa dhimasho, sidee ayuu innooga nadiifin karaa dembiga isaga oo aan ina ciqaabin?

Ciise ayaa booskeenii u dhintay. Isaga ayaa dusha u dhigtay ciqaabtii aynu u qalanay oo dhan.  

“Laakiinse waxaa isaga loo dhaawacay xadgudubyadeenna, waxaana loo nabareeyey xumaatooyinkeenna, edbintii nabaadiinadeennana dushiisay ku dhacday, dildillaaciisana waynu ku bogsannay ……… Rabbigu wuxuu isaga dul saaray xumaanteenna oo dhan.”

                                                Ishacyaah 53:5,6

 (Waxa kale oo aad eegtaa Rooma 5:6-8, Korintoska Labaad 5:19-21; Butroska Koowaad 1:18,19; Butroska Koowaad 2:24)

3.                  Sidda dhabta ah Ilaah miyuu doonayaa inuu dembiyadeena oo dhan inoo wada cafiyo?

Haa, mid waliba!  

“Inkastoo ay dembiyadiinnu guduudan yihiin, sida baraf cad oo kalay u cadaan doonaan, oo in kastoo ay cascas yihiin, sida suuf oo kalay ahaan doonaan.”                                              Ishacyaah 1:18t

4.                  Maxaa la innaga doonayaa inaynu sameyno si aynu ku helno badbaadadan cajaa’ibka leh?

Waa inaynu ka toobad keenaa dembiyadeena oo aynu rumeynaa in Ciise innaga inoo dhintay.  

“Haddaba toobad keena oo soo noqda, si dembiyadiina loo tirtiro, si ay wakhtiyo qabowjis lihii uga yimaadaan Rabbiga hortiisa.”

                                                Falimaha Rasuullada 3:19

 “Rumayso Rabbi Ciise, waadna badbaadi doontaa, adiga iyo dadka gurigaaguba.”                                             Falimaha Rasuullada 16:31

5.                  Miyeynu ku heli karin badbaadada innaga oo isku jarribna innaynu ku noolaano nolol wanaagsan?

Maya, waxaynu ku badbaadnaa nimcada Ilaah, (daryeelkiisa aan qiyaasta lahayn iyo jacaylka), laakiin ma ahan xagga dadaalkeenna.  

“Waayo, idinku waxaad ku badbaadeen nimco xagga rumaysadka, mana aha wax xaggiina ka yimid, laakiinse waa hadiyadda Ilaah, mana aha xagga shuqullada wanaagsan aawadood oo Ilaah hore ugu diyaariyey inaynu ku soconno.”  

6.                  Miyey jirtaa hab kale oo lagu badbaado oo aan ka ahayn kan xagga Ciise?

Ma jiro hab kale.  

Ciise wuxuu yiri, “Anigu waxaan ahay jidka iyo runta iyo nolosha. Ninna Aabaha uma yimaado, xaggayguu ku yimaado maahee.”

                                                Yooxanaa 14:6

 “Mid kale badbaadada lagama helo, maxaa yeelay, ma jiro, magic kale samada hoosteeda oo dadka dhexdooda loo bixiyey oo waajib inoo ah inaynu ku badbaadno.”                                 Falimaha Rasuullada 4:12

7.                  Waa maxay ballan qaadka weyn ee la siiyey cid waliba ee rumeysa Ciise?

Qof kasta oo si dhab ah u rumeeya waxa uu helayaa hadiyada nolosha waligeed ah. Mar dambe kuma hoos jirayo xukunka dhimashada.  

Ciise waxa uu yiri, “Runtii, runtii , waxaan idinku leeyahay, Kii hadalkayga maqla oo rumaysta kii i soo diray, wuxuu leeyahay nolosha weligeed ah, xukunna geli mayo, laakiin dhimashadii ayuu ka soo gudbay oo nolosha u soo gudbay.”  

8.                  Goormaa ayey bilaabataa nolosha weligeed ah?

Nolosha cusub ee Masiixa waxay bilaabataa isla marka uu qofka rumeeyo.  

Ciise wuxuu yiri, “Runtii, runtii , waxaan idinku leeyahay, Kii I rumaystaa, wuxuu leeyahay nolosha weligeed ah.”

                                                Yooxanaa 6:47  

9.         Maxaa ku dhacaya kuwa aan rumaysan?

Kuwa aan rumaysan waxay ku sii noolaan doonaan ama ku sii hoos jiri doonaan xukunka Ilaah oo si daa’im ah ayey u lumi doonaan.  

“Kii isaga rumaystaa ma xukumna, laakiinse kii aan isaga rumaysan, hore ayaa loo xukumay, maxaa yeelay, wuxuusan rumaysan magaca Wiilka Ilaah oo keliya oo dhashay.”                            Yooxanaa 3:18  

10.        Miyey muhiimad ballaaran inoo leedahay inaynu rumaysadka aan ku

qabno Masiixa ka qiranno dadka hortooda?

Haa.  

“Maxaa yeelay, haddaad afka ka qiratid in Ciise yahay Rabbiga, oo aad qalbiga ka rumaysatid in Ilaah isaga ka sara kiciyey kuwii dhintay, waad badbaadi doontaa, waayo, qalbiga wax baa laga rumaystaa xagga xaqnimada, afkana wax baa laga qirtaa xagga badbaadinta?

                                                Rooma 10:9,10

11.       Rumaystayaashu miyey xaqiiqsan karaan inay leeyihiin nolosha

weligeed ah?

            Haa, si aan shaki ku jirin.           

“Waxyaalahan waxaan idiinku soo qoray, idinka soo rumaystay magaca Wiilka Ilaah, si aad u ogaataan inaad nolosha weligeed ah leedihiin.”

                                                Yooxanaha Koowaad 5:13  

12.        Maxaa ku dhacaya rumaystayaasha markay dhintaan?

Rumaystayaasha isla markiiba waxaa loo qaadayaa xaadirnimada Masiixa.  

“Waayo, aniga waxaa nolosha ii ah Masiixa, oo dhimashaduna waa ii faa’iido…… oo waxaan jecelahay inaan tago oo Masiixa la joogo, waayo, taasu aad bay iigu roon tahay.”

                                                            Filiboy 1:21,23  

13.       Maxaa ku dhacaya jirka rumaystayaasha ee dhinta?

Mar kale ayey ammaan ku sara kacayaan marka uu Ciise ku soo laabto aduunka.  

“Sayid Ciise Masiix …… wuxuu beddeli doonaa jidhkeenna liita inuu u ekaado jidhkiisa ammaanta leh.”                                   Filiboy 3:20,21

14.       Waxyaalaha kale ee uu Ilaah abuuray miyey badbaadada Ciise uu

      keenay ka qayb qaadanayaan?

Haa, markuu Ciise soo laabto haddana, wax kasta oo hore loo abuuray dib ayaa loo soo cusboonaysiinayaa.  

“Taasoo la rajeynayo in uunka qudhiisana laga xorayn doono addoonnimada qudhunka ah oo la gelin doono xorriyadda ammaanta carruurta Ilaah.”

                                                            Rooma 8:21

 

KU NOOLAANSHAHA NOLOSHA MASIIXINIMADA  

Dad badan ayaa u hanqal taagaya inay aqbalaan badbaadada uu Ciise bixiyo, laakiin waxay su’aalo badan ka qabaan habka ay ugu noolaanayaan nolosha Masiixinimada. Qaar doonaya inay ku noolaadaan nolosha Masiixinimada, waxay la yaabaan inay awoodi karaan. Qaarkood ma hubaan inay awoodi doonaan inay sameyn karaan waxyaalaha uu Ciise ka doonayo inay sameeyaan oo dhan. Weli qaar ayaa waxay Masiixinnimada u arkaan inay tahay diin ku salaysan samee ama ha sameynin, oo waxay ka baqayaan haddii ay Masiixi noqdaan in farxadii noloshooda oo dhan ay dhumayso.  

Maxaa loola jeedaa in lagu noolaado hab Masiixinimo? Qof miyuu ku noolaan karaa nolol ka farxisa Ilaah? Masiixinimadu miyay farxada ka qaadaa nolosha?  

Akhri waxa Baybalku leeyahay ee ku saabsan barakada iyo imtixaanka ay leedahay in loo noolaado sida mid raacsan Masiixa labaduba.

 

 

1.                  Taxaddi noocee ah ayuu Ciise siiyey kuwa doonaya inay raacaan isaga?

Ciise wuxuu ku taxaddiyey iyaga inay raali ka noqdaan inay wax waliba daraadiis uga tagaan – xitaa nafsadooda!  

Ciise wuxuu yiri, “Mid uun hadduu doonayo inuu iga daba yimaado , ha is-inkiro, iskutallaabtiisana ha soo qaato oo ha i soo raaco. Kan doonaya inuu naftiisa badbaadiyo, waa lumin doonaa, laakiin kan naftiisa u lumiya aawaday iyo injiilka aawadii, kaasaa badbaadin doona.”                                                            Markos 8:34,35