![]() |
|
JAWAABO LAGU NOOLAAN KARO |
|
Jawaabo aad ku kalsoonaan kartid oo ku saabsan su’aalaha ugu muhiimsan xagga noloshaada Jawaabta
Baybalka
|
|
Jawaabaha Su’aalahaaga Kusaabsan
…….
Baybalka …………………………………………………………… Page 01 Ilaah………………………………………………………………… Page 03 Askunka aduunka……………………………………………………Page 06 Dhicitaankii uu Banii-aadanku ku dhacay dembiga……………………Page 08 Ciise Masiix ………………………………………………………...Page 09 Badbaadada………………………………………………………….Page 14 Ku noolaanshaha Masiixinnimada……………………………………..Page 17 Salaada………………………………………………………………..Page 22 Guurka iyo Qoyska………………………………………………….Page 25 Silaca iyo Jarribaada………………………………………………...Page 28 Waxyaalaha iman doona ……………………………………………Page 30 Badbaadadaada. ……………………………………………………..Page 34 |
BAYBALKA
Timoteyoska Labaad 3:16b
Butroska Labaad 1:21t Haa Erayga Ilaah waa run oo ballan qaadyada ku jira oo dhan dhabtii waa la buuxiyey. Ma jiro nin nolosha si buuxda ugu noolaan karo isaga oo aanan baranin Ereyga Ilaah ee runta ah. Baybalka waxa uu ina barayaa sidii aynu sidii aynu ugu noolaan lahayn nolol qiimo leh oo uu Ilaah ku faraxsan yahay. Kitaabka Qoduska ah ee Baybalka waxa uu innagu hogaaminayaa Sayid Ciise Masiix kaas oo aynu xaggiisa ka heli karno nolosha weligeed ah. Yooxanaa 20:31 Ilaah
waa midka abuuray dunida iyo isha nolosha oo dhan. “Ilaaha sameeyey dunida iyo waxyaalaha ku jira oo dhanba, oo ah Rabbiga samada iyo dhulka ….. dhammaan isagaa siiya nolosha iyo neefta iyo wax walbaba.” Falimaha Rasuullada 17:24,25 2. Immisa Ilaah oo run ah ayaa jirta? 3. Miyey suurtagal tahay inaynu baranno runta ku saabsan Ilaah? “Tan iyo abuurniinta dunida waxyaalihiisii aan la arki karin ayaa bayaan loo arkaa, iyagoo laga garto waxyaalihii la sameeyey, xataa xooggiisa daa’imiska ah iyo Ilaahnimadiisa, si ayan marmarsiinyo u lahaan.” Rooma
1:20 “Ilaah
wuxuu waagii hore siyaalo badan oo kala duduwan awowayaasheen kula hadlay
nebiyadii.”
Cibraaniyada 1:1 4. Miyey jirtaa hab kale ee uu Ilaah na isugu keen muujiyey?
Cibraaniyada 1:2b 5.
Waa maxay waxyaalaha qaar ee uu Ilaah
inoo sheegay ee ku saabsan isaga? Ilaah
waa mid leh nimco, jacayl iyo wanaag. “Rabbigu waa nimco miidhan, oo waxaa ka buuxda raxmad, Cadhona wuu u gaabiyaa, wuuna naxariis badan yahay. Rabbigu wax kasta wuu u roon yahay, naxariistiisuna waxay ka sarraysaa shuqulladiisa oo dhan.”
Sabuurrada 145:8,9 6.
Waa maxay waxa kale ee uu Ilaah inoo
muujiyey ee ku saabsan isaga? Ilaah
waa mid awood badan, xaq ah oo qoduus ah. “Laakiinse
Ilaahayagu samooyinkuu ku jiraa, oo wax alla wixii uu doonayayna wuu
sameeyey.”
Sabuurrada 115:3 “Shuqulladaadu
way weyn yihiin, oo yaab bay leeyihiin. Boqorka quruumahow, jidadkaagu waa
xaq oo waa run.”
Muujintii 15:3t “Qoduus,qoduus,
qoduus waxaa ah Rabbiga ciidammada, oo dhulka oo dhanna waxaa ka buuxda
ammaantiisa.”
Ishacyaah 6:3 7. Ilaah miyuu leeyahay billow?
Maya, Ilaah ma lahan billow ama dhammaad.
“Intaan buuruhu dhalan ka hor, iyo intaanad samayn dhulka iyo dunida, iyo xataa weligeed iyo weligeedba adigu waxaad tahay Ilaah.”
Sabuurrada 90:2
8.
Suurtagal ma tahay inaan Ilaah indhaheena
ku aragno? Maya,
indhaha banii-aadanku ma arki karaan Ilaah. “Kan keligiis aan dhimanayn, oo ku dhex jira nuurka aan loo dhowaan Karin, oo aan ninna arkin, lana arki Karin.”
Timoteyoska Koowaad 6:16 9.
Miyey wanaagsan tahay inaynu sameyno
muuqaal ama sawir Ilaah si uu inooga caawiyo caabuditaanka Ilaah? Maya,
Ilaah waa Ruux oo innagama doonayo inaynu sameyno wax sanam ah noocuu
doonaba ha noqdee. “Ilaah
waa Ruux, kuwa caabudaa isagana waa inay ku caabudaan ruuxa iyo runta.”
Yooxanaa 4:24 “Waa
inaanad sameysan sanam xardhan, ama wax u eg waxa samada sare jira, ama
waxa dhulka hoose jira, ama waxa biyaha dhulka ka hooseeya ku jira.”
Baxniintii 20:4 10.
Ilaahan weyn ee qoduuska ah, waa maxay
xiriirka uu la leeyahay aduunkeenan manta? Ilaah
waxa uu sutida u hayaa oo uu xukumaa aduunkeena maalinba maalinta ka
dambeysa. Isagu waa isha barako waliba ee aynu ku faraxsanahay. “Ka ugu sarreeyaa u taliyo boqortooyada dadka, oo uu siiyo ku alla kii uu doonayo.” Daanyeel 4:32 “Laakiin wanaag buu sameeyey, oo wuxuu samada idinka siiyey roob iyo xilliyo barwaaqo ah, isagoo qalbiyadiinna ka dherginaya cunto iyo farxad.” Falimaha Rasuullada 14:17 11.
Ilaah wax dan ah muu ka leeyahay sida qof
waliba ugu nool yahay aduunkiisa? Aad
ayuu u doonayaa. Maalin maalmaha ka mid ah qof waliba waxaa la xisaabtami
doona Ilaah wixii uu aduunka ku sameynayey. “Oo
uun aan hortiisa ka muuqani ma jiro, laakiin wax waliba way qaawan yihiin
oo bannaan yihiin indhihiisa hortooda, Cibraaniyada 4:13 12.
Ilaah miyuusan ku wanaagsanayn inuu
daneeyo baahideena iyo dhibkeena? Ilaah
wax waliba ee ka dhaca aduunka wuu daneeyaa –xitaa waxyaalaha ugu yar
yar. “Laba shimbirood miyaan beesad lagu iibin? Middoodna dhulka ku dhici mayso amarka Aabbihiin la’aantiis. Timaha madaxiinna oo dhan waa tirsan yihiin.” Mataayos 10:29,30 13.
Ilaah diyaar uma yahay inuu ina maqlo
marka aynu la hadalno isaga? Haa,
Ilaah wuu maqlaa ducada kuwa sida daacada ah ugu yeedha isaga. “Rabbigu waa u dhow yahay inta isaga barida oo dhan, kuwaas oo ah inta runta ku barida oo dhan.” Sabuurrada 145:18 14. Ma suurtagal baa inaynu si buuxda u fahamno Ilaah iyo wadooyinkiisa? Rooma 11:33
Dadka
badanaa waxay weydiiyaan su’aalo ku saabsan halka uu aduunku ka soo
askunmay. Aduunku sidee buu ku bilowday? Halkeebay wax waliba ka yimaadeen?
Ma waxaa jira mid sameeyey aduunka iyo dadka ku nool, mise wax waliba si
lama filaan ah ayey ku yimaadeen? Sida
dhabta ah, kuwan waa su’aalo muhiim ah. Jawaabaha aad bixinaysid waxay
ku xiran tahay sida aad adigu isaga fikirtid, uga fikirtid kuwa kale, iyo
aduunka aad ku nooshahay. Dhageyso
waxa kitaabka qoduska ah ee Baybalku leeyahay! __________________________________________________________________ 1.
Sideebuu
aduunkeenu ku askunmay ama ku bilowday? Ilaah
ayaa abuuray! “Bilowgii
Ilaah samada iyo dhulkuu abuuray.”
Bilowgii 1:1 2.
Ninkii
iyo haweenaydii ugu horreeyey xaggee ayey ka yimaadeen? Ilaah
ayaa abuuray iyaga. “Oo
Ilaah nin buu ka abuuray araggiisa, Ilaaha araggiisa ayuu ka abuuray isaga;
lab iyo dhaddig ayuu abuuray.” 3.
Waa
maxay mas’uuliyada uu Ilaah siiyey iyaga? Ilaah
wuxuu ku yiri iyaga buuxiya aduunka, oo xukuma wixii ku dul nool oo dhan,
oo daryeela isaga. “Oo
Ilaah waa barakadeeyey iyaga; oo Ilaah wuxuu iyaga ku yidhi, Wax badan
dhala oo tarma, oo dhulka ka buuxsama, oo ka sara mara dhulka, oo xukuma
kalluunka badda, iyo haadda hawada, iyo wax kasta oo nool oo dhulka kor
dhaqdhaqaaqa.”
Bilowgii 1:28 4. Sideebuu ahaa aduunka markii uu Ilaah dhameeyey hawshiisii abuuritaanka? Wax
waliba way wanaagsanaayeen. “Oo
Ilaah wuxuu arkay wax kasta oo uu sameeyey, oo bal eeg, aad bay u
wanaagsanaayeen.”
Bilowgii 1:31b 5.
Ma
wax kala duwanaansho ah ayey keenaysaa haddii aduunkeenu uu abuuray Ilaah
ama uu ku yimid si lama filaan ah? Aduunka
oo idil iyo waxa ku jira gudihiisa oo dhanba waxaa iska leh Ilaah, maxaa
yeelay isaga ayaa abuuray. “Rabbigaa
iska leh dhulka iyo waxa ka buuxa oo dhan, Iyo dunida iyo kuwa degganba.”
Sabuurrada 24:1 6.
Ilaah
sidee buu u arkaa waxyaalaha uu abuuray? Ilaah
wuu daryeelaa aduunkan iyo cid waliba ee ku dhex nool. “Rabbigu
jidadkiisa oo dhan wuu ku qumman yahay, oo shuqulladiisa oo dhanna wuu ku
nimco badan yahay.”
Sabuurrada 145:17 7.
Maxaynu
ugu jawaabnaa Ilaah innaga oo u arkayna isaga sida abuuraheena? Waa
inaynu jeclaanaa, caabudnaa oo aynu sharafnaa isaga. “Waa inaad Rabbiga Ilaahaaga ah ka jeclaataa qalbigaaga oo dhan iyo naftaada oo dhan iyo xooggaaga oo dhan.”
Sharciga Kunoqoshadiisa 6:5
DHICITAANKII
UU BANII-AADANKU KU DHACAY DEMBIGA Kadib
markaynu akhrinay abuuritaankii dunida, waxa dhici karta inaad la yaaban
tahay: Haddii ay wax waliba sidaa u wanaagsanaayeen bilowgii, maxay
sidaasi haddaba u sii jiri weysay? Halkeebay ka yimaadeen silica iyo
murugada iyo dhimashada? Muxuu haddaba aduunka uga jiraa kharaar iyo
nacayb iyo is-fahamla’aan? Maxaa ku dhacay is-waafaqsanaantii oo dhan,
nabaddii iyo faraxii? Jawaabta
uu baybalku ka bixinayo su’aalahaas oo dhan waa mid cad oo fudud.
Jawaabtaas waxa laga sameyn karaa hal jumlo: Wax waliba way is-bedeleen
markii uu banii-aadanku ku dhacay dembiga! 1.
Waa
maxay amarkii uu Ilaah siiyey
dadkii ugu horreeyey ee uu abuuray? Ilaah
waxa uu u sheegay iyaga inaynan cunin miraha geed ku dhex yiilay beertii
Ceeden, halkaasi oo ay iyagu ku noolaayeen! Ilaah
waxa uu yiri, “Geed kasta oo beerta ku yaal wax baad ka cuni kartaa:
laakiin geedka aqoonta wanaagga iyo xumaanta waa inaanad waxba ka cunin:
waayo, maalintii aad wax ka cuntid hubaal waad dhiman doontaa.”
Bilowgii 2:16, 17 2.
Miyey
adeeceen amarkii Ilaah? Maya,
waxay doorteen inay habkooda u noolaadaan intay ku noolaan lahaayeen habka
uu Ilaah doonayo. “Oo
markii naagtii aragtay in geedkii cunto ku wanaagsan yahay, oo indhaha u
roon yahay, oo uu yahay geed loo doonayo in caqli lagu yeesho, ayay midho
ka qaadatay, oo cuntay; ninkeedii la joogayna wax bay ka siisay, oo
isagiina wuu cunay.”
Bilowgii 3:6 3.
Maxaa
dhacay markay ku dembaabeen xagga Ilaah? Dembigoodiii
waxa uu u hogaamiyey silic, xukun iyo dhimasho. Ilaah
wuxuu yidhi, “Maxaa yeelay adigu ……. ka cuntay geedka …… dhulku
waa habaaran yahay adiga aawadaa; maalmaha cimrigaaga oo dhanna dhibaataad
wax kaga cuni doontaa. Qodxan iyo yamaarugna waa kaaga soo bixi doonaan
…….. wejigaagoo dhididsan baad wax cuni doontaa, ilaa aad dhulka ku
noqotid; maxaa yeelay, dhulkaa lagaa qaaday; waayo, ciid baad tahay, ciid
baadna ku noqon doontaa.”
Bilowgii 3:17-19 4.
Laakiin
dembigii ay faleen, sidee ayuu inoo saameeyaa innaga? Mar
markii uu dembigu soo galay aduunka, waxa uu saameeyey qof waliba ee ku
noolaa. “Haddaba
sida dembigu nin keliya dunida ugu soo galay, dhimashaduna dembiga ugu
timid, sidaasaa dhimashadiina u gaadhay dadka oo dhan, waayo, waa la wada
dembaabay.”
Rooma 5:12 5.
Qof
kasta miyuu dembaabay oo uu Ilaah hortiisa ku qirtay? Haa,
mid ka marran ma jiro. “Mid
xaq ahu ma jiro, midnaba”
Rooma 3:10 “Maxaa
yeelay, dhammaan way wada dembaabeen oo gaadhi waayeen ammaanta Ilaah.”
Rooma 3:23 6.
Ilaaha
jacaylka leh miyuu iska indha tiri karaa runta ku saabsan in
dhammaanteenuba aynu wada dembaabnay? Maya,
inkasta oo uu Ilaah nimco iyo naxariis leeyahay, haddana sidoo kale waa
caadil. Ilaah marnaba ogolaan maayo in dembiga la iska hilmaamo oo aan la
abaal marin. “Rabbigu
cadho waa u gaabiyaa, oo waa naxariis badan yahay, oo xumaanta iyo
xadgudubka wuu dhaafaa, oo sinaba uma caddeeyo in
Tirintii 14:18b Markii
ay dadkii ugu horreeyey dembaabeen iyagoo jooga beerta Ceeden, waxaa
gashay cabsi oo waxay isku dayeen inay iska qariyaan Ilaah. Laakiin Ilaah,
jacaylkiisa aawadeed, wuu soo qabtay, oo wuxuu bilaabay inuu iyagii dib
ula hadlo. Ilaah
wuxuu u sheegay iyaga in mar walibaba la ciqaabi doono dembigooda
la’ajligiis, laakiin sidoo kale waxa uu u keenay fariin rajo leh. Iyaga
noloshooda kuma dambeyn doonto dhimasho, silac iyo xanuun. Uma baahna inay
ku noolaadaan rajo xumo! Ilaah wuxuu ballan qaaday in maalin uun qof iman
doono dunida kaas oo si ammaan leh uga guulaysan doono dembiga iyo
dhimashada! Inkasta
oo aanay si buuxda u fahmin wakhtigaa iyada ah, qofkaasi Ilaah ballan
qaaday waa Ciise Masiix. Ciise weeye Akhri
sheekada Ciise adigoo si taxadar leh uga fikiraya, oo baro sababta ay dad
badani ee ku nool aduunka ugu arkaan isaga inuu yahay qofkii ugu
cajaa’ibka badnaa ee dunida soo mara. 1.
Waa ayo Ciise Masiix? Ciise
Masiix waa wiilka Ilaah ee daa’imka ah. “Oo
isagu waa dhalaalka ammaantiisa iyo u-ekaanta ahaantiisa, oo wax walba
wuxuu ku hayaa erayga xooggiisa.”
Cibraaniyada 1:3b 2.
Waa maxay sababta uu Ilaah ugu soo diray Wiilkiisa dunida? Ilaah
wuxuu dunida u soo diray Ciise si aynu isaga xaggiisa ugu lahaano nolosha
daa’imka ah. “Ilaah
intuu dunida jacayl u qabay ayuu siiyey wiilkiisa keliya oo dhashay in mid
kastoo isaga rumaystaa uusan lumin laakiinse uu lahaado nolosha weligeed
ah.”
Yooxanaa 3:16 3.
Sidee ayuu Ciise ku yimid aduunkeenan? Ciise
waxa uu ka dhashay Maryantii Yahuuda ee bikrada ahayd sida canug
banii-aadan. “Bishii
lixaad Ilaah baa malaa’ig Jibriil u soo diray ………gabadh bikrad ah
oo la odhan jiray Maryan. Malaa’igtii waxay ku tiri Maryan, ‘Waad
uureysan doontaa, oo wiil baad umuli doontaa, magaciisana waxaad u bixin
doontaa Ciise!’”
Luukos 1:26,27,31 4.
Waa ayo aabaha Ciise? Ciise
waxa uu ku uur galay xagga Ilaah ee Ruuxa Qoduska ah. “Kolkii
hooyadiis Maryan u doonanayd Yuusuf, intaanay isu iman, waxaa la arkay
iyadoo Ruuxa Qoduuskaa ka uureysatay.”
Mataayos 1:18t 5.
Miyuu farxay aduunka badankiis markii uu Ciise dhashay? Maya,
Ciise waxa uu ku dhashay tuulo yar oo ay xaaladeedu aad u degan tahay. “Maalmihii
ay umuli lahayd way dhammaadeen, waxayna
umushay wiilkeedii curadka ahaa, markaasay maro ku duudduubtay oo qabaal
ku jiifisay, waayo, meel ay ku hoydaan ayay hodheelkii ka waayeen.”
Luukos 2:6t,7 (Waxaad
sheekada ku saabsan dhalashada Ciise ka akhrisaa Mataayos 1:18-25 iyo
Luukos2:1-20) 6.
Maxaa loogu bixiyey magaca Ciise? Maxaa
yeelay magaca Ciise micnihiisu waxa weeye “Badbaadiye.” Ciise waxa uu
u yimid inuu dadkiisa ka badbaadiyo dembiyadooda. Malaa’igtii
waxay tiri, “magiciisana waxaad u bixin doontaa Ciise, waayo, dadkiisa
ayuu dembiyadooda ka badbaadin doonaa.”
Mataayos 1:21b 7.
Waa maxay waxa uu Ciise sameeyey markii uu joogay dhulka? Ciise
waxa uu ku wareegayey magaalooyinka Israa’iil isaga oo wax baraya,
wacdinaya, bogsiinaya kuwa buka, saaraya jinniyada, cafinaya dembiyada iyo
isaga oo caawinaya kuwa baahan. “Ciise
wuxuu ku wareegay magaalooyinka iyo tuulooyinka oo dhan, oo sunagogyadooda
ayuu wax ku barayay, oo injiilka boqortooyadii ku wacdiyeyey, oo bugto
walba iyo cudur walba ayuu bogsiinayey.”
Mataayos 9:35 “Jinniyona
dad badan ayay ka soo baxeen, iyagoo qaylinaya oo leh, ‘Adigu waxaad
tahay Wiilka Ilaah!’”
Luukos 4:41b Qof
towbadkeenay ayuu Ciise ku yidhi, “Dembiyadaadii
waa cafiyan yihiin.”
Luukos 7:48 8.
Sidee ayey dadkii uga jawaabeen mucjisooyinkii iyo baritaankii Ciise? Dadka
badankii way tacajabeen, kuwa badana isaga ayey rumeeyeen. “Dad
badan ayaa magaciisa rumaystay markay arkeen calaamooyinkuu sameeyey.”
Yooxanaa 2:23 (
Waxaad akhrisaa afarta Injiil ee Mataayos, Maarkos, Luukos iyo Yooxanaa oo
si aad ah uga hadlaya dhacdooyinka nolosha Ciise.) 9.
Qof kastaa oo arkay mucjisooyinka Ciise ama maqlay isaga oo hadlaya
miyuu rumeeyey? Maya,
Ciise waxaa diiday madaxdii Yahuuda oo ka maseyrsanaa isaga. Waxay u gacan
geliyeen isaga taliyihii Roomaanka si isaga loo dilo. “Wadaaddadii
sare iyo waayeeladii dadka oo dhan ayaa Ciise wax ka gees ah ka wada
hadlay si ay u dilaan. Markaasay xidheen oo kaxeeyeen, oo waxay u dhiibeen
taliyihii Bilaatos ahaa.”
Mataayos 27:1,2 “[Bilaatos]
wuxuu ogaa inay xaasidnimo ugu soo dhiibeen”
Mataayos 27:18 10.
Sidee ayuu Ciise u dhintay? Ciise
waxaa ku majaajilooday oo jirdil ku sameeyey askartii Roomaanka kadibna
waxaa lagu qodbay iskutallaabta meel dibada ka ah caasimada Yeruusaalem. “Markaasaa
askartii …….. waxay u geliyeen dhar guduudan, oo taaj ayay qodxan uga
texeen, oo madaxiisay saareen. Markaasay salaameen oo waxay ku yidhaahdeen,
‘Nabad, Boqorka Yahuudow!’ Madaxana ayay cawsduur kaga dhufteen, oo
wayna ku candhuufeen, oo u jilba joogsadeen, oo u sujuudeen. Goortay ku
majaajiloodeen dabadeed ayay dharkii guduudnaa ka qaadeen oo dharkiisii
bay u geliyeen, markaasay wadeen in iskutallaabta lagu qodbo.”
Maarkos 15:16-20 (Si
aad u ogaatid dhacdooyinka ku saabsan dhimmashada Masiixa, waxaad akhrisaa
Mataayos 26&27, Maarkos 14&15, Luukos 22&23 iyo Yooxanaa
18&19) 11.
Ciise ma waxaa loogu qodbay iskutallaabta khalad uu sameeyay awgiis? Maya,
dhabtii Ciise waxa uu ku noolaa nolol aan iin lahayn. “Isagu
ma uu dembaabin, khiyaanona afkiisa lagama helin. Oo isagu markii la
caayay, dadkii caayay cay uma uu celin. Markuu xanuunsadayna ninna ma uu
cabsiin, laakiinse wuxuu isu dhiibay 12.
Maxaa ku dhacay jirkii Ciise kadib markii uu dhintay? Jirkii
Ciise si uu jacayl ku jiro waxaa u duugay nin taajir ah oo la “Yuusuf
goortuu meydkii qaaday ayuu kafan nadiif ah ku duudduubay, oo wuxuu
geliyey xabaashiisii cusbayd, tan uu dhagax ka qoday, oo xabaashii
afkeedii wuxuu ku soo giringiriyey dhagax weyn, wuuna ka tegey.”
Mataayos 27: 59,60 13.
Jirkii Ciise ma wuxuu ku sii jiri doonay qabriga? Maya,
saddex beri kadib Ciise wuu sare kacay. “Isaga
Ilaah baa sare kiciyey, oo ka furfuray xanuunkii dhimashada, maxaa yeelay,
dhimashadu ma xajin Karin.”
Falimaha Rasuullada 2:24 (Baybalka
waxa uu qorayaa qisada sarakicida Ciise xagga Injiilka Mataayos 28:1-10,
Maarkos 16:1-8, Luukos 24:1-49 iyo Yooxanaa20&21) 14.
Muxuu sameeyey Ciise kadib markii uu ka sare kacay dhimashada? Afartan
maalmood ayuu dhulka sii joogay si kuwii isaga raacsanaa uu ugu muujiyo
inuu nool yahay. “Markuu
xanuunsaday dabadeed, iyagii ayuu isagoo nool waxyaalo badan oo la hubo
isugu muujiyey, oo mudo afartan maalmood ah ayuu iyagii u muuqday, oo kala
hadlay waxyaalaha ku saabsan boqortooyada Ilaah.”
Falimaha Rasuullada 1:3 15.
Afartankaa maalmood kadib maxaa dhacay? Ciise
wuxuu ku laabtay samada halkaasoo uu haddeer ka xukumayo wax waliba ee ku
jira samada iyo dhulka. “Waxaa
dhacay intuu barakadaynayay inuu ka tegey, oo waxaa kor loogu qaaday
samada.”
Luukos 24:51 “[Ilaah]
wuxuu fadhiisiiyey meelaha jannada xagga midigtiisa. Oo wuxuu isaga ka
sarreeysiiyey madax kasta, iyo amar kasta, iyo xoog kasta iyo sayidnimo
kasta.”
Efesos 1:20t,21b 16.
Haddeer Ciise muxuu sameynayaa? Ciise
innaga ayuu inoo duceynayaa oo uu inoo diyaarinayaa meel. “[Ciise]
wuxuu galay jannada qudheeda inuu hadda Ilaah hortiisa inooga muuqdo.”
Cibraaniyada 9:24t Ciise
waxa uu yiri, “Guriga Aabahay wuxuu leeyahay hoyaal badan. …….
waxaan u tegayaa inaan meel idiin sii diyaariyo.”
Yooxanaa 14:2 17.
Ciise miyuu sii joogi doonaa jannada? Maya,
maalin maalmaha ka mid ah waxa uu haddana ku soo laabanayaa aduunka, oo
isaga ayaa inna wadanaya. Ciise
wuxuu yidhi, “Oo haddaan tago oo meel idiin diyaariyo, mar dambe waan
soo noqon doonaa, oo xaggaygaan idiin qaadan doonaa, in meeshaan joogo,
idinkuna aad joogtaan.”
Yooxanaa 14:3 (Warar
dheeraad ah oo ku saabsan dib u soo laabashada Ciise, waxaad eegtaa
baallalka ?-?) Kadib
markaad akhriday sheekada cajaa’ibka leh ee Ciise, weli waxaa dhici
karta inay kuu kala cadayn waxa Ciise sameeyey. Ciise waxaa loogu yeedhay
badbaadiye, laakiin aduunku weli waxa uu u muuqdaa mid lumay. Silic iyo
murugo ayaa dhooban, dadkuna sidii ay weligoodba u dhiman jireen ayey u
dhimanayaan. Xitaa aduunka dabiiciga ah ee innagu wareegsan waxaa ka
muuqata jajab iyo qurun. Marka la eego siyaabo badan, nolosha intii ay sii
wanaagsanaan lahayd way sii xumaani haysaa. Tani waa maxay micnaheedu
marka la leeyahay “Ciise waa badbaadiyaa”? Adiga
oo leh qalbi rumeysad, akhri waxa Baybalku leeyahay! 1.
Sida dhabta ah maxaa loola jeedaa marka la leeyahay qofku wuu “badbaaday”? Marka
aad badbaadid waxa aad noqonaysaa canuga Ilaah, dembiyadaadii oo dhan waa
lagaa cafinayaa, oo waxa aad helaysaa nolosha weligeed ah. “Laakiin
in alla intii aqbashay, wuxuu siiyey amar ay carruurtii Ilaah ku noqdaan,
kuwaasu waa kuwii magiciisa rumaystay.”
Yooxanaa 1:12 2.
Laakiin maadaama Ilaah laftiisu uu yiri mishaarka dembigu waa dhimasho,
sidee ayuu innooga nadiifin karaa dembiga isaga oo aan ina ciqaabin? Ciise
ayaa booskeenii u dhintay. Isaga ayaa dusha u dhigtay ciqaabtii aynu u
qalanay oo dhan. “Laakiinse
waxaa isaga loo dhaawacay xadgudubyadeenna, waxaana loo nabareeyey
xumaatooyinkeenna, edbintii nabaadiinadeennana dushiisay ku dhacday,
dildillaaciisana waynu ku bogsannay ……… Rabbigu wuxuu isaga dul
saaray xumaanteenna oo dhan.”
Ishacyaah 53:5,6 3.
Sidda dhabta ah Ilaah miyuu doonayaa inuu dembiyadeena oo dhan inoo wada
cafiyo? Haa,
mid waliba! “Inkastoo
ay dembiyadiinnu guduudan yihiin, sida baraf cad oo kalay u cadaan doonaan,
oo in kastoo ay cascas yihiin, sida suuf oo kalay ahaan doonaan.”
Ishacyaah 1:18t 4.
Maxaa la innaga doonayaa inaynu sameyno si aynu ku helno badbaadadan
cajaa’ibka leh? Waa
inaynu ka toobad keenaa dembiyadeena oo aynu rumeynaa in Ciise innaga inoo
dhintay. “Haddaba
toobad keena oo soo noqda, si dembiyadiina loo tirtiro, si ay wakhtiyo
qabowjis lihii uga yimaadaan Rabbiga hortiisa.”
Falimaha Rasuullada 3:19 5.
Miyeynu ku heli karin badbaadada innaga oo isku jarribna innaynu ku
noolaano nolol wanaagsan? Maya,
waxaynu ku badbaadnaa nimcada Ilaah, (daryeelkiisa aan qiyaasta lahayn iyo
jacaylka), laakiin ma ahan xagga dadaalkeenna. “Waayo,
idinku waxaad ku badbaadeen nimco xagga rumaysadka, mana aha wax xaggiina
ka yimid, laakiinse waa hadiyadda Ilaah, mana aha xagga shuqullada
wanaagsan aawadood oo Ilaah hore ugu diyaariyey inaynu ku soconno.” 6.
Miyey jirtaa hab kale oo lagu badbaado oo aan ka ahayn Ma
jiro hab kale. Ciise
wuxuu yiri, “Anigu waxaan ahay jidka iyo runta iyo nolosha. Ninna Aabaha
uma yimaado, xaggayguu ku yimaado maahee.”
Yooxanaa 14:6 7.
Waa maxay ballan qaadka weyn ee la siiyey cid waliba ee rumeysa Ciise? Qof
kasta oo si dhab ah u rumeeya waxa uu helayaa hadiyada nolosha waligeed
ah. Mar dambe kuma hoos jirayo xukunka dhimashada. Ciise
waxa uu yiri, “Runtii, runtii , waxaan idinku
leeyahay, Kii hadalkayga maqla oo rumaysta kii i soo diray, wuxuu leeyahay
nolosha weligeed ah, xukunna geli mayo, laakiin dhimashadii ayuu ka soo
gudbay oo nolosha u soo gudbay.” 8.
Goormaa ayey bilaabataa nolosha weligeed ah? Nolosha
cusub ee Masiixa waxay bilaabataa isla marka uu qofka rumeeyo. Ciise
wuxuu yiri, “Runtii, runtii , waxaan idinku leeyahay, Kii I rumaystaa,
wuxuu leeyahay nolosha weligeed ah.”
Yooxanaa 6:47 9.
Maxaa ku dhacaya kuwa aan rumaysan? Kuwa
aan rumaysan waxay ku sii noolaan doonaan ama ku sii hoos jiri doonaan
xukunka Ilaah oo si daa’im ah ayey u lumi doonaan. “Kii
isaga rumaystaa ma xukumna, laakiinse kii aan isaga rumaysan, hore ayaa
loo xukumay, maxaa yeelay, wuxuusan rumaysan magaca Wiilka Ilaah oo keliya
oo dhashay.”
Yooxanaa 3:18 10.
Miyey muhiimad ballaaran inoo leedahay inaynu rumaysadka aan ku qabno
Masiixa ka qiranno dadka hortooda? Haa. “Maxaa
yeelay, haddaad afka ka qiratid in Ciise yahay Rabbiga, oo aad qalbiga ka
rumaysatid in Ilaah isaga ka sara kiciyey kuwii dhintay, waad badbaadi
doontaa, waayo, qalbiga wax baa laga rumaystaa xagga xaqnimada, afkana wax
baa laga qirtaa xagga badbaadinta?
Rooma 10:9,10 11.
Rumaystayaashu
miyey xaqiiqsan karaan inay leeyihiin nolosha weligeed
ah?
Haa,
si aan shaki ku jirin.
“Waxyaalahan
waxaan idiinku soo qoray, idinka soo rumaystay magaca Wiilka Ilaah, si aad
u ogaataan inaad nolosha weligeed ah leedihiin.”
Yooxanaha Koowaad 5:13 12.
Maxaa
ku dhacaya rumaystayaasha markay dhintaan? Rumaystayaasha
isla markiiba waxaa loo qaadayaa xaadirnimada Masiixa. “Waayo,
aniga waxaa nolosha ii ah Masiixa, oo dhimashaduna waa ii faa’iido……
oo waxaan jecelahay inaan tago oo Masiixa la joogo, waayo, taasu aad bay
iigu roon tahay.”
Filiboy 1:21,23 13.
Maxaa
ku dhacaya jirka rumaystayaasha ee dhinta? Mar
kale ayey ammaan ku sara kacayaan marka uu Ciise ku soo laabto aduunka. “Sayid
Ciise Masiix …… wuxuu beddeli doonaa jidhkeenna liita inuu u ekaado
jidhkiisa ammaanta leh.”
Filiboy 3:20,21 14.
Waxyaalaha
kale ee uu Ilaah abuuray miyey badbaadada Ciise uu
keenay ka qayb qaadanayaan? Haa,
markuu Ciise soo laabto haddana, wax kasta oo hore loo abuuray dib ayaa
loo soo cusboonaysiinayaa. “Taasoo la rajeynayo in uunka qudhiisana laga xorayn doono addoonnimada qudhunka ah oo la gelin doono xorriyadda ammaanta carruurta Ilaah.”
Rooma 8:21 KU
NOOLAANSHAHA NOLOSHA MASIIXINIMADA Dad
badan ayaa u hanqal taagaya inay aqbalaan badbaadada uu Ciise bixiyo,
laakiin waxay su’aalo badan ka qabaan habka ay ugu noolaanayaan nolosha
Masiixinimada. Qaar doonaya inay ku noolaadaan nolosha Masiixinimada,
waxay la yaabaan inay awoodi karaan. Qaarkood ma hubaan inay awoodi
doonaan inay sameyn karaan waxyaalaha uu Ciise ka doonayo inay sameeyaan
oo dhan. Weli qaar ayaa waxay Masiixinnimada u arkaan inay tahay diin ku
salaysan samee ama ha sameynin, oo waxay ka baqayaan haddii ay Masiixi
noqdaan in farxadii noloshooda oo dhan ay dhumayso. Maxaa
loola jeedaa in lagu noolaado hab Masiixinimo? Qof miyuu ku noolaan karaa
nolol ka farxisa Ilaah? Masiixinimadu miyay farxada ka qaadaa nolosha? Akhri
waxa Baybalku leeyahay ee ku saabsan barakada iyo imtixaanka ay leedahay
in loo noolaado sida mid raacsan Masiixa labaduba. 1.
Taxaddi noocee ah ayuu Ciise siiyey kuwa doonaya inay raacaan isaga? Ciise
wuxuu ku taxaddiyey iyaga inay raali ka noqdaan inay wax waliba daraadiis
uga tagaan – xitaa nafsadooda! Ciise
wuxuu yiri, “Mid uun hadduu doonayo inuu iga daba yimaado , ha is-inkiro,
iskutallaabtiisana ha soo qaato oo ha i soo raaco. Kan doonaya inuu
naftiisa badbaadiyo, waa lumin doonaa, laakiin kan naftiisa u lumiya
aawaday iyo injiilka aawadii, kaasaa badbaadin doona.”
Markos 8:34,35 |