![]() |
|
MAXAA
IGU WAAJIB AH INAAN YEELO INAAN KU BADBAADO? |
Masiixa wuxuu inaga furtay inkaartii sharciga, isagoo inkaar inoo noqday, waayo, waxaa qoran, Mid kasta oo geed ka soo deldelanu wuu inkaaran yahay, inay barakadii Ibraahim quruumaha ugu timaado Ciise Masiix; inaynu ballankii Ruuxa ku helno rumaysad (Galatiya 3:13-14) |
|
Qof
kastoo Af Soomali yaqaan wuu fahmi karaa. Inkastoo aad Kitaabka
(Baybalka) haysan aayadaha waa la soo wada qoray si aad toos uga
akhrisatid. Arimaha buugan ku qoran waa kuwa ay dad badan ku wareersan
yihiin. Waxyaalaha
buugan ku jiraan waxay u kala baxayaan toddoba qaybood oo ay ka mid yihiin,
1.
Hordhaca
2.
Nolosha
3.
Dhimashada
4.
Wanka
Ilaah 5.
Shakiga
7.
Gebagebada
1.
Horudhaca Buugan
waxaan ka arkaynaa sheeko la yaab leh tan ah midda dunida oo dhan siisay
wax ay ka hadasho. Dood weyn ayaa ka taagan badbaadada nolosha weligeed ah
lagu heli karo taa oo ah mid taarikh leh. Sheekaduna waa tan ku saabsan ka
soo noolashada dhimasha taa uu qof kale ka soo noolan Ciise Masiix
mooyaane. Haddii aysan jiri lahayn arinta sara kaca waxaan u malaynaya
inaysan maanta jiri lahayn wax dood ah oo ka jiri lahayd sara kaca Ciise
laakiin dhabtii wax unbaa ka jiraa. Laba kun oo sanadood ka hore ayuu
ficilkani dhacay sida Kitaabka qoduuska ah iyo taarikhaha ay sheegayaan
laakiin ilaa maantadan waa sheeko aad u sii cusub oo waxaad u malaysaa wax
maanta dhacay. Midda kale oo aan yara taabanayana waxay tahay in runtii uu
dhiigga qayma leeyahay laakiin ma ahan dhiig walba laakiin dhiigga uu
Ciise Masiix iskutallaabta ku daadshay inuu ugu qaalisan yahay oo weliba
gebagebaynaya dhiiggagga kale oo ay baniaadmiga qaymayeen oo maantaba ay
kuwa qaar ay weli sii qaymaynayaan. Haddii ay arinta iyada ah wax su'aal
ah ay kaaga jirto sida uu dhiigga Ciise qayma u leeyahay waxaan kaa
codsanayaa inaad buugan qumaati u akhrisatid oo weliba aayadaha Kitaabka
qoduuska ah adiga oo Ruuxa qoduuska ah ka codsanaysid inuu dhabta arinta
kaa dhaadiciyo waayo, waa tiirka wax kasta oo nolosha Masixiinta ku
saabsan oo su'aal kasta oo aad ka qabtidna maanta waxaad kala xiriiri
kartaa Kitaabka qoduuska ah oo wixii fafaahin u baahanna kala tasho
Masixiinta nolosha iyada ah ku nool oo Kitaabka qoduuska ah aaminsan oo
weliba sida saxda ah u fasiraan. Qoraalada
inta badani way ogol yihiin in arintani ay dhacday laakiin kuwa qoraalada
ka mid ah waxay xoogga sii saareen Qoduusnimada Ciise Masiix oo waxay
leeyihiin ninka saa qoduus u ahaa Ilaah uma uusan quurteen in
iskutallaabta lagu dilo maxaa yeelay haddii aan taarikhda iskutallaabta
dib u eegno runti dadka iskutalaabta lagu dili jiray waa kuwa dembi 'aad u
weyn oo aan cafis lahayn' sameeyeen oo dadka silec baa lagu dili jiray
maxaa yeelay iskutallaabta si tartiib ah baa loogu dhiman jiray oo waxay
ahayd wax loogu talagalay inay dadka dembiga noocas ah sameeyo ay habkaas
sileca ah ku dhintaan. Marka waxay leeyihiin Ciise ma ahan Badbaadada
waa mid dunida oo dhan ay doondoonayso si ay u hesho nolol weligeed ah taa
oo ay dadka dunidan ku nool ay intooda badan ay weli helin habka ama Baniaadmigu
way isku deyeen si kastaba si ay dembiga uga badbaadaan laakiin waxaan u
malaynayaa in mid kastaba uu dadaalkiisa gaari doono meel ay wax dheef ah
ka soo socon oo uu is weydin doono su'aasha uu ninkaan wediyey (Falimaha
Rasuullada 16:30). Tanna waxay dhacdaa uun markuu qofka Ilaah iisu dhiibo
si uu u siiyo xigmada lagu garto waxa baniaadmi kasta waajib ku ah inuu
rumasyto inuu ku badbaado laakiin ma jiro qof iskiisa u fahmi karo
waxyaalaha Ilaah inooga baahan yahay. Laakiin horta waa inaad adigu
naftaadu is ogaataa inaad tahay qof lunsan ama mid dhabtii badbaado u
baahan. Nin baa mar qasiiddo qaaday oo ku saabsan inuu ogaaday inuu yahay
mid xagga xaalka iyo maalkaba ka lusan oo badbaado u baahan qasiidadana
waxaa lagu magacaabay 'waa inaan badbaado helaa' waana tan, Ø
Baadi lunsan
baan ehee, waa inaan badbaado helaa Ø
Barbaar buka
baan ehee, waa inaan bogsiin helaa Ø
Baraar baxsadaan
ehee, waa inaan bixiye helaa Qof kasta
maanta wuxuu leeyahay, baadi lunsan baan ahay oo waa inaan badbaado helaa
de badbaadadanu xagee bay ka imaanaysaa? Haddii ay erayadaa qasiidadan ay
adigu naftaada kuu noqon karaan nolosha aad ku jirtid Ilaahna diyaar buu u
yahay inuu ku siiyo 2.
Nolosha Haddii
aan sisku deyno inaan macnayno erayga nolol, waxaan ka fekeri karnaa
xaaladda marka qofka ama neefka ay naf ku jirto oo mar alla markii uu
qofka dhinto ama ay nafta ka baxdana waxaan odhan karnaa xaaladdaasi
dhimasho taa oo aan gadaal dambe kaga hadli doono. Haddii aan nolosha
caadiga ah ka eegno nolosha waxaa lala barbar dhigay dhiigga xaywaanka
sida qoran, "Waayo, jidhka noloshiisii waxay ku dhex jirtaa dhiigga;
oo anna waxaan meesha allabariga dusheeda idiinku siiyey in nafiihiinna
loogu kafaaro gudo, waayo, waa dhiigga waxa loogu kafaaro gudaa nolosha
daraaddeed. Haddaba sidaas daraaddeed waxaan reer binu israa'iil ku idhi,
Qof idinka mid ahu waa inuusan dhiig cunin, oo shiisheeyaha idin dhex
degganuna waa inuusan dhiig cunin. Oo nin alla ninkii ka mid ah reer binu
Israa'iil ama shisheeyayaasha dhexdoo degan hadduu ugaadhsasho ku helo
neef amase haad ugaadh ah oo la cuno, waa inuu dhiiggiisa daadiyaa oo ciid
ku daboolaa. Waayo, jiidh kastaba naftiisa iyo dhiiggiisu waa isku mid
qudha, oo sidaas daraaddeed ayaan reer binu Israa'iil ku idhi, waa
inaydaan jiidhnaba dhiiggiisa cunin cayn kasta uu yahayba, waayo, jiidh
kastaba noloshiisu waa dhiiggiisa, oo qof alla qofkii dhiig cunaba waa la
gooyn doonaa." (Laawiyiintii 17:11-14). Miyaad fahamtay qaymaha uu
dhiigga ka leeyahay xagga nafta? Ma ogtahay inay nolol jirin haduu dhiig
jirin? Haddii dhiig la daadiyana naf baa baxaysaa. "jidhka
noloshiisii waxay ku dhex jirtaa dhiigga… waa dhiigga waxa loogu
kafaaro gudaa nolosha daraaddeed" "Laakiinse
waxaa keliyahood hubsataan inaydaan dhiigga cunin, waayo, dhiiggu waa
nolosha, haddaba waa inaydaan cunin hilibka noloshiisu la jirto." (Sharciga
Kunoqoshadiisa 12:23) Hadduu dhiig jiro dhabtii nolol baa jirtaa. Haddii
aad dhiigga daadisid ogaanteeda lahaw waxaad daadinaysaa nolol. Ciise
jacayl uu noo qabay ayuu dhiiggiisa u daadshay si aan noloshaas daadatay
ay noogu dul roobto, waayo, dhiiggiisa kor buu iskutaalaabta uga soo
daatay oo dhulkuu ku soo daatay si aan noloshiisa u helno oo runtii
hadduusan dhiiggiisa daadin lahayn wax rajo ah oo aan lahaan lahayn ma
jirteen inaba. Dhiigga Masiixa dhul kuma hoorin laakiin wuxuu ku hooray
baniaadmiga oo dhan waayo, nolosha dhiiggeena ku jirtaa waa mid dhamaan
doonto laakiin tan dhiiggiisa ku jirtaa waa mid daa’imi ah waayo, isagu
aasaas ma uusan lahayn oo isla sidaana dhamaad ma lahaan doono. Waxaa
kale oo la aaminsanaa in dhiigga xawlaha uu yahay ama uu ahaani jiray mid
dedaa dembiga laga galay Ilaah amaba qof kale ama umad kale laga galay.
Laawiyiintii 16:14-19 waxaa dhigan, "oo isagu waa inuu qaadaa dhiggii
debiga qaarkiis, oo fartiisa ha kula saydhsaydho daboolka dhankiisa Dhiiggan
kafaaragudka laga dhiganayo ama loo aaminsanyahay inuu kafaaragud gelayo
wax su'aal ah miyaad ka qabtaa? Haddii aan ku idhaahdo Ciise Masiix ayaa
fuliyey oo dhiigga ugu dambeyey daadiyey si aan neef dambe loo gawricin
maxay kula tahay? Hase yeeshee, arinta in dhiigga Ciise uu kulli ka wada
qaalisan yahay waxaan kaga hadlaya gadaal dambe.
Dhiigga
neefka kafaaragudka loo bixinayo waxaa loo bixiyey in Miyaad is
weydisay sababta ay dadkaan iisu dhibayaan oo ay xayawaanka u dhamaynayaan
iyagoo dhiigga ka daadinayaan? Haddaadan su'aashan weli is weydinin bal
hadda is weydii. Sababta neefafka loo gowracayo waa in kafaaragud lagu
helo. Sababta ugu weyn waxay tahay dadka inay helaan nolol maxaa yeelay,
way ogyihiin in dembigu uu dhimasho keenayo marka waxaa laysku deyayaa hab
kasta oo badbaado lagu helo taa oo ay ku soo koobeen dhig daadiska.
Aayadda aan kor ka soo akhrinayna waxay inoo cadaynaysaa in runtii uu
dhiig dibi ama orgi ama neef kasta uu ahaadaba uu dembi dhaaf keeneynin.
De waa qasab inuu jiro hab kale oo qaali ah waana rumaysadka Ciise Masiix
la rumaysto inuu noqday wanka Ilaah oo dhiggiisa qaaliga ah u bixiyey
baniaadmiga hab dembi dhaaf doondoonka ah. Ciise Masiixa ayaa ah
badbaadada keliya sida qoran, "Waayo, waxaa inoo dhashay ilmo, waxaa
layna siiyey wiil, oo boqornimadu garbihiisay saarmi doontaa, oo
magiciisana waxaa loo bixin doonaa kan yaabka leh, iyo lataliye, iyo
Ilaaha Xoogga leh, iyo Aabbaha Daa'imka ah, iyo amiirka Nabadda." (Ishacyaah
9:6) Si kastoo layskuugu deyo in badbaado lagu keeno runti haduusan Ciise
Masiix saldhig ka ahayn, wax baniaadmiga suurta gal u noqonayaan ma jiraan. "…ma
suurtowdo in dibiyo iyo orgiyo dhiiggoodu dembiyo qaado…" Ilaah
wuxuu nolosha baniaadmiga ka doonayaa inay noqoto mid isaga caabuddaa
waayo, waa isaga Nolosha
ma ahan wax lacag ama wax la taaban karo lagu iibsanayo laakiin waa
hadiyad uu Ilaah noo bixiyey anaga dembiilayaasha ah oo mid alla kii
ogolaado inuu hadiyaddan qaato ayaa ka faa'idi karo nolosha uu Ilaah na
siiyey waayo, waxba nooma tarayso haddii aan nidhaahno Ilaah nolol buu noo
bixiyey oo aanan qaadan noloshas maxaa yeelay, hadiyadda waa wax markii
lagu siiyo ay waajib kuugu tahay inaad qaadatid si loo ogaago inaad
ogolaatay oo noloshas haddii aad doonaysid inaad ogaatid inay hadiyadda
tahay wax uu Ilaah bixiyey. Rooma 6:22,23 waxaa qoran,
"Laakiin haatan idinkoo dembi laydinka xoreeyey oo aad
addoomadii Ilaah noqoteen, waxaad midho ku haysataan qoduusnaanta, oo ugu
dambaysteeduna waa nolosha weligeed ah. Waayo, mushahaaradda dembigu waa
dhimashada, laakiinse hadiyadda Ilaah waa nolosha weligeed ah ee laga helo
Rabbigeenna Ciise Masiix" Waxaan erayga Ilaah ka aragnay in
mushahaaradda dembigu yahay dhimasho taa oo haatan ii fasaxayso inaan
taabto wax ku saabsan waxa uu yahay dembiga iyo waxyaalo dembiga la raadka
ah. Hadduuba xarbigaan oo dhan yahay sida looga fakan lahaa dhimashada waa
wax la yaab leh oo haatan baniaadmiga waxaan odhan karnaa way dadaaleen
intii tabartooda ah. Laakiin weli wax baa qabyo ka ah oo lama gaarin heer
uu baniaadmiga yidhaahdo waan qancay oo dembiyadayda waa lay cafiyey oo
Ilaah waan la joogi doonaa jannada. Waayahay e bal aan aragno shayga ah
dhimashada oo ay dadka aad uga baqayaan oo ay ogyihiin haddii ay dembi ku
dhintaan inay naarta geli doonaan oo ay weligood ololka dabka naarta ku
jiri doonaan. 3.
Dhimashada "Masiixa wuxuu inaga furtay inkaartii sharciga, isagoo
inkaar inoo noqday, waayo, waxaa qoran, Mid kasta oo geed ka soo deldelanu
wuu inkaaran yahay, inay barakadii Ibraahim quruumaha ugu timaado Ciise
Masiix; inaynu ballankii Ruuxa ku helno rumaysad” (Galatiya 3:13-14)
Waxaan aayadaan u soo qabtay inay kuwa iswedinayaan maxay tahay sababta uu
Masiixa u dhintay ay jawaabteeda helaan. Haddii
aad qumaati u soo akhrisay arinta macnaynta nolosha ku saabsan waad
xusuusataa ayaan u malayn inaan idhi nolosha waxaa keliya oo ay ku jirtaa
wax alla wixii dhiig qaba oo wax alla wixii dhiigga laga daadsho waa wax
dhintay marka haddii aan nidhaahno dhimashada waa dhiig la'aanta oo weliba
waa la'aanta dhiigga Masiixa uu dadkiisa u daadshay ma qalad baa? Waxa
kale oo aan dhimashada ku macnayn karno waxay tahay la'aanta neefta iyo
nolosha taa oo wax alla wixii nool ka dhigayso wax dhadhaqaaqa oo dhalaa
oo weliba xiriir la yeeshaa kuwa kale. Aasaaska
dhimashada wuxuu dunida oo dhan ka soo galay gefkii ay Aadan iyo Xaawo ka
galeen Ilaah sida qoran, "Rabbiga Ilaah ahuna wuxuu ninkii ku amray
isagoo leh, Geed kasta oo beerta ku yaal wax baad ka cuni kartaa: laakiin
geedka aqoonta wanaagga iyo xumaanta waa inaanad waxba ka cunin: waayo,
maalintii aad wax ka cuntid hubaal waad dhiman doontaa."
Dhimashada aan halkan ka arkayno oo uu Ilaah kula hadlay Aadan waa midda
xagga ruuxa oo ma ahan midda aan kuligeen u malaynayno oo ku saabsan
neefta qofka ka baxayso Ruux ahaanteedana waa xiriirka uu Ilaah la lahaa
ayey ahayd inuu sii jiri doonin maxaa yeelay, durbaba wuu jebiyey balanta
Ilaah oo haddii aan akhrino Bilowgii 3:1-6 waxaa qoran, "…oo markii
naagtii aragtay in geedkii cunto ku wanaagsan yahay, oo indhaha u roon
yahay, oo uu yahay geed loo doonayo in caqli lagu yeesho, ayay midho ka
qaadata, oo cuntay; ninkeedii la joogayna wax bay ka siisay, oo isagina
wuu cunay." (Bilowgii 2:16-17) Sheekadan waa sheeko aad u dheer oo
waxaad ka sii akhrisan kartaa haddii aad fursad leedahay Kitaabka qoduuska
ah Bilowgii cutubka labaad iyo saddexaad oo way kuu dhaadhici doontaa sida
arimahan ay ku yimadeen oo dhan iyo tilaabooyinka uu Ilaah ka qaaday Aadan
iyo Xaawo ka dib markii ay isaga ku gefeen. waxaan arkaynaa inuu sameeyey
siduu Ilaah ku amray inuusan samayn taa oo ah inuu cunay midhtii uu Ilaah
ka xaranteyey oo tan ayaa ahayd aasaaska dhimashada iyo sida ay dunida ugu
horeynta ku soo gashay. Gefka isaga ah muxuu ahaa? Wuxuu ahaa dembi fal oo
Ilaah dembi laga gelayo oo Ilaah xiriir lama lahan qofka aan doonistiisa
samaynaynin marnaba. Sheydaanka
diyaar buu u yahay inuu lumiyo dadka Ilaah oo wuxuu doonayaa kuwa uu
burburiyo isla sida uu ugu horeyntiba u burburiyey xiriirkii ay
baniaadmigii ugu horeyey Ilaah la lahaayeen oo wuxuu kuu macaanayn karaa
wax yaalaha dunida laakiin ogaanteeda lahaw in wax yaalahan dunida ay
yihiin wax aan weligood jiri doonin laakiin waa uun jacayl Ilaah la
jeclaado oo doonistiisa la yeelo tan abaalgud weligaa ku qanciyo aad ka
heli doontid. Qofka hadduuba dembiile yahay ma qabo wax dhadhaqaaq ah
maxaa yeelay, ma ahan mid xur ah oo weligiisba wuxuu ku jiraa cabsi oo
xiriirka xurnimada uu Ilaah ewelkii hore la lahaa wuu dhumay oo haatan
wuxuu u baahan yahay inuu xiriirka Ilaah uu soo sara kiciyo si uu ugu
stareexo barwaaqada Ilaah oo lagu helo rumaysadka isaga la rumaysanayo iyo
addeecidda isaga la adeecayo. Baniaadmiga hadduusan Ilaah xiriir la lahayn
way adagtahay inuu baniaadmiga kale xiriir la lahaado maxaa yeelay,
xiriirka wuxuu ka yimaadaa jacaylka oo hadduusan qofka jacayl lahayn de
sidee buu ku odhan karaa dadkuu xiriir la leeyahay? Haddii
aan macnaynta dhimashada dhinac kale ka eegno waxaan arkaynaa in
dhimashada ay tahay mid ruuxi ah oo kuma eko keliya tan caadiga ah oo ay
nafta dadka ka baxayso. Maxaa yeelay, waxaa qoran, "Laakiin tii
raaxaysi u noolaataa waa meyd intay nooshayhayba" (1 Timoteyos 5:6)
Hadduu qofka uu dembi ku raaxaysanayo in kastoo uu wax kasta dunida ugu
baahanyahay haysto waa mid dhintay ama meyd socda ah maxaa yeelay, Ilaah
xiriir lama lahan. Sida qoran, "Idinku waxaad ku dhimateen
xadgudubyadiinna iyo dembiyadiinna…" (Efesos 2:1) Ilaahay ha na
kaalmayo si aan nolosheena oo dhan isaga ugu addeecno oo aan ugu noolanin
nolol aan isaga ka farxinaynin maxaa yeelay, wuxuu noo cadeynayaa in
nolosha dembiga leh qofka ku nool uu ku noolyahay dhimasho xadgudubyada
dembigiisa awgii. "…waan
ogahay shuqulladaada, oo magac baad leedahay sida wax nool, laakiinse meyd
baad tahay" (Muujintii 3:1) Ilaahey wuu ogyahay waxyaalaha aan ku
dhaqmayno oo dhan oo ma jiraan wax aan isaga u sheegeyno laakiin wuxuu
doonaya inaan xagga qalbiyadeena nadiif ka ahaano si wax alla wixii aan
samaynayno ay u noqdaan waxyaalo hortiisa daacad ku ah. Waxyaalaha
jacaylka Ilaah la jacaylyahay lagu sameeyo waxa wanaagsan ma ahan wax
wanaagsan inaan samayn karno si aan Ilaah uga farxino. Ilaah uma baahno
shaqadeena wanaagsan e wuxuu u baahan yahay inaan isaga xiriir wanaagsan
oo aan maalinta ugu dambayso isaga jannada kula joogi karno intii aan
dabka naarta ku dhex oyni lahayn. Isla sida
aan uga akhrinay aayadda aan tan horteeda akhrinay ee Efesos runtii
waxyaalaha dunida waa wax dadka sasabaa laakiin ma ahan wax weligood jiri
doonaan oo sidaa darraaddeed ma ahan in laysku haleeyo waxyaalaha dunida
oo loo malayo inay wax yihiin maxaa yeelay, waa uun xiriirka Ilaah lala
leeyahay kan wax ah oo weliba ah wax waara oo weligeed laysku halayn karo
oo shaki kuma jiro ku alla kii dembiga ka fogadaa oo Ilaah addeecaa, Ilaah
buu xiriir la leeyahay oo wuxuu leeyahay nolosha weligeed ah. Ilaahay naga
ma dhigo kuwa shuquladooda keliya ku qanacsan oo u malaynayaan inay
noolyihiin oo magac weyn ku leh dunida laakiin xagga Ilaah aan waxba ku
lahayn haddii la gaaro waqtiga xisaabta. Inta badan waan iska soconaa
laakiin ma noolin. Laakiin Ilaah wuxuu u baahan yahay inaan wakhti kastaba
isaga kula jirnaa nolosheena oo dhan si aanan Ilaah ugu xadgubin. Waa
inaan ogaano in Ilaah uu markastaba na qaymaynayo uuna u baahan yahay
inaan isaga addeecno oo yaan iisu malaynin wax nool annagoo ah meyd
laakiin aan Ilaah isku hubsano oo haddii ay jiraan wax dembi ah waa inaan
ka toobad keenno waayo, Rabbiga wuxuu ka balan qaaday in mid alla kii
dembiyadiisa qirtaa uu isaga yahay mid caadil ah oo u cafinayo qofkaas
sida qoran, "Haddaynu dembiyadeenna qiranno, isagu [Ilaah] waa aamin
iyo caadil inuu dembiyadeenna inaga cafiyo, oo uu inaga nadiifiyo
xaqdarrada oo dhan." (1 Yooxanaa 1:9) Tani
waxay noo cadaynaysaa habka aan nolosha daimka ah ku heleyno inuu yahay oo
keliya inaan dad nadiifsan noqono oo aan dembiyadeena ka toobad keeno
waayo, Ilaah waxba lagama qarin karo. Qof alla qofkii qalbigiisa oo dhan
Ilaah u furaa, kaa ayaa ah Marka
waxaa cad in annaga baniaadmiga aanan lahayn fursad haba yaraate aan wax
doonista Ilaah ka duwan aan ku samayno maxaa yeelay, haddii aan Ilaah
nafsaddeena oo dhan ku jecelnahay intee bay jirta meesha dembiga uu ka soo
gelayo? Waa inaan ka fiirsanaa xataa waxyaalaha aan xoogayna ku bixino
maxaa yeelay, xataa markaan sinada samaynayno xoog baa naga baxaa oo sidaa
daraaddeed ayaad u arkaysaa cudurada sinada inay maanta bateen oo ay kuwa
qaarkoodna ay daawo lahayn oo ay jidhka dadka cunayaan oo uu qofka tartiib
u sii baaba'ayo ilaa uu ka dhinto kaasoo ka mid yahay cudurka loogu magac
daray AIDSka iwm. Dadka Ilaah bay ku caasiyeen oo Ilaah wuxuu u baahan
yahay inaan dib u wada fekerno oo aan uga fiirsano wuxuu nala doonayo
meeshuu xoogga ku baxaya. Ma aha wax aad Ilaah wax ugu tartay laakiin
xoogaada waxaad ku bixisay dembi oo Ilaah ugu ma aadan adeegin marka wax
alla wixii aad samaynayno waa
inaan ka fiirsanaa oo ma ahan inaan is weydino sidee bay dadka hortiisa ku
tahay laakiin aan is weydino inuu Ilaah raali ka yahay iyo in kale. Bal
aan is weydinee dhimashadaan ruuxigga ah sidee baa dunida looga saari
karaa? Dhimashada
waxay baniaadmiga oo dhan uga timid hal ruux oo doonista Ilaah ku
xadgudbay daraaddeed kaa oo ahaa awowgeen Aadan uu marka ugu horeysey
Ilaah uumay oo aan ka soo farcanay. Kitaabka qoduuska ah wuxuu leeyahay,
"Haddaba sida dembigu nin keliya dunida ugu soo galay, dhimashaduna
dembiga ugu timid, sidaasaa dhimashadiina u gaadhay dadka oo dhan, waayo,
waa la wada dembaabay; waayo, dembigu,duniduu ku jiray intaan sharcigu
iman, laakiin dembi lama tiriyo markii aan sharci jirin. Habase ahaatee
waagii Aadan ilaa Muuse dhimashadu waxay u talisay xataa kuwii imaanka
lahaa. Hadiyaddu ma aha sida dembiga, waayo, haddii nin keliya dembga uu
samayey kuwabadanu u dhinteen, de in ka sii badan waxaa kuwa badan u
badatay nimcada Ilaah iyo hadiyadda nin nimcadiis ku timid, Abaalgudka
dhimashada waa dhimasho uu ku alla kii dembaabo dhintaa oo dhimashaduna ma
ahan tan caadiga ah oo aan kuligeenba wada dhimanayno laakiin waa ka
dhimashada xagga ruuxa oo uu qofka markay dunida dhamaato uusan jannada
Ilaah kula stareexi doonin laakiin ebedkiisba wuxuu ku noolaan doonaa
ololka dabka naarta sida qoran, "Waayo, mushahaarada dembigu
waa dhimshada, laakiinse hadiyadda Ilaah waa nolosha weligeed ah ee laga
helo Rabbigeenna Ciise Masiix" (Rooma 6:23). Markaan
naarta ka hadlayno qaar baniaadmiga ka mid ah uma arkaan inay tahay mid
ebedkeed ah laakiin waxay leeyihiin, Naarta
in yar ayaa laygu edbin doonaa dabadeedna waxaa lay geyn doona jannada
laakiin ebedkey oo dhan kuma jiri dooni! Laakiin
walaakayga buuggan akhrisanayow ma ogtahay in maadama uu Ilaah yahay mid
weligii jira oo ay jannaduna tahay mid weligeed ah? De shaki kuma jiro
naartuna waa mid weligeed jiri doonta oo kuwa geli doonaan weligood ayay
ku jiri doonaan. “Markaasuu kuwa bidixdiisa jooga ku odhan doonaa, kwa
yahow inkaaranu, iga taga oo gala dabka weligiis ah Marka
halkan waxaa inooga cad in noloshu ay ku timaaddo Ciise Masiix oo ku alla
kii uu isaga badbaadinin wuxuu ku sugan yahay naarta weligeed ah. Meeshii
aan maanta wan ka gawrici lahayn Ciise Masiix baa dhiiggiisa iskutallaabta
ku daadshay oo dhiig kasii qaalisan oo naloo daadin karo maanta ma jiro
maxaa yeelay hal mar buu daadshay wayna ku filantahay. Dhiigga dibiga iyo
orgigga mar kasta baa la daadin jiray laakiin haatan waxaan haysnaa kan
annaga noo dhintay oo dhiiggiisa noo daadshay oo dhimashaduna ka soo sara
kacay oo maantaba nool oo sidaa daraaddeed annaguna waan ka xuroobi doonaa
dhimashada mar haddii ay nafta naga baxdo intaan isaga ku jiro oo aan
rumaysanahay inuu yahay sayidkeena oo laga uuraystay Maryan oo bikrad ah
uuna dhintay, la aasay oo uu maalinta saddexaad ka soo sara kacay
dhimashada. Haddii aan akhrino Kitaabka Korintooska kowaad cutubka 15aad
wuxuu inoo sheegayaa sida aan u leenahay mid aan isku halayn karno oo noo
dhintay oo maadama uu dhintay uuna dhimashada ka soo sara kacay annaga
isaga rumaysan oo addeecsan oo dhamna waan ka guulaysan doonaa dhimashada.
Runtii
Ciise wuu dhintay
"Haddaba
waxay ahayd abbaaraha saacaddii lixaad, dhulka oo dhammuna gudcur buu
noqday ilaa saacaddii sagaalaad. Qorraxddu way madoobaatay, daahi
macbudkuna dhexda ayuu ka kala dilaacay.Markaasaaa ciise cod weyn ku
dhawaaqay oo yidhi, Aabbow, gacmhaaga ayaan ruuxayga u dhiibayaa. Goortu
waxaas yidhi, ayuu ruuxii bixiyey.Boqol-u-taliyihi goortu arkay wixii
dhacay, ayuu Ilaah ammaaanay oo yidhi, Hubaal ninkanu xaq buu ahaa. Dadkii
oo dhan oo daawasho isagu yimid, goortay arkkeen wixii dhacay, ayay
noqdeen iyagoo laabta garaacaya. Waxaa meel fogna ka taagnaayeen kuwii
ciise yiqiin oo dhan iyo dumarkii Galili ka soo raacay, iyagoo waxaas
dayaya." (Luukos 23:44-49) Arintaan ma ahan wax ay dad iska
samaysteen si ay u rumayaan doonistooda. Haddii ay ahaani lahayd wax aanan
jirin waxaan u malaynayaa inay ilaa maanta ay jiri lahayn waayo beenta ma
waarto laakiin wixii run ah si kastoo looga hor yimaado lama baabi’in
karo. Marka dhimashada Ciise waa wax dad badani ay arkeen oo weliba si loo
kala bixiyo dhimashada dadka caadiga ah iyo tan Ciise waxaa jireen
calaamooyin ka daba dhaceen markii ay isaga nafta ka baxday taa oo aan
aragnay in macbudkii uu dhexda ku kala dilaacay oo kuwii meesha
iskutallaabta joogay oo dhan waxay u noqotay cadayn in runtii ninkanu (Ciise)
la leeyahay uu ahaa nin ka duwan kuwa la dilay oo dhan oo kuwa ku marqaati
furayna sida uu Kitaabka sheegayo waxaa ugu horeyey boqol utaliyihii
askarta madaxa u ahaa. Ciise wuu sii sheegay dhimashadiisa
Aanba
nidhaahno wuu dhintay e, dhimashadiisa ma ahayn wax la aqoonsaday markuu
dhintay keliya laakiin isaga ayaa sii sheegay inuu dhiman doono oo isagu
keliya ma sii sheegin e waxaa horey u sii sheegeen Nebiyadii inuu dhiman
doono iyo weliba sababtuu u dhiman doonaba. Waxaa jiraan tusaalooyin badan
oo aan ku sheegi karo in nebiyada
ay dhimashadiisa horey u sii
sheegeen laakiin qaas ahaan waxaan ka soo qabanaya Ishacyaah 53:3;
Ishacyaah 53:12. Haddii aad is weydinaysid sidee baad ku ogaani kartaa in
taasi ay tahay sii sheegid ku buuxsantahay Ciise Masiix waxaad aayadahan
la akhrin karta; Yooxanaa 1:11, Luukos 23:18 iyo Markos 15:27-28. Laakiin
ha ilowbin in kuwan ay ka mid yihiin tusaalooyin badan oo Kitaabka
qoduuska ah laga heli karo. Haatan waxaan xoogga saaraya sida uu isaga u
sii sheegay inuu dhiman doono. "Kolka dabadeed ciise Masiix ayaa
bilaabay inuu xertiisii u sheego inay waajib ugu tahay inuu Yeruusaalem
tago, oo xanuun badan ka helo waayeellada iyo waaadaaddada sare iyo
culimada, oo la dilo, oo maalinta saddexaad la sara kiciyo."(Matayos
16:21) Ciise
Sirqool baa loo dhigay
Dhimashada
Ciise iska ma iman laakiin dhibaato unbaa jirtay taa oo ku qasabtay inay
isaga dilaan maxaa yeelay, waxay yidhaahdeen Yahuudda ninkanu Ilaah buu
caaynayaa marka waxaa dhacday inay isaga shirqool u sameeyaan si ay u
helaan sabab ay ku dilaan, waayo, marka qof la dilayo waa in loo lahaado
sabab uu sharcigu qofkaasi ku dilayo. "Kaca aan tagnee. Eega, kii i
gacan gelin lahaa waa soo dhow yahay.Kolkiiba intuu weli hadlayay ayaa
Yuudas oo laba-iyo- tobankii ka mid ahaa yimid, isaga iyo dad aad u badan
oo seefo iyo ulo sita. Waxay ka yimaadeen wadaaddada sare iyo culimada iyo
waayeellada.Kii gacan geliyey ayaa calaamo kula ballamay oo ku yidhi, mid
alla midkaan dhunkado waa isagii.Qabta oo kaxeeya oo dhawra. Kolkuu
yimidba, kolkiiba ayuu u tegey oo ku yidhi, macallimow, wuuna
dhunkaday.Markaasay gacmaha saareen, wayna qabteen." (Markos
14:42-46) Ciise
waa la xukumay Qofka
haddii shirqool loo dhigo oo wax dembi ah lagu sheego waa in xukunka la
hor geeyo si loogu xukumo dembigiisa isagoo loo cadaynayo wuxuu falay.
Marka waxaa dhacday in Ciise la xukumo. "Wadaaddadii sare iyo shirkii
oo dhan ayaa waxay doonen markhaati been ah oo ciise ka gees ah si ay u
dilaan. Waase heli waayeen, in kastoo markhaatiyaal badan oo been ahu
yimaadeen. Laakiinse dabadeed waxaa yimid laba,
oo waxay yidhhaahdeen, kanu wuxuu yidhi, waan karayaa inan macbudka
Ilaah dudumiyo oo saddex maalmood ku dhiso. Markaasaa wadaadkii sare
istaagay oo ku yidhi, miyaadnad waxba jawaabayn? Kuwanu waxay kugu marag
furayaan waa maxay? Laakiin Ciise waa iska aamusay. Kolkaasaa wadaadkii
sare wuxuu kuu yidhi, Ilaaha nool ayaan kugu dhaarinayaa ee noo sheeg
inaad tahay masiixa oo ah wiilka Ilaah,in kale. Ciise ayaa ku yidhi, Waad
tidhi. Hase ahaatee, waxaan idinku leeyahay, Hadda dabadeed waxaad arki
doontaan wiilka Aadanaha oo fadhiya midigta xoogga Ilaah oo ku imanaya
daruuraha cirka. Markaasaa wadaadkii sare dharkiisii jeexjeexay isgoo leh,
wuu caytamay.Maxaynu markhaatiyaal weli ugu baahan nahay? Bal eega,
haddeer waad maqasheen caytanka. Maxay idinla tahay? Way u jawaabeen oo ku
yidhaahdeen, wuxuu istaahila dhimasho." (Matayos 26:59, 60, 63-66) Askartii baa Ciise ku majaajilootay
Madaama
uu noqday mid la yasayo Ciise majaajiloon uma harin oo waxaa ku
majaajiloodeen askartii isaga loo gacan geliyey inay edbiyaan. Waana
Kitaabka qoduuska ah ama Injiilka Ciise
wuu dhintay Runtii
cadaadintaan iyo majaajiloontan ka dib Ciise wuu dhintay. Cadawyadiisa
umay noqon sida ay doonayeen
inuu iskutallaabta ku silco. Intay kuwii isaga iskutallaabta saaray ay
taagnayeen ayuu dhintay oo waxay ogaadeen in runtii kanu uu yahay mid ka
duwan kuwa kale oo weligood iskutallaabta la saaray, waayo, xataa waxay
doonayeen inay iskutallaabta isagoo fuuloba ay haddana ku sii silciyaan.
Waxay doonayeen inay kuwa weli nool oo dhan ay lugaha ka jejebiyaan
laakiin Ilaah qorsha gooni ah buu u lahaa Ciise oo isla markiiba wuu
dhintay oo sidaa daraaddeed cadawgiisa ma silcinin isaga waxaana sida
qoran, "Sidaa daraadeded yuhuudii, inaan meydaku sabtida
iskutalaabaha sii saarnaan, waxay Bilaatoos ka baryeen in lugaha laga
jebiyo oo meydaadka la qaado, waayo, waxay ahayd maalintii Diiyaargarayska,
oo maalinta sabtidaas waxay ahayd maalin weyn, Laakiin markay Ciise u
yimaadeen oo ay arkeen inuu durba dhintay kama ay jebin lugihii." (Yooxanaa
19: 31-33). Tan waxay ahayd mid lagu buuxinayay sii sheegiddii horey loo
sii sheegay e ku qoran Yooxanaa
19:36 oo leh, “waayo, waxyaalahaas waxay u dhaceen inuu ahaado Qorniinka
leh, Lafihiisa midna la jebin maayo.”
Haddii aad is weydinaysid waa kee qorniinka saa sheegayna waxaan
kuugu odhan karaa waa siduu Nebi
Daa’uud ka sii sheegay Sabuurrada 34:20 oo leh, “Isagu wuxuu dhawraa
lafihiisa oo dhan, oo middoodna ma jabna.” Wax kastoo Ciise ku saabsan
waxay ahaayeen wax uu Ilaah horey u soo qorsheyey ee ma ahan dhacdo iska
dhacday waayo, dhacda kasta uu injiilka ka hadlaya oo Ciise ku saabsan
waxay saldhig ku leedahay nebiyadii horey Ilaah ugu soo adeegeen. Ciise
waa la aasay Sida
caadiga ah markuu qof dhinto waa in la aaso isla sidasayto ayaa Ciisena ku
dhacday oo markuu dhintay ka dib waa la aasay jidhkiisa. Aasiddiisa Ciise
caadi ma ahayn maxaa yeelay, waxay ahayd in la ilaaliyo maydkiisa oo
waardiyo xoog leh loo yeelo waayo, dadka ayaa Bilaatos ka codsadeen inay
si qaas ah jidhka Ciise u ilaaliyaan wayna noqotay sida qoran, "Bilaatoos
wuxuu ku yidhi, waardiyayaal baad leedihiin. Taga oo adkeeya in alla
intaad adkayn taqaqniin. Markaasay tageen, iyaga iyo waardiyayashii, oo
xabaashay soo adkeeyeen, dhagixiina way shaabadeeyeen." (Matayos 27:
65,66) Waxaa laga yaabaa inaad isleedahay maxay tahay sababta Ciise
maydkiisa loo ilaalinayey waana su'aal aad u wanaagsan. Waxaa loo
ilaalinayey si ay xerta maydka
u xadin oo ay rumaysanin arinta ahayd inuu saddex maalmood ka dib uu soo
saro kici doono laakiin Walaal tani ma ahayn wax ay baniaadmiga samaysteen
laakiin waxay ahayd arin uu Ilaah ka dambeyey. Si kastaba ha loo ilaaliyee
runtii Ciise wuu sii sheegay dhimashadiisa iyo sara kaciisa. Wax kasta way
noqdeen maxaa yeelay, haddii aan ka akhrino Matayos 28:6 Malaaigta Ilaah
waxay leedahay oo na qoran sida tan, "Halkan
ma joogo, waayo, wuu sara kacay siduu yidhi." Wax kasta
way dhamaanayaan laakiin runta weligeedba waxay ku dhamaanaysaa dhabteeda
si kastoo laysuku deyo in la beeneyo, waayo, dadka waxay isku deyeen inay
jidhka Ciise ilaaliyaan si aan loo xadin laakiin xataa ilaalintooda waxba
may tarin. Ilaa maanta kuwii loo xil saaray ilaalinta maydka Ciise ma
jirto meel lagu sheegaya inay jawaab ka bixiyeen siduu jidhkaas qabriga
uga soo baxay. Weliba in kastoo ay jirin qoraala taarikh ah oo sheegayaan
in askartaasi la edbiyey, madaama uu jidhkaas lumay, waxaan u malaynaya
inayba ku shaqo beleen ama edbin aad u weyn ay gaartay. Bal aanba is
weydinee yaa Ilaah la tartami karaa? Si kasta ha loo beeneyo laakiin
dhabta waxay tahay Ciise wuu dhintay wuuna ka sara kacay dhimashada. Mahad
Ilaahaa iska leh. Ciise maadama uu dhimashada ka soo noolaaday uuna maanta
noolyahay annaguna xaq baan u leenahay inaan nidhaahno
waan noolaan doonnaa weligeenba. Kuwa
Ilaah adeecsan way ogaan karaan meesha ay ku sugnaan doonaan wakhtiga
dhamaadkiisa maxaa yeelay, haddii aan Masiixa rumaysanahay runtii isagu
nama dafiri doono laakiin wuxuu noo noqon doonaa wakiil keena Ilaah
hortiisa noogu maragfuri doonaa, maxaa yeelay, amar oo dhan isaga ayaa la
siiyey sida ku qoran Matayos 28:18 oo dhigaysa, "…oo wuxuu yidhi
Amar oo dhan ayaa samada iyo dhulka laygu siiyey." Laakiin ma ahan
amar uu Ilaah isaga hoos joogo waayo, waa Ilaah Ciise waa waddada
nabadda
Dhimashadaan maxaa keenay?
Dhimashada Masiixa waxay ku timid nabad raadinta taa oo ay baniaadmiga
isku deyeen inay keenaan laakiin si kasta oo la yeelayba waa la kari
waayay si nabad loogu helo waxyaalaha dunida iyo weliba sidii looga
badbaadi lahaa dembiga. In kasta oo ay baniaadmiga isku deyeen inay is
badbaadiyaan, ilaa haatan ma jiro hab ay dadka odhan karaan kani waa jidka
badbaadada laakiin bal ogow inuu Ciise u dhintay si uu u xaqiijiyo inuu
isagu yahay jidka badbaadada. Ciise waa badbaadada iyo nabadda welwelka
qalbiyadeena. Isagu sababtaasuu u dhintay sida qoran, "Laakiinse
waxaa isaga loo dhaawacay xadgudubyadeena , waxaana loo nabareeyey
xumaatooyinkeenna, edbintii nabaadiinadeennana duushiisay ku dhacday,
dildilaaciisiina waynu ku bogsannay." (Ishacyaah 53:5) Akhristow,
waxaan u malaynayaa in su'aashaadii aan ka jawaabay oo ku saabsanayd
sababta Ciise loo dilay waayo, waxaan aragnay in isaga loo dilay, loona
dhaawacay xadgudubyadeena iyo xumaantooyinkeena. Ciise wuxuu u
dhibaatooday daraaddeen. Qalbigaada ha’ adkaynin rumayso Ciise iskutallaabtuu
dhimashada uga guulaystay
In kastoo aan leenahay Ciise wuu
dhintay ha ilowbin Ciise dhimashada wuxuu uga guulaystay iskutallaabta oo
waxay noqotay in siduu Ilaah doonayay noqoto. Haddii aad tahay mid ka
cabsadaa dhimashada waxba ha ka baqin dhimashada. Rabbi Ciise Masiix aamin
oo ogolow in isagu yahay badbaadiyahaada oo sidaa darraaddeed adiguna waad
kaga guulaysan doonta dhimashada maadama uu isagguba ka guulaystay sida uu
Kitaabka sheegayo haddii aan akhrino erayadaan leh, "Carruurtu
waxay qayb ka heleen jidh iyo dhiig, taas aawaaded isaguna sidaas oo kale
ayuu uga qayb qaatay, inuu dhimasho ku baabi’iyo kii xoogga dhimashada
lahaa, oo ah Ibliiska, iyo inuu furo kulli kuwii cimrigoodii oo dhan
addoonnima ugu hoos jiray cabsida dhimashada." (Cibraaniyada 2:14-15)
Haddiiba kii xoogga dhimashada lahaa (Ibliiska) lagaa baabi'iyey, waxba ha
ka welwelin maxaa yeelay, cabsida dhimashada sida uu Kitaabka sheegayo
Ilaah wuxuu uga reeyey dhimashada Ciise Masiix uu iskutallaabta ku dhintay.
Bal aan ku weydiyey, maxaa kaa welweliyaa adiga nafsad ahaantaadu?
Hadduuba jacaylka Ilaah uu yahay Ogow mar
alla markaad welwelsan tahay waa shaydaanka Rasuul Bawlos wuxuu qoray
Miyaad ka
welwelsantahay dembiyadaada? Waxba ha uga welwelin dembiyadaada laakiin ka
wada toobad keen oo Ilaah u qiro dembiyadaada maxaa yeelay, kuma badbaadi
karno wax aan samaysanay daraaddeed laakiin waxaan ku badbaadeynaa oo
keliya nimcada Ciise Masiix. Madaama uu dhimashada ka guulaystay annaga
rumaystayaasha ahna waan ka guulaysan doonnaa dhimashada. Ma ahan anaga
kuwa isaga jeclaadeen ama doorteen laakiin sida uu Kitaabka sheegayo
isagaa horta na jeclaaday.
"Ilaah waa kan ina badbaadiyey oo yeedhid qoduus ah inoogu yeedhay,
mana aha xagga shuqulladeenna, laakiinse waa xagga qasdigiisa iyo
nimcadiisa, oo uu waayadii hore hortood inagu siiyey Ciise Masiix,
laakiinse haatan lagu muujiyey muuqashada Badbaadiyeheenna Ciise Masiix,
kaas oo dhimashada baabi’iyey, oo nolosha iyo dhimasho la’aanta
iftiinka ugu soo saaray xagga injiilka…" (2Timoteyos 1:10) Waa run
oo intaanan xal u helin dhibaatooyinkeena ayuu Ilaah ina jeclaaday inana
siiyey badbaadada nolosha. “Idinku
ima aydnaan dooran, laakiinse anaa idin doortay, waanan idiin diray inaad
tagtaan oo midho soo dhashaan, iyo in midhihiinnu sii jiraan, in wax alla
waxaad Aabbaha magacayga ku weydiisataan uu idin siiyo.” (Yooxanaa
15:16). Dhimashada
nagala baabi'iyey waa tan xagga Ruuxa waayo, Ilaah baan ka soocannay
markaan dembaabnay oo sidaa daraaddeed waan ka dhimanay xagga Ilaah.
Laakiin sida caadiga ah xagga jidhka waan ka wada dhimanaynaa hadduuba
Ciise iman intaan weli jidhkan ku jirno oo hadduu yimaadana Kitaabka wuxuu
noo sheegayaa inaan isla jidhkan aan Ilaah ku hor tagaynin laakiin nala
wada bedeli doono oo jidh cusub nala siin doono waayo, jidhkan waa jidhka
dunidan aan ku noolnahay. Waa Ciise kan dhinac kasta taagan haddii aan
eegno xagga dhimashada iyo xagga dhimasho la'aantuba, maxaa yeelay, sida
aan Kitaabka uga akhrinayno amar oo dhan isagaa la siiyey waxaana siiyey
Ilaah oo ma ahan awood uu baniaadmi ka helay oo markii la doono la qaadan
karo waa awood weligeed jirayso. Awooddaas xagga Ilaah bay ka timid oo wax
alla wuxuu Ilaah ku siiyo ogow inay tahay wax waara oo ma ahan wax in mudo
ah jirayo ama uu baniaadmig ama marxalad ay kaa qaadi karto. Ka guulayso awoodda dhimashada
Maanta
waad ka guulaysan kartaa awoodda dembiga maxaa yeelay, sidaanba horey u
soo idhi hadduuba Ciise Masiix ka guulaystay oo aad adna isaga
aaminsantahay, runtii waad ka
guulaysan doontaa dhimashada. Dabiicaaddeennii hore Walaal iskutallaabtaa
looga soo tegay oo haatan dabeecad cusub iyo nolol cusub ayaa socotaa
maxaa yeelay, sida uu Kitaabka sheegayo Ciise wuxuu u dhintay si uu u
baabi'iyo jidhka dembiga taa oo shaydaanka ceebeynayso oo uu mar dambe
heleynin kuwa uu addoonsado kuwii Ilaah diido oo isaga u go'o mooyaane.
"Waynu ognahay in dabiicaaddeennii hore iskutallaabta lagula qodbay
isaga, in jidhka dembigu baaba’o, si aynaan mar dambe addoommo ugu ahaan
dembiga." (Rooma 6:6) Waxba haka welwelin laakiin Ciise Masiix aamin
waayo, waa isaga Mar
labaad dhalashada waa maxay? Mar labaad dhalashada ma ahan inaan leeyahay
waa inaad mar labaad ku noqotaa uurka hooyadaa oo haddana lagu dhalaa. Waa
inaad noloshaadii hore uu dembiga ku jiray ka leexataa oo aad nolol Ilaah
ka farxinayso ku noolaataa oo waa in dembi kasta laga noqdaa sida
carruurta saqiirka ah oo aan waxba ogayn oo kale noqonaa sida aan uga
akhrinayno Matayos 18:3aad oo leh sida tan, "Runtii waxaan idinku
leeyahay, haddaydnaan soo jeesan oo aydnaan noqon sida carruur oo kale ,
boqortooyada jannada ma geli doontaan. Ku alla kii haddaba isu hoosaysiiya
sida ilmahan oo kale, kaas ayaa ugu weyn boqortooyada jannada…"
Sharci nama badbaadin karo haddaanan qalbiyadeenna bedelmin oo ay
dabeecadahayna Rabbiga hogaaminin waayo, sida qoran, "Maxaa yeelay,
shuqullada sharciga ninna xaq ku noqon maayo Ilaah hortiis, waayo,
sharciga ayaa lagu gartaa dembiga." (Rooma 3:20) Weligaa qof
darraaddaa dhib ma iisu geyey si aad adigu dhibka uga baxdid? Runtii Ciise
wuxuu noqday mid daraaddeen iisu dhiibay si bedelkii aan baabi'i lahayn oo
aan naarta u geli lahayn uu iskutallaabta noogu dhinto si aan u badbaadno.
Macnaha ma ahan inuu naarta galay laakiin isagu waa badbaado wuxuuna na
siiyey badbaadadiisa si aan isaga ula joogno meesha uu joogo waayo, wuxuu
Injiilka ku yidhi, waan tegaya oo waxaan idiin hagaajinayaa hoytaan oo
haddaanay saa ahayn wuu inoo sheegi lahaa. Marka Walaal waa Ciise Ciise
dembiyadeenu jidhkiisa ku qaatay oo in kasta oo aan ka hadlayno tusaalaha
uu Butros ka hadlayo in tusaalaha ugu wanaagsan uu yahay, laakiin waxaa
kale uu haddana taabanaya badbaadada uu Masiixa inoo bixiyey. Butros waxaa
kale oo uu aayadaan kaga hadlaya sida uu Masiixa bedelkeena u dhintay una
noqday kafaaro gudkeena jira. Masiixa isla sida wanka aan ka aragnay xagga
Axdiga hore, wuxuu u dhintay dembiyadeena, isaga oo aan iin lahayn wuxuu
noo noqday dembi dhaafkeena jira. Geedka lagaga hadlayo aayadan waa
masaalka lagu soo qabanaya iskutallaabta. Butros wuxuu xoogga sii saaraya
sida aan ugu adkaysnayno iskutallaabta si aan u noqono kuwa la nadiifiyey.
Qofka markuu iskutallaabta ku dhimanayo, kuwa masiixa rumaystaan waxay ku
dhinteen dembigooda si ay ugu noolaadaan nolol cusub oo ay Ilaah iskuugu
dhiibaan iyagoo uun qoduus ah noqdeen. "…Waxaad ku bogsateen
xarijimihii karbaashiddiisii." Tani waa dib u soo celinta xiriirkii
hore ee Ilaah lala lahaani jiray intuusan dembiga dunida soo gelin. Ka guulayso awoodda shaydaanka
Shaydaanka
yuusan kaa guulaysan laakiin ka guulayso Shaydaanka. Haddii aad leedahay
shaydaanka lagama guulaysani karo maxaa yeelay, weli waxaan joognaa
dunidaan dembiga badan, bal aan wax kuu sheego, Ilaah ayaa ah Ø
Runta Ø
Laabdhawrka
Xaqnimada Ø
Injiilka nabadda Ø
Gaashaanka
Rumaysadka Ø
Koofiyadda
badbaadada Ø
Seefta Ruuxa oo
ah Erayga Ilaah Rasuul Bawlos wuxuu qoray
Waa inaan
ogaano in Ilaah noo uumay inaan isaga oo keliya u adeegno oo aan addeeco
waayo, shaydaanka xaq nagu malaha haddii aan ka fekerno sida uu dhibaatada
noogu hayo. Waa inaan dhinac ku ekaano ama aan Ilaah u go'no haddii kale
aan Shaydaanka toos ugu adeegno. Sidee baa Shaydaanka loogu adeegi karaa?
Qofka markuu dembaabaya wuxuu
u adeegaya Shaydaanka laakiin markuu doonista Ilaah samaynayo de wuxuu u
adeegaya Ilaah. Ilaah wuxuu doonaya in baniaadmiga oo dhan ay isaga u
adeegaan oo weliba isaga addeecaan waana saa daraaddeedd sababtuu u soo
diray inankiisa madiga sida dhigan, "Kii dembi falaa wuxuu yahay Nabadda Ilaah lala yeesho Masiixa ayaa
suurta gal ka dhigay
Haddii
aad ka welweli jirtay sida aad Ilaah nabad gelyada dembigaada
uga heli lahayd, haatan ogow inay aad u sahlantahay uu Masiixa
hawshaas oo dhan sameeyey. Waxa keliya oo nagala doonaya waxay tahay inaan
isaga addeecno oo aan dembi kasta ka cabsano oo aan ka fogaano waayo,
dembiga Maxaa naloo badbaadiyaa?
Weligaa
miyaad is weydisay sababta badbaadada loo doonaya? Ilaah wuxuu inoo
badbaadinayaa inaan kuwa kale u sii sheegno jacaylkiisa iyo
badbaadadadiisa oo aan isaga ula shaqayno oo aan isaga u adeegno
badbaadada baniaadmiga daraaddeed. Ilaah waan ognahay inuu wax kasta
iskiisa u samayn karo uusan u baahnayn caawimaad laakiin ogow runtii
haddii malaa'igaha noola soo diro runtii ma rumaysan karno badbaadada
Ilaah uu na siiyey laakiin haddii noola soo diro dadka aan la noolnahay oo
aan og nahay inay dembiilayaal yihiin runtii waan ka ogolaani karnaa in
badbaadadu ay tahay wax jira. Marka sida aan aayadahan uga akhrinaynaba
waa inaan Ilaah kula heshiinaa sida aan dembiilayaasha jacaylka Ilaah ee
badbaadada ugu sheegi lahayn sida qoran, "Taas waxa weeye, Ilaah
duniduu Masiix kula heshiiyey, isagoo aan dembiyadooda ku xisaabaynin, oo
noo dhiibay hadalka heshiisnimada. Sidaas daraaddeed ergo ayannu u nahay
Masiix aawadiis, sidii Ilaah oo idinka baryaya xaggayga, Msiix aawadiis
waxaannu idinku baraynaa, Ilaah la heshiiya. Sidaas daraaddeed innagoo xaq
laynagaga dhigay rumaysad, nabad baynu xagga Ilaah ku haysannaa
Rabbigeenna Ciise Masiix…" (Rooma 5:1) Rabbigeena Ciise Masiixna
isla sida uu Ilaah isaga u soo diray ayuu kuwa isaga rumaystay u adeejiyey
waayo, wuxuu yidhi, "Haddaba Ciise ayaa mar kale ku yidhi, Nabadi ha
idinla jirto. Sida Aabbuhu ii soo diray ayaan anna idiin dirayaa." (Yooxanaa
20:21) Maragfurka aad buu u wanaagsan yahay maxaa yeelay, wixii kuugu
dhacay ama ku qabsaday ayaad ka war bixinaysaa oo isla sidaa Masiixa wuxuu
doonayey in Xertiisa ay ka war bixiyaan sida uu iyaga la ahaa iyo
waxyaalaha uu iyaga u qabtayba. Xerta Ciise waa daacad oo ma sheegayaan
wax aanay dhabtii arkin maxaa yeelay, mid iyaga (Xerta) kamid ah wuxuu
yidhi, "…laakiin kii I soo diray waa run, aniguna waxaan ka maqlay
isaga, waxaas ayaan dunida kula hadlayaa."(Yooxanaa 8:26) Marka
waxaa kuu cadaanaysaa in qofka Ilaah ka cabsadaa uu leeyahay cabsida uu ka
cabsanayo inuu qaloociyo waxyaalaha Ilaah haddii uu Ilaah runtiisa kuu
bandhigo annaguna waa inaan dadka kale jacaylka uu Ilaah noo qabay oo uu
nagu badbaaiyey aan iyaga u sheegnaa. Farintaan waa inay dunida oo dhan
sida doonista Ilaah ay tahay ay ugu badbaadaan mana ahan inaan ku hadalno
waxyaalaha nala quman laakiin waa inaan ku hadalnaa runta ku jirta Erayga
Ilaah iyo sida uu Ruuxa Qoduuska ah nagu hogaaminayo oo waxyaalaha ruuxana
waa inaan kala fiirsanaa si aan u ogaano in runtii arinta iyada ah ay ka
timid xagga Ilaah ama xagga shaydaanka. "Gacaliyayaalow, ha
rumaysanina ruux walba, laakiin ruuxyada tijaabiya si aad u hubsataan inay
kuwa Ilaah yihiin…" (1 Yooxanaa 4:1) Yooxanaa wuxuu saa u yidhi
wuxuu ogaa inay jiraan nebiyo been ah inay dunida u soo bexeen (1 Yooxanaa
4:1). Waa inaad iska jirta kuwa iska keen dhigayaan inay erayga Ilaah kuu
sheegayaan, maxaa yeelay, waxay ahaani karaan kuwa sharlaawayaal ah oo waa
sidaa darraaddeed sababta ay waajib kuugu tahay inaadan rux walba aad
rumaysan laakiin aad tijaabisid intaadan dhegta u dhigin wax kastoo laguu
sheego. Xataa waa inaad iska jirtaa buugagta waxyaalaha masiixnimada ka
sheekaynayaan maxaa yeelay, kuligood ma wada qumano. Runtii Ciise wuu
noolyahay
Maanta shaki iigama jiro in Masiixa uu noolyahay oo dunida oo dhanba way aaminsan tahay taasi waayo, xataa walaalaheena Muslinka ahba tan iyada ah dood uga ma jirto laakiin doodda waxay ka taagan tahay: q Sidee buu Ciise wiilka Ilaah ku yahay? q Ciise ma dhiman laakiin nin kale ayaa bedelkiisa la dilay waayo, Ciise qoduuska Ilaah buu ahaa oo Ilaah uma uusan quurin dhimasho. Laakiin Walaal Kitaabka ayaa noo
sheegaya inuu dhintay uuna dhimshada ka sara kacay waayo, kuwa badan baa
dhinteen laakiin ilaa maantadan waa Ciise keliya Waxaa
jirtaa mid kale oo la yaab leh ee bal aan kuu sheego, Ciise ayaa isku
sheegay inuu yahay sara kaca oo sidaa darraaddeed dhimashada isaga kama
badin karto laakiin waa isaga Hadduuba
Masiixa yahay sarakicidda miyuu u baahan yahay in la siiyo awood uu ku
sarakiciyo? U malayn maayo. Sidaa darraaddeed ayuu u jirin mid kale oo
weligii qof dhintay ka sarakiciyey dhimashada sida aan uga akhrinayno
Matayos 9:18-26 oo leh, "…intuu waxan kula hadlayey, waxaa u yimid
taliye oo u sujuuday oo ku ydhi, Gabadhaydu haddeer bay dhimatay, laakiin
kaalay oo gacantaada saar oo way noolaanaysaa. Markaasaa Ciise kacay oo
raacay, isaga iyo Xertiisiiba…Ciise goortuu guriga taliyaha galay oo
arkay kuwa biibiilayaasha yeedhinaya iyo dadka buuqaya, wuxuu ku yidhi, Ka
leexda, yartu ma dhiman, waase huruddaa. Wayna ku qosleen. Laakiin markii
dadkii badnaa la saaray, ayuu gacanteeda qabtay, yartiina waa kacday."
Biibiilayaasha tan waxay u ahayd qanacsi maxaa yeelay, markuu qof dhinto
maalimahaas dhaqanka jiray waxay ahayd inay wax ku helaan tacsiyeentay ay
tacsiyeynayaan. Maantadanba way jirta arintaan dadka tacsiyeynta maal lagu
siiyo waxaanna ka hubiyey qabiil degan galbeedka wadanka Keniya. Haddii
aad tacsiya ay dadkan leeyihiin aad ka qayb qaadatid waxaad arkaysaa dad
loogu yeedho ‘professional morners’ (dad ku xil dheer
tacsiyeynta) oo haddii aad doonaynin inaad barooratid iyagaaba kaa
keensinayaan. Maxay
ahayd sababta ay dadka u qosleen? Waxay ku qoslayeen erayada uu Ciise ku
hadlay waayo, way hubsadeen in inanta ay dhimatay isaguna wuxuu leeyahay
'…way huruddaa' laakiin haba beeneyaan e waxaa hadaladiisa rumayey
ficilka ah inantii oo soo toostay arinta oo dhan way la noqon waysay waayo,
gabadhii ay hubsadeen inay mayd tahay ayaa nolaatay. Aad bay uga xumaadeen
max aa yeelay, dalaalkoodi ay ka heli lahaayeen tacsiyeenta ma helayaan.
Ciise wuxuu noqday mid beecsharada burburiyey. Qabrigii
maydhnaa
Hase yeeshee, maxaa inoo cadayn
karaa in runtii uu Masiixa ka sara kacay dhimashada? Waxaa jiraan wax
yaalo badan oo cadaynayaan sara kaca uu Ciise Masiix dhimashada ka sara
kacay taa oo ay ka mid tahay qabrigiisi oo maydhan. Maydhnaanta qabrigana
ma ahan wax ay dadka samaysanayaan oo aan dhicin laakiin waxaa laga cadayn
karaa Baybalka. Waxaa qoran, "Maalintii ugu
horrasay ee toddobaadka, goortii waagii beryayay, ayaay xabaashii,
yimaadeen, iyagoo wada dhirtii udgoonayd oo ay diyaargareeyeen. Markaasay
galeen, laakiin Ciise wuxuu ku sara kacay jidh caadi ah
Ciise
Masiix inuu sara kacay ayuu weliba ku sara kacay jidhkiisii caadiga ahaa
si ay Xertiisii iyo kuwa kale oo isaga arki lahaayeen ay uga shakinin oo
isagaa isu keen sheegay Xerta sida
qoran, "Intay waxyaalahaas ku hadlayeen, isaga qudhiisa ayaa
dhexdooda taagnaa, oo wuxuu ku yidhi, Nabadi ha idinla jirto. Laakiin way
argagexeen oo cabsadeen, waxayna u maleeyeen inay ruuxaan arkeen.
Markaasuu ku yidhi, maxaad u naxaysaan? Fekerro maxay qalbigiinna uga
kacayaan? Gacmahayga iyo cagahayga arka inaan anigu isagii ahay, i taabta
oo arka, waayo, ruuxaan jiidh iyo lafo ma leh sidaad igu arkaysaan inaan
leeyahay. Goortuu waxaas yidhi, ayuu tusay gacmihiisa iyo cagihiisa. Intay
yaabsanaayeen iyagoo aan weli rumaysan farxad aawadeed, wuxuu ku yidhi,
Halkan wax la cuno ma ku haysaan? Kolkaasay waxay siiyeen in
kalluun duban ah. Markaasuu qaaday oo hortooda ku cunay. Wuxuu ku
yidhi, kuwani waa hadalladaydii aan idinkula hadlay intii aan weli idinla
jiray. Waa inay noqdaan wax walba oo sharciga Muuse iyo nebiyadii iyo
sabuurrada laygaga qoray oo igu saabsanaa." (Luukos 24:36-44). Haba
ahaatee, hadaladan miyey kula yihiin hadalo ay dadka samaysteen oo ay
doonayaan inay ku rumayaan waxay doonayaan in dadka ay rumaystaan? Istaghfar
Allah! u malayni maayo oo Ilaahey nagama dhigo kuwii erayga Ilaah
bedelaa oo waxay doonayaan ku daraan kana saaraan. Kitaabka wuxuu leeyahay
kii erayga Ilaah wax ka saaro isaguna waa laga saarayaa oo kii wax ku
darrana waa lagu dari doonaa. Malaa'igta Ilaah naftoodana way u sheegeen
kuwii maydka arki rabeen sida aan uga akhrinayno Injiilka sida ku taalo oo
dhigan sida tan, "Malaa'igtii ayaa u jawaabtay oo naagihii ku tidhi,
Ha baqina, waayo, waxaan ogahay inaad doonaysaan Ciise, Markhaatiyaalka sarakaca Ciise Masiix
Aan
isweydine e, waa maxay muhimadda markhaatiga ama shaahidka? Qof hadduu wax
sheego waxaa laga yaaba inaanan kow laga dhihin laakiin haddii uu haysto
markhaati cadaynaha waxa uu qofka sheegayo, arintaas dhinac loo raaco ayay
lahaanaysaa. Haddaba, waxaa kale oo aan kuugu odhan karaa shaki kuma jiro
sara kaca Ciise Masiix maxaa yeelay, dad badan ayaa ku marag fureen oo
arkeen dhimashadiisa iyo sara kiciisaba sida qoran, , "Waayo, markii ugu horraysay waxaan idiin dhiibay waxaan aniguba
helay, oo waxa weeye, Masiixu wuxuu u dhintay dembiyadeenna sida qorniinku
leeyahay, waa la aasay isaga, oo maalintii saddexaad ayaa la sara kiciyey,
sida qorniinku leeyahay. Markaasuu keeyfas u muuqday, markii dambeena laba
iyo tobankii. Markaasuu wuxuu mar keliya u muuqday kuwo ka badan shan
boqol oo walaalo ah, kuwo weli intoodii badnayd ay hadda joogto, laakiin
qaar baa dhintay. Gortaasuu Yacquub u muuqday, markaas rasuullada oo dhan."
(1korintos 15:3-7) Ciise wuu noolyahay
Maxaan
idhaahdaa de walaal oo aan ka ahayn inaan ku idhaahdo Ciise wuu nool yahay
wadnaheenuna ka dhex shaqaynayaa iminkadan oo inaguna runtii Qoraalka
wuxuu leeyahay, Dhibaatooyinka
uu Ciise Masiix la kulmay Ilaah baa ka dambeyey oo Ilaah baa kaga
guulaysiyey xanuunka dhimashada. Adiguna maanta dhibaato kastoo ku hor
taalo waa inaad ogaato in Ilaah uu diyaar kuu yahay inuu ku garab galo
ilaa aad kaga guulaysatid isaga. Waxaan u malaynayaa dhibaatada ugu weyn
inay tahay tan dembiga laakiin Walaal, ogow Ilaah Ciise Masiix wax kale
uma uusan soo dirin laakiin wuxuu u soo diray inaad adigu iyo aniguba aan
dembiyadeena ka badbaadno waayo, Kitaabka wuxuu leeyahay, "Rag yahow
reer bini Israa’iil, hadalladan maqla; Ciisihii reer Naasaret oo ahaa
nin Ilaah idiinku caddeeyey shuqullo xoog leh iyo yaabab iyo calaamooyin
oo Ilaah ku sameeyey isaga gacantiisa idinka dhexdiinna, sidaad idinka
qudhiinnuba u og tihiin, Isaga Ilaah baa sara kiciyey, oo ka furfuray
xanuunkii dhimashada, maxaa yeelay, dhimashadu ma xajin karin. Ciisahan
Ilaah baa sara kiciyey, annagoo dhammuna markhaatiyaal baan ka wada nahay."
(Falimaha Rasuullada 2:22, 24, 32). Adna maanta waad noqon kartaa mid
Masiixa u markhaati furaa oo yidhaahdaa Ciise waa badbaadiyaha, maxaa
yeelay, Kitaabkiisa ayaa kuu sheegayaa oo haddii aad qalbigaada u furtid
isagu diyaar buu kuu yahay inuu Ruuxiisa Qoduuska ah kuugu soo dejiyo si
aad hogaaminta dhabta ah u heshid oo aad weliba uga badbaaddid
dembiyadaada. Laakiin ogow, markuu Ilaah ku badbaadiyo kuuma badbaadinayo
inaad jannada gashi oo keliya. Wuxuu kuu badbaadinaya inaad jacaylkuu
Ilaah kugu badbaadiyey aad dadka kale u sii sheegtid si ay iyaguna u
baraarugaan oo ay boqortooyada Ilaah u rad raadiyaan, waayo, Rabbiga wuxuu
Kitaabka Yeremyaah ku leeyahay qalbigiina oo dhan igu doondoona oo waad I
helaysaan. Runtii kii qalbigiisa oo dhan Ilaah ku doondoona shaki kuma
jiro inuu helaya badbaadada Ilaah. Jannada Dadaalkaada kuma heleysid
Ogow ma
jiro qof ku faani karo badbaadada Ilaah maxaa yeelay, waa Ilaah Markaad liidato Ciise
baa caawimaaddaada ah
Waa su'aal e yaanan u baahnayn
caawimaad? U malayn maayo inuu jiro qof aanan caawimaad u baahnayn waayo,
qof kasta waxaa jirtaa mar uu dhibaysan yahay taa oo ku qasbaysaa inuu u
baahnaado macaawino. Laakiin yaad badbaadada ama caawimaadda dhibaatadaada
ka codsataa? Jawaab alla tii aad bixisayba aan kuu sheego, waxaa jiraa mid
diyaar u ah inuu naga badbaadiyo dhibaatooyinkeena mar alla markaan isaga
hor keeno. Nebi Daa’uud isla xaaladan buu ku jiray oo wuxuu is weydiyey
isla su’aashan wuxuuna yidhi, “Buurahaan indhahayga ku taagi doonaa,
oo Caawimaaddaydu xaggee bay ka iman doontaa? Caawimaaddaydu waxay ka
timaadaa Rabbiga sameeyey samada iyo dhulka.” (Sabuurrada 121:1-2).
Ciise markuu iskutallaabta ku dhimanayay ma jirin qof Ilaah ka codsaday
inuu badbaadiye noo keeno laakiin Ilaah baa na jaclaaday oo sidaa
daraaddeedd wuxuu inoo bixiyey inankiisa madiga ah. Anagoo dembilayaal ah
ayuu dembiyadeena xilka iska saaray wuxuuna ficilka isaga ah ku suubiyey
dhimashada uu ogolaaday in iskutallaabta lagu qodbo. "Laakiinse Maxsiixu waa inoo dhintay intaynu weli
dembiiyaal ahayn, oo sidaasuu Ilaah jcaykiisii inoogu muujiyey." (Rooma
5:8) Ilaah awood badanuu na
siiyey
Ilaah ha naga dhigo kuwii ay indhaha u furmaan oo ogaado jacaylka uu Ilaah noo qabay maxaa yeelay, waa markuu Ruuxa Ilaah noo indha furo markay indhaheena furmayaan oo aan ogaanayno waxa doonista Ilaah ay noo tahay annaga maanta nool waayo, waxaa qoran, "Oo waxaan Ilaah baryayaa in indhaha qalbigiinna la nuuriyo, si aad u ogaataan waxa ay tahay rajada yeedhistiisu, iyo waxa ay tahay hodantinimada ammaanta dhaxalkiisa ee ku jirta qoduusiinta, iyo waxa ay tahay weynaanta xooggiisa aan la koobi karin oo uu u hayo kuweenna rumaysan, sida uu u shaqeeyo xoogga itaalkiisa ee uu kaga shaqeeyey Masiixii, goortuu kuwii dhintay ka soo sara kiciyey.oo uu fadhisiiyey meelaha jannada xagga midigtiisa."(Efesos 1:18-20). Ilaah qofna naarta uguma talagelin laakiin waa baniaadmiga kuwa xushaan inay naarta galaan maxaa yeelay, Ilaah wuxuu doonaya in dadka oo dhan ay isaga addeecaan si ay kuligood jannada u galaan maxaa yeelay, wuxuu naga balan qaaday in kuwii isaga rumaysan oo addeecaan ay isaga la fadhisan doonaan xagga amaantiisa. Isla sida uu Ciise Masiixa uga xorreyey ayuu doonaya inaan kuligeenba ku wada badbaadno waayo, maadama uu Ciise Masiix ku guulaystay annaguna waan ku guulaysan doonnaa noloshan, wayo, isagaa na xoojinaya oo ma ahan annaga kuwa iskooda ama dooniistooda ku socdaan. Aamiin! Ilaahayow waxaad nala rabtid nagu barakee. Masiixa muxuu na
leeyahay?
Haddii uu wax shaki ah kaaga jiro
sara kaca uu Ciise sara kacay inay noo cadaynayso inaan anaguna kuwa isaga
aaminsan aan sara kici doono waxaan kuugu odhan lahaa waxba haka welwelin
waayo, Ciise ayaa ah sara kaca. Ciise
ayaa ah Balanta uu Ilaah na siiyey
Balantu
waa deen waana in la oofiyo ama la gudaa deenta.
Baniaadmiga inta badani way kaaga bixi karaan balanta ay kula
dhigtaan laakiin hadduu Ilaahii ku uumay balan kula dhigto, shaki kuma
jiro inuu yeeli doono ama uu ku ficil qaadi doono wuxuu kaa balan qaaday
maxaa yeelay, weligiisba isaga beenale ma uusan noqon mana noqon doono.
Marka Rumaysadka Ilaah la rumaysto waxaa ka horeeyaa qirashada Ilaah loo
qiranaya dembiyaadii horey loo falay oo laga toobad keenaa. Haddii uu jiro
Dembi aan la qiranin qalbiga ma nadiifsanaani karo sidaa daraadeed waa in
qirashada afka waxaa ka horeysa rumaysadka qalbiga sida qoran, "Haddaad
afka ka qiratid in Ciise yahay Rabbiga, oo aad qalbiga ka rumaysatid in
Ilaah isaga ka sara kiciyey kuwii dhintay, waad badbaadi doontaa…"
(Rooma 10:9). Dembiyadaada ka toobad keen oo ku rumayso qalbigaada oo dhan
in uu Ilaah Ciise Masiix dhimashada ka sara kiciyey. Toobadkeenka runtii
waad ku badbaadi doontaa oo waxaad heli doontaa nolosha weligeed ah oo
farxad waarta ayaad Ilaah kula joogi doontaa. Aan wax ka barano Masiixa
Ma jiro
qof iskiisa isku filan laakiin qof kastaba waa inuu lahaado mid kale uu
wax ka bartaa sidaa darraaddeed waa inaan dhageysano macalinka
macalimiinta (Ciise Masiix) waayo, kii hadalkiisa maqlaa oo rumaystaa kii
isaga soo diray oo ah Ilaaheena na uuntay oo isaga dembidhaafkeena u soo
diray wuxuu helayaa dhabta nolosha weligeed ah. Ciise ayaa yidhi, "Runtii,
runtii, waxaan idinku leeyahay, kii hadalkayga maqla oo rumaysta kii i soo
diray, wuxuu leeyahay nolosha weligeed ah, xukunna geli maayo, laakiin
dhimashadii ayuu ka soo gudbay oo nolosha u soo gudbay." (Yooxanaa
5:10). Waxaan kuugu odhan lahaa ka soo gudub dhimashada oo u soo gudub
nolosha weligeed ah taa oo lagu helaa rumaysadka Ciise Masiix la rumaysto
maxaa yeelay, Ilaah ma uusan noo uumin inaan baaba'no laakiin wuxuu noo
uumay inaan wada badbaadno. Ilaah wuxuu doonaya inaan isaga nolosha
da'imiska ah kula qaybsano malaa'igahiisa anaagoo ku haysayno sida ku
dhigan Muujintii 4:8 oo leh,
"…qoduus, qoduus, qoduus waxaa ah Rabbiga ah Ilaaha Qaadirka ah, oo
jiray oo jira …" Ilaah weydiso inuu kaa dhigo qof ka tirsan kuwa
boqortooyadiisa farxad ku geli doonaan oo weligood mahad naq iyo
saraysintiisa ku noolan doonaan. Amaan waxaa mudan Rabbiga Ilaaheena ah
weligiis. Qof kastoo dunida ku nool wuxuu rajaynayaa inuu nolosha janna ku
noolaado taa oo ah nolosha lagu noolaan doono xukunka ka bacdi. Haddii aan
isku deyno inaan macnayno jannadaan aan u dabaal degeyno way adag tahay
maxaa yeelay, ma jiro qof weligiis arkay jannada laakiin waxaan odhan
karnaa jannadu waa nolosha ay Masixiinta rajaynayaan inay ku nooladaan
wakhtiguu Ciise soo noqdo ka dib. Laakiin su'aasha kale waxay noqon kartaa
'jannada waa intee? Ma meel baa ama hab noolayd? Nolosha xagga jannada waa
mid sidee ah? Jawaabta keliya oo aan bixin karno waxay tahay jannada waa
meesha uu Ilaah ku nool yahay, malaaigaha ay ku noolyihiin iyo weliba
meesha ay qoduusiinta oo dhan ku nool yihiin kuna noolaan doonaan. 1
Korintoos 15:35-53 waxaan arkaynaa in gelidda jannada ay laxiriiri doonaan
waxyaalaha sida jidh cusub, jidh asli ah, jidh aan qudhmi doonin, jidh uu
cudurka waxba ka tari doonin oo weligiis jiri doono. Xagga jannada waxaa
xiriir lala yeeshanaya Ilaaha weyn ee na uuntay oo noo uuntay ugu
horeyntiba inaan ugu dambaysta isaga la noolaano weligeenba taa uu
Kitaabka qoduuska ahna uu ku macnayey 'Yerusaleemta Cusub.' Jannadanu wax
sidee ah bay noqon doontaa? Waxaa jiraan dad aan waraysi la yeeshay si aan
uga maqlo waxay iyaga la tahay erayga janna. Jawaabta ay I siiyeen waxaan
ku soo koobay labadaan, v
'jannadu waa
naxariis iyo barwaaqo xagga Rabbiga ka timid mid kasta oo dembiga ka
fogaado oo Ilaah adeecana wuu rajaynaya' v
'jannadu waa
meel aad ka heli kartid wax alla wixii aad u baahan tahay oo wanaagsan
sida naxariista Ilaah, nimcada Ilaah iyo wax kastoo xagga Ilaah ka
yimaadaan laakiin waxaa saldhig u ah badbaadada Ciise Masiix lagu helo ka
dib markaad Ciise rumaysatid oo aad addeecdid' Rasuul
Bawlos wuxuu jannada ku macnayay sida tan, "…tan madaxda wakhtigan
midkoodna aanu garannaynin, waayo, haaday garan lahaayeen, iskutallaabta
kuma ay qodbeen Rabbiga ammaanta, laakiin sida qoran, waxyaalo aanay ishu
arkin, oo aanay dhegtu maqlin, oo aan qalbiga dadka gelin, wax kastoo ay
yihiinba, Ilaah baa u diiyaariyey kuwa isaga jecel." (1 Korintos 2:
9) Isla macnayntan waxaad ka akhrin kartaa Kitaabka qoduuska ah buugiisa
Ishacyaah 64:4. Bal aan
ku siiyo tusaale kale, adigoo qalad samayay oo maxakamadda lagu saaray
runtii miyaad rajayn kartaa inaan lagu edbinin? U malayn maayo. Haddii uu
jiro xakiin xaqnimo ku shaqaynaya waa waa inuu mid kasta siiya wax
istaahila dembiga uu galay. Ilaah ayaa ah 4.
Wanka Ilaah Haddii
aan doonayno inaan wax ka sheegno wax Ilaah ku saabsan bal aan horta yara
macnayno erayga wan ka dibna way noo dhaadhici kartaa macnaha iyo sababta
Wanka Ilaah loogu baahanyahay. Arinta wanka Ilaah waxaan u kala qaadaya
laba qodob taa oo ay ka mid yihiin kuwan, q
Sida ama
waxyaalaha wanka loo istecmaali jiray/loo istecmaalo q
Waxyaalaha wanka
masaal loogu dhigay Istecmaalka I.
Wanka waxaa loo
istecmaali jiray oo maantaba loo istecmaalaa cunto ahaan sida aan uga
akhrinayno Samuu'eelka Labaad 12:4 waxaana qoran sida tan, "Waxaa
ninka taajirka ahaa u yimid nin socoto ah, markaasuu ka lexejeclaystay
idihiisii iyo lo'diisii inuu uga loogo ninkii socotada ahaa ee u yimid,
laakiinse wuxuu soo qabtay nayshii ninka meskiinka ahaa, wuuna u qalay
ninkii u yimid" II.
Wanka waxaa kale
oo laga heli jiray huwinta sida aan uga akhrinayno Kitaabka Qoduuska ah
waxaanna qaas ahaan uga akhrinayna Maahmaahyadii 27:26 waxaana qoran sida
tan, "Baraarku waa kuu dhar, oo adhiguna waa kuu qiimihii beerta" III.
Wanka waa lagu
beecmushtari jiray sida aan uga akhrinayno Kitaabka sida ku dhigan Cesraa
7:17 waxaana qoran sida tan, "Haddaba sidaas daraaddeed waa inaad aad
ugu dadaashaa inaad lacagta ku iibiso dibi, iyo wanan, iyo baraar, iyo
qurbaannadooda hadhuudhka ah, iyo qurbaannadooda cabniinka ah, oo aadku
dulbixisa meesha allabariga ee guriga Ilaahaaga oo Yeruusaalem ku yaal." IV.
Wanka axdi baa
lagu xidhan jiray sida aan uga akhrinayno Bilowgii 21:28-32 waxayna
leedhay sida tan, "Kolkaasaa Ibraahim idihii ahaan uga bixiyey
toddoba sabeennood. Abimelekna wuxuu Ibraahim ku yidhi, Micnehoodu waa
maxay toddobadan sabeennood oo aad gooni ahaantooda u bixisay? Markaasuu
yidhi, Toddobadan sabeenood waa inaad iga guddoontid inay markhaati ii
noqoto inaan anigu ceelkan qoday. Sidaas daraaddeed meeshaas wuxuu u
bixiyey Bi'ir Shebac; maxaa yeelay, labadooduba meehaas bay ku dhaarteen.
Sidaas daraaddeed axdi bay ku dhigteen Bi'ir Shebac; markaasaa Abimelek
kacay, isaga iyo Fiikol oo ahaa madaxda ciidankiisa, oo waxay ku noqdeen
dhulkii reer Falastiin." Waa
su'aal e yaa markhaati kuu noqon doonaa maalinta xukunka ama maalinta
aduun gadoonka? Anigu markhaatigayga oo keliya waa masiixa maxaa yeelay,
waxaan ogahay haddii aan isaga rumaysto oo aan dadkana jacaylkiisa u
sheego, maalinta uu soo noqon
doono Ilaah hortiisa ayuu iigu maragfuri doonaa sida qoran, "Laakiin
ku alla kii igu dafira dadka hortiisa, anna waan ku dafiri doonaa
Aabbahayga jannada ku jira hortiisa." (Matayos 10:33) Ciise ayaa
erayadaan ku hadlay oo runtii ku alla kii isaga inkiraa inuu yahay Rabbiga
una yimid inuu baniaadmiga dembiga maydhan ah nadiifiyo, runti maalinta
xukunka su'aal culus baa u taala. Kan Ciise Masiix wakiil ka dhigtaa
runtii weligii ma ceeboobi doono maalinta xukunka Ilaah wuxuu Ilaah kula
hooyan doonaa jannada. Ciise
masiix waa balantuu Ilaah nagula galay inaan isaga rumaysano waayo, mid
alla kii isaga rumaystaa weligii ma uusan dhiman doono laakiin wuxuu
lahaanaya nolosha weligeed ah sida qoran, "Ilaah intuu dunida jacayl
u qabay ayuu siiyey Wiilkiisa keliya oo dhashay in mid kastoo isaga
rumaystaa uusan lumin laakiinse uu lahaado nolosha weligeed ah." (Yooxanaa
3:16) Laakiin bal aan ku weydiye, maxay ahayd sababta uu Ilaah Ciise
Masiix u keenay ma inuu dunida xukumuu u keenay madaama uu baniaadmiga
wada dembaabay? U malayn maayo, waayo, waxaa qoran, “Ilaah wiilka uguma
soo dirin dunida inuu xukumo dunida, laakiin wuxuu u soo diray inay dunidu
ku badbaaddo isaga. [maxaa yeelay,] Kii isaga rumaystaa ma xukumna,
laakiisne kii aan isaga rumaysan, hore ayaa loo xukumay, maxaa yeelay,
wuxuusan rumaysan magaca wiilka Ilaah oo keliya oo dhashay.” (Yooxanaa
3:17,18). V.
Haddana wanka
waxaa loo istecmaali jiray sida sadaqada Ilaah markii la baryaya la gubo.
Bal aan is weydinee meqaa muraad baa la samayaa oo dhiig lagu daadiya
sanadka gudihiisa iyadoo Ilaah laga doonaya inuu cafis keeno, abaar
baabi'iyo, cudur fafaya baabi'iyo iwm? Laakiin Ciise Masiix waa wanka
keliya oo aan iin lahayn oo loo doortay inuu noqdo 1.
Waan kuu
imanayaa, Ciisahaygow; Shayddaan waan diidayaa, dembi iga saar. Waan ku
jeclahay, waan ku aammiinayaa, waan kuu imanayaa, Ciisahaygow. 2.
Waan kuu
imaanayaa, Ciisahaygow; qalbigayga safee, dhiigga igu mayr. Waan ku
jeclahay, waan ku aamminayaa, waan kuu imanayaa, Ciisahaygow. 3.
Waan kuu
imanayaa, Ciisahaygow; Qalbigayga qaado, kaagii buu yahay. Waan ku
jeclahay, waan ku aammiinayaa, waan kuu imanayaa, Ciisahaygow. Ciise
oo keliya ayaa ah
Waan kuu imanayaa, Ciisahaygow - Waa
inaad wax kasta aad ka tagtid oo aad isaga raadisid waayo, isaga waa la
heli karaa isla markii qofka iisu dhiibo. Ciise ayaa noo yeedhay oo ma
ahan anaga kuwa niyeystay inay isaga u tagaan oo eraygiisa Injiilka ayaa
dhigaya sida tan, "Ii kaalaya kulligin kuwiinna hawshaysan oo
culaabaysanow, oo anigu waan idin nasin doonaa." (Matayos 11:28)
Aayad kalena waxay leedahay sida tan, “Rabbiga doondoona inta isaga la
heli karo, oo isaga barya intuu dhowyahay. Ka sharka lihi jidkiisa ha ka
tqago, ninka aan xaqa ahaynuna fikirraddiisa, oo Rabbiga ha u soo noqdo,
isna wuu u naxariisan doonaa, oo ha u yimaado Ilaaheenna, waayo, aad buu u
naxariissan doonaa. Waayo,
Rabbigu wuxuu leeyahay, Fikirradaydu fikirraddiinna ma aha oo
jidadkiinnuna jidadkayga ma aha. Maxaa yeelay, sida samooyinku ay dhulka
uga sarreeyaan ayay jidadkaygu udadkiinna uga sarreeyaan, oo ay
fikirradayduna fikirradiinna uga sarreeyaan. Waayo, sida roobka iyo
barafka cadu ay samada uga da’aan, oo ayan halkaas ugu noqon, laakiisne
ay dhulka u waraabiyaan oo ay uga dhigaan inuu soo bixiyo oo magoolo, si
uu abuur u siiyo kan wax abuurta, oo uu cunto u siiyo kan wax cuna, sidaas
oo kaluu hadalkii afkayga ka soo baxaa noqon doonbaa, oo isagoo madhan igu
soo noqon maayo, laakiinse wuxuu oofinaya wixii
aan ula qastiyey, waana ku soo liibaanaya wixii aan u diray.”
(Ishacyaah 55:6 – 11).
Shayddaan
waan diidayaa, dembi iga saar - Wax
alla wixii doonista Ilaah aan ahayn waa inaad ka fogataa waayo, wax
yaalahas oo dhan waa hawlaha shaydaanka oo Ciise Masiix diiyaar buu u
yahay inuu dembiyadaada kuu dhaafo ama kuu cafiyo waayo, isagaa eraygiisa
noogu balan qaaday inuu noo cafinayo haddii aan si daacadnimo ah isaga ugu
qirano oo aan cabsida aan qoduusnimadiisa ka qabno ku toobad keeno. Ilaah
ha naga dhigo kuwa is hubaan oo Ilaah ku odhan karaan erayadaan uu Nebi
Daa'uud ku hadlay iyo kuwa la mid ah, "Rabbiyow, I xukun, waayo,
waxaan ku socday daacadnimadayda, oo welliba waxaan Rabbiga isugu
halleeyey rogrogmasho la'aan. Rabbiyow, I imtixaan, oo I tijaabi, oo
uurkayga iyo qalbigaygana baadh. Waayo, raxmaddaadu waxay taal indhahayga
hortooda, oo waxaan ku socday runtaada…" (Sabuurrada 26:1-3) Dadka
inta badani waxay yihiin kuwa dembiyadooda awgood aan xataa doonaynin in
magaca Ilaah lagu soo qaado iskaba daa inay geesinimadaan Ilaah hortiisa
ku imaadaan. Laakiin waxaan doonaynaa in uu Ilaah naga dhigo kuwa Ilaah ka
cabsadaa oo doonistiisa yeelaa. Kitaabka wuxuu leeyahay, "…nin
kasta shuqulkiisa ayaa la muujin doonaa. Waayo, maalintu way caddayn
doontaa, maxaa yeelay, dab baa lagu muujiyaa, waayo, nin kasta shuqulkiisa
caynkuu yahay dabka ayaa tijaabin doonaa. Nin uun haddii shuqulkiisuu ku
dul dhisay hadho, abaalk buu heli doonaa. Nin uun haddii shuqulkiisu gubto,
wuu khasaari doonaa, isaga qudhuususe wuu badbaadi doonaa, laakiin sidii
wax dab laga soo baxshay oo kaluu u badbaadi doonaa." (1 Korintos
3:13-15) Haddii
aan si gaaban ku sheegno shuqulka uu dabka gubi doono waa Qalbigayga
safee, dhiigga igu mayr - Waa
inaad Ilaah weydisataa inuu qalbigaada safeeyo oo uu wasakh kasta
uu kaaga nadiifiyo dhiigiisa qaymaha leh oo waad ka cadaan doontaa
wax alla wixii aad maanta u malaynaysid inay aad u cadyihiin waayo erayga
Ilaah wuxuu leeyahay, "In kastoo ay dembiyadiinnu guduudan yihiin,
sida baraf cad oo kalay u caddaan doonaan, oo in kastoo ay cascas yihiin,
sida suuf oo kalay ahaan doonaan." (Ishacyaah 1:18) Qalbigayga qaado, kaagii buu yahay - Waa in haddii aad qalbigaada
Ilaah u furtid aadan wax kale ku dhex qasin oo aad Ilaah ka codsataa inuu
Ruuxiisa Qoduuska ah kuugu soo dejiyo si uu u noqdo hogaankaada jira. VI.
Wanka waa
Calaamad - Wanka
waxaa loo istecmaali jiray sida calaamad macna kale ay ku jirto sida dadka
Ilaah tusaale ahaana waxaan ka akhrin karnaa Ishacyaah 5:17 oo leh, "Oo
markaasay baraarku daaqsintooda ikhtiyaar u daaqi doonaan, oo kuwii
barwaaqaysnaana meelahooda baaba'ay waxa cuni doona shisheeyayaal." VII.
Wanka waa
calaamadda rumaystayaasha liita sida qoran, "Isagu adhigiisuu u
daajin doonaa sida adhijir oo kale, naylahana gacantiisuu ku ururin doonaa,
oo wuxuu ku qaadi doonaa laabtiisa, oo kuwa la nuugana qun yar buu u hor
kici doonaa." (Ishacyaah 40:11) VIII.
Wanka - kuwa
Ilaah u adeego sida qoran, "Socda, oo ogaada, waxaan idiin dirayaa
sida baraar oo yeey ku dhex jira." (Luukos 10:3) IX.
Wanka -
boqortooyada Masiixa sida qoran, "Oo
yeydu waxay la joogi doontaa baraarka, shabeelkuna wuxuu la jiifsan doonaa
waxarta, oo weysha iyo dhasha libaaxa iyo neefka buuranu way wada joogi
doonaan, oo waxaa iyaga hor kici doona ilma yar." (Ishacyaah 11: 6) Imaw
Rabbiyow maalinta iyada ah qalbi furan baan kugu sugayna e kuweena ku
rumaystay. Oo intaadan imaanina waxaan kaa baryaynaa inaad Ruuxaada
Qoduuska ah ku soo dejisid kuwa aan weli ku rumaysan si ay u wada qirtaan
dembiyadooda oo ay dhiigaada iskutallaabta darraaddood ugu daatay u helaan
rajada nolosha weligeed ah. Marka waa inaan u dabaal degnaa sida aan
maalinta aan aayadaan ka akhrinayno aan u noqono kuwa helaan taa oo ah
jannada. Ku dabaal deg sida aad dhimashada uga soo noolaan lahayd oo aad
nolosha weligeed ah u heli lahayd. Tan sababteedu waa si ay uga soo wada
baxsadaan dhimashada kuwa aanan weli Rabbiga rumaysan maxaa yeelay, waan
ognahay Rabbiyow inaadan baniaadmiga ugu talo gelin naarta. Adigu laakiin
waxaad doonaysaa inuu qof kast ka toobad keeno dembigiisa si ay u wada
badbaadaan oo ay weligoodba kuula jiraan. Tani waa waxa ay dadka oo dhan u
wada dhaarsan yihiin taa oo ah JANNADA laakiin miyaanu ku noolnahay sida
aan ku heli lahayn noloshaas? Haddaadan ku noolayn ama aadan ogayn sida
aad ku heli lahayd waxaan u malaynaya in buugan uu ku baraarujin doono
adiga akhrisanaysid. Walaal
u dabaal deg sida aad dhimashada uga soo noolaan lahayd oo aad nolosha
weligeed ah u heli lahayd. Wadanka
Keniya markuu xornimada ka helay Ingiriiska waxaa jireen erayo oo wadanka
oo dhan dadka horseed u noqday oo leh 'fuata
nyayo' taa oo ay micnaheedu tahay “raadka raac” yaa raadkiisa?
Raadka kii wadanka ku hogaamiyey xornimada kaa oo ahaa madax weynihiin ugu
horeyey ee Keniya oo la odhan jiray Kenyatta. Macnaheeduna waxay ahayd
inay dadka jacaylkii uu wadanka u qabay ay u qabaan oo ay wadankooda
dhisaan. Laakiin haddii aanu baniaadmi nahay ma raacayno raad kale laakiin
waxaan raacaynaa raadka Ilaah ama waxaan isku deyeynaa inaan doonista
Ilaah samayno oo aan qalbiyadeena u dhisno si Ilaah ka farxinayno. Haddii
aad doonaysid sida aad ku heli lahayd nolosha weligeed ah waa inaad
rumaysatid Tan
macnaheedu waa sida ku qoran Kitaabka qoduuskaq ah isagu ma ahan jidka la
marayo ee caadiga ah ee dhuleed laakiin waa nolosha lagu noolaan lahaa oo
lagu deyan lahaa. Ciise Masiix maanta wuxuu nagu leeyahay fuata Nyayo
taa oo aan iyaduna ka akhrin karno Galatiya 5:22 oo leh, "Laakiin
midhaha Ruuxa waa jacayl, farxad, nabad, dulqaadasho, roonaan, wanaag,
aaminnimo, qabownimo, iscelin; waxa caynkaas ah sharci ka gees ahu ma jiro."
Ciise wuxuu jidka ku noqday tusaalihiisa oo la raaco oo noloshuu ku nolaa
lagu noolaado, wuxuu ku noolaa nolol iin la'aan ah soddon iyo saddexda
sano uu dunida ku noolaa. Wuxuu doonaya inaan isaga jidkeena ka dhigano oo
aan rumaysano inaan awoodi karno maadama uu isaguba awooday. Haddii ay
waxyaalahan oo dhan qalbiyadeena ku jiraan runtii waan wada ognahay in
Rabbiga uu ku farxayo nolosheena waayo, waxaan ku dayanay noloshuu Ciise
ku nolaa. Miyaad
weli ku wareersan tahay Masaalka wanka
Haddana
bal aan fiirino macnaynta wanka Ilaah waayo, qumaati baan u aragnay waxa
uu yahay wanka. Waxaa kuu soo jeedinaya toddoba qodob oo noo sheegayaan
macnaha guud iyo sida Ciise Masiix wanka Ilaah u ku noqday waana kuwan, 1.
Wanka Ilaah waa
Ciise Masiix sida qoran, "Isaga waa la dulmay, waana la dhibay,
laakiinse innaba afkiisii ma uu kala qaadin. Isaga sidii wan la qalayo baa
loo kexeeyey, oo sidii lax ku aamusan kuwa dhogorta ka xiira hortooda,
isagu afkiisa ma uu furin." (Ishacyaah 53:7) Dhibaato
ah kastoo Ciise qabsatay waxay ugu dhacday daraaddeen. Haddusan Ciise
jidhkeena lahaadeen ma aanan fahmeen sababta iyo muhimadduu u yimid.
Hadduu Ilaah Malaa'ig soo diri lahaana ma ay wanaagsnaateen maxaa
yeelay, Malaa'igta ma dembaabin weligood mana oga dhibaatada uu dembiga
baniaadmiga ku hayo. Haddana waxaa muuqataa oo dhiiri gal noo ah Ciise
isagoo isla jidhka aan qabno leh ayuu noqday mid dembi kasta ka guulaystay.
Haddii aan isaga ku deyanona shaki kuma jiro inaan inaguna ku guulaysan
doono haddii aan isaga rumaysano oo aan ku dayano oo aan weliba ogolaano
inuu noqdo hogaamiyaheena jira. Dhibaato kuuma dhinno haddii aad Masiixa
rumaysan tahay waayo, mid alla kii isaga rumaysan intuu dunidaan ku nool
yahay wuu marayaa qaxar kasta. Ciise wuxuu yidhi, "…Mid uun hadduu
doonayo inuu iga daba yimaado, ha is-inkiro, iskutallaabtiisana maalin
walba ha soo qaato oo ha I soo raaco. Waayo, Waxaa
dhici kartaa in rumaysadka aad isaga rumaysanaysid ay cadaadin kuu keento
laakiin Ciise wuu sii sheegay in rumaysadka isaga la rumaysanayo uu keeni
doono kala qaybsanaan dadka dhexdooda ah taa oo aan ka akhrinayno Matayos
10:34-37 waxaana qoran, "Ha u malaynina inaan u imid inaan nabad
dhulka u keeno; uma aan iman inaan nabad keeno, laakiin inaan seef keeno.
Waxaanse u imid inaan nin cadow kaga dhigo aabbiihiis, gabadhana hooyadeed,
naagna soddohdeed. Nin cadowgiisu waa dadka gurigiisa. Waxaa
laga yaaba inay waalidkaada kuu diidaan gabadh aad jeclaatay oo ay ku
yidhaahdaan, ‘qolodaas isku ceel Qaar
waxay kuugu odhan doonaan, waar waad na ceebeysay oo waad gaalawday sidaa
daraaddeed qabiilkeena oo dhan ayaad ceeb iyo inkaar u keentay. Maxaan kuu
tari waynay oo aad gaalada ka heshay haddaba waan ku siinayna e.
Waxa Masiixa lagu helo haddii ay ahaani lahayd wax dunida laga helaya
maanta hal qof oo Masiixa raacsan lama aragteen. Sidaa daraaddeed,
Masiixnimada waxay u baahantahay dulqaad badan iyo adiga oo xiriirka aad
Ilaah la leedahay noqdaa mid jira oo nadiif ah – waa inaad dembi kasta
ka fogaatid wax kastoo ay kuugu qaadataba. Masiixnimada ma ahan guri
fiican, lacag, baabuur iyo wax alaate wixii ay dadka u malaynayaa inay
dadka diintooda uga tageen oo ay masiixnimada u qaateen. Wax dheeraad ah
waxaad ka akhrin kartaa buug kale oo aan qoray oo la yidhaahdo
“DHIBAATOOYINKA NOLOSHA LAGALA KULMO.” Ciise wuxuu yidhi,
"Waxaa barakadaysan ninka jirrabaadda u sii adkaysta, waayo,
goortii loo bogo, wuxuu heli doonaa taajka nolosha Ilaah ma
ahan mid sida baniaadmiga u rogrogmada. Balantiisa wuu oofiya waa inaan u
adkaysanaa dhibaata kastoo aan rumasadkayna kala kulmayno waayo, ugu
dambaysta waan farxi doona. Kuwa tartanka galaan waxay hadiyaddooda helaan
kadib markay tartamaan oo la ogaado Waxyaalaha
dunidaan yaanan na qayaanayn maxaa yeelay, wuxuu Ilaah noo hayo waa
waxyaala la yaab leh sida qoran, “Waxaannu xigmadda kula hadallaa kuwa
garashadu ku dhan thay, taasoo aan ahayn xigmadda wakhtigan, oo aan ahayn
xigmadda madaxda wakhtigan oo ah kuwa la baabi’in doono;
laakiin qorsoonaan ayaannu ugu hadallaa xigmadda Ilaah oo la
qariyey, oo Ilaah dunidan horteed ka dhigay ammaanteenna aawadeed, tan
madaxda wakhtigan midkoodna aanu garanaynin, waayo, hadday garan lahaayeen,
iskutallaabta kuma ay qodbeen Rabbiga ammaanta, laakiin sida qoran, waxyaalo
aanay ishu arkin, oo aanay dhegtu maqlin, oo aan qalbiga dadka gelin, wax
kastoo ay yihiinba, Ilaah baa u diyaariyey kuwa isaga jecel.
Innagase Ilaah baa inoogu muujiyey Rauuxa, waayo, Ruuxu wuxuu
baadhaa wax kasta, xataa waxyaalaha hoos u dhaadheer oo Ilaah. Waayo,
dadka dhexdood yaa garannaya nin waxyaalihiisa, ruuxa ninka ku jira
mooyaane? Sidaas oo kalena ninna garan maayo waxyaalaha Ilaah, Ruuxa Ilaah
mooyane. Laakiin innagu ma aynu helin ruuxa dunida laakiinse Ruuxa Ilaah
ka yimid inaynu garanno waxyaalaha uu Ilaah nimco ahaan ino siiyey.” (1
Korintos 2:6 – 12) Jirrabaadda waan u adkaysan karnaa maxaa yeelay, waa
uun mudo yar sida qoran, oo leh sida tan, "Waayo, haddii waxa
idlaanayaa ammaan lahaan jiray, intee ka badan baa waxa hadhaa ammaan
leeyahay." (2 Korintos 3:11) Rabbiga
wuu ogaa waxaan oo dhan wuuna sii in kuwa Ilaah darraaddiis jarribaadda
dunida iskiiga inkiraan ay noqon doonaan kuwa boqortooyadiisa dhaxli
doonaan. Waxyaalo badan ayaa baniaadmiga boqortooyada Ilaah ka hor istaagi
karaan. Wax faa’ido ah ay leedahayna ma jirto haddii aan dunida u go'no
laakiin aan jannada gefno, maxaa yeelay, waxay noqonaysaa shalayn weligeed
ah maalinta xukunka. "Waayo, nin maxay u taraysaa hadduu dunida oo
dhan helo oo uu naftiisa lumiyo? Ama nin muxuu u bixiyaa naftiisa
bedelkeeda?" (Lukos 9:23-25) 2.
Reer binu
Israa'iil baa lagu magacaabay wanka Ilaah sida qoran, "Maalintii
labaad Yooxanaa wuxuu arkay Ciise oo ku soo socda, oo wuxuu yidhi, Bal
eega Wanka Ilaah ee dembiga dunida qaadaya." (Yooxanaa 1:29) Tani
waxay ahayd maragfur uu Ruuxa Qoduuska ah cadeyey oo qof kastoo maanta
Erayga Ilaah iisu bandhiga Ilaah diyaaruu u yahay inuu Ruuxiisa qoduuska
ah wax ku fahansiiyo. Laba shey ayuu Ruuxa Ilaah qofka daacadda ah
fahansiiya, Erayga Ilaah iyo inuu Ciise yahay badbaadiyaha dunida. Ciise
waa badbaadada dunidan dembiga miidhan ma jirto jawaab kale oo dembiga loo
hayo waayo, waxaa qoran "Mid kale badbaadada laga ma helo, maxaa
yeelay, ma jiro magac kale samada hoosteeda oo dadka dhexdooda loo bixiyey
oo waajib inoo ah inaynu ku badbaadno." (Falimaha Rasuulada 4:12) 3.
Wanka Ilaah
waxaa masaal looga dhigay 4.
Wanka Ilaah waa
kan la sarsaysiyo weligiiba, maxaa yeelay, waa badbaadiyaha dunida sida
qoran, "Oo carshiga
badhtankiisii iyo afarta xayawaan iyo odayaasha badhtankoodii waxaan ku
arkay Wan taagan oo ah sida mid la gowracay oo leh toddoba gees iyo
toddoba indhood oo ah toddoba Ruux oo Ilaah, oo loo soo diray dunida oo
dhan…oo wax kasta oo la abuuray oo ku jira samada, iyo dhulka dushiisa,
iyo dhulka hoostiisa, iyo badda gudaheeda, iyo waxyaalaha iyaga ku jira oo
dhan, ayaa waxaan maqlay iyagoo leh, Kan carshiga ku fadhiya iyo Wanka ha
u ahaadeen mahad, iyo ciso, iyo ammaan, iyo xoog, weligood iyo weligood."
(Muujintii 5:6, 13) 5.
Wanka Ilaah
waxaa lagu macnayey sadaqada Ilaah oo haddii ay weligeedba jirtay sadaqa
la bixiyey ma jirto mid ka qayma badnayd tan uu Rabbigeena bixiyey. Waxaa
qoran, "…laakiinse waxaa laydinku soo furtay dhiiggii qaaliga ahaa
oo Masiixa oo ah sidii wan yar oo aan wax ceeb ah iyo iin toona lahayn."
(1 Butros 1:19 ) Aayaddaha kalena waxay leeyihiin, "Oo markii labaad
waxaa walaalihiis la aqoosiiyey Yuusuf; markaasaa Fircoon wuxuu gartay
Yuusuf qoladiisii. Markaasaa Yuusuf cid u diray oo u yeedhay aabbihiis
Yacquub iyo dadkiisii oo dhan oo ahaa shan iyo toddobaatan qof." (Muujintii
7:13,14) 6.
Wanka Ilaah waa
masaalka lagu macnayey badbaadiyaha, maxaa yeelay, welwelka maanta dadka
haysto waa sidii badbaado lagu heli lahaa waxaana qoran, "Oo waxay ku
gabyeen gabay cusub iyogoo leh, Adigu waxaad istaahishaa inaad kitaabka
qaadato oo aad shaabadihiisa furto; waayo, waa lagu gowracay, oo waxaad
Ilaah dhiiggaaga ugu soo iibisay dad ah qabiil kasta iyo af kasta iyo dad
kasta iyo quruun kasta…" (Muujintii 5:9) 7.
Wanka Ilaah
waxaa masaal looga dhigay boqor sida qoran, "Oo iyan waxay ku gabyeen
addoonkii Ilaah oo Muuse ahaa gabaygiisii iyo gabaygii Wanka iyagoo leh,
Rabbiyow Ilaaha Qaadirka ahow, shuqulladaadu way weynyihiin, oo yaab bay
leeyihiin. Boqorka quruumahow, jidadkaagu waa xaq oo waa run." (Muujintii
15:3) Masiixaa
bedelay kafaarogudkii la bixin jiray oo dhan oo isagu waa Haddii ay
su'aashaadu tahay tii aan buugan bilowgiisa ka sheegay oo ahayd "…maxaa
igu waajib ah inaan yeelo inaan ku badbaado?'' Jawaabtaada waa tan, "Kolkaasay
ku yidhaahdeen, Rumayso Rabbi Ciise, waadna badbaadi doontaa, adiga iyo
dadka gurigaaguba." (Falimaha Rasuullada 16:31) Ciise diyaar buu u
yahay qof kastoo isaga Rumaystaa wuuna badbaadin doonaa oo qof alla kii
maanta isaga u yimaado wuu ku qaabilaya boqortooyadiisa waayo wuxuu yidhi,
"Bal eeg, albaabkaan taaganahay oo garaacayaa; haddaba haddii nin
codkayga maqlo oo albaabka iga furo, waan u soo gelayaa, oo waan la
cashayn, isna wuu ila cashayn. Kii guulaystaa, waxaan siin doonaa amar uu
carshigayga igula fadhiisto, sida aan aniguba u guulastay, oo aan Aabbahay
ugula fadhiistay carshigiisa." (Muujintii 3:20-21) Albaabka uu Ciise
Masiix ka hadlayo waa qalbigaada waayo, xur baad u tahay oo majiro qof
gurigaada amar ku geli karo hadaadan qof ku soo dhoweynin tuug mooyaane.
Qalbigaaduna waa isla sidaa oo wax kuu soo geli karo majiraan hadaadan
adigu ogolaanin inaad ka tagtid waxyaalah sharka ah oo aadan Rabbi Ciise
Masiix ku soo dhoweynin inuu xukumo noloshaada oo dhan. Laakiin ogaanteeda
lahaw isaga daqiiqad walba diyaar buu kuu yahay inuu noloshaada xukumo oo
uu jidka xaqa ah kuugu toosiyo laakiin adiguu idiin kaa sugayaa. Qof alla
kii aan isaga noloshiisa u dhiibin wuxuu ku dambayn doonaa shalayn waayo,
sida qoran, "…Anigu waxaan ahay jidka iyo runta iyo nolosha. Ninna
Aabbaha [Ilaah] uma yimaado, xaggayguu ku yimaado maahee." (Yooxanaa
4:16) Waxa keliya oo aan u baahannahay waa runta waayo, runta ayaan ugu
dambaysta ku heleyna nolosha weligeed ah runtana waa Ciise masiix. Jidka
xagga Ilaah lagu gaarayo waa Ciise. Ha ilowbin inay jiraan jidad kale oo
dadka naarta ku hogaamiyaan. Wax kastoo la aaminaba maalinta xisaabta
waxaa jiraan oo keliya laba jid, Nolosha
aad haatan ka dib ku noolaan doontid maanta ayaad go'aan ka gaari kartaa
oo sida keliya oo aad go'aan uga gaari kartidna waxay tahay inaad Masiixa
ogolaatid. Markaad isaga qiratid wuxuu kuugu darri doona xisaabta
kuwa gacanta midigta ah loo sooci doono. "Goortii Wiilka Aadanahu
ammaantiisa ku yimaado, isaga iyo malaa'ihaga oo dhan, markaasuu carshiga
ammaantiisa ku fadhiisan doonaa. Qurumaha oo dhan ayaa hortiisa lagu soo
uruurin doonaa oo wuxuu ku kala sooci doonaa mid mid sida adhijirku u kala
sooco idaha iyo riyaha. Idaha wuxuu joojin doonaa midigtiisa, riyahana
bidixdiisa. Markaasaa Boqorku kuwa midigtiisa jooga ku odhan doonaa,
Kaalaya, kuwa Aabbahay barakadeeyeyow, oo dhaxla boqortooyada tan iyo
aasaaskii dunida laydiin diyaariyey…markaasuu kuwa bidixdiisa jooga ku
odhan doonaa, kuwa yahow inkaaranu, iga taga oo gala dabka weligiis ah kan
Ibliiska iyo malaa'igahiisa loo diyaargareeyey." (Matayos 25:31-41). Waxaa
kale oo halkan ka soo dhalanaya inay jirto arintii aan horey u soo sheegay
oo ku saabsanayd in Ilaah uu naarta ugu talagelin baniaadmiga. Baniaadmiga
ayaa xulanaya inuu Ilaah
adeecaya ama inuu sheydaanka adeecaya maxaa yeelay, waa maalinta ugu
dambayso marka dadka lagu kala saari doono falalkooda. Dabka waxaa loogu
tala galay Ibliiska iyo malaa’igahiisa isaguna waa beenaale oo wuxuu
doonaya inuu helo kuwa badan uu dadka la galo maxaa yeelay, isagu wuu
hubaa inuusan wax rajo ah xagga Ilaah ka lahayn. Gacalow, way cadahay in
Ilaah uu naarta baniaadmiga ugu talo gelin laakiin loogu talagalay
Ibliiska iyo malaa'igahiisa. Baniaadmiga gadaal buu ka soo gelaya naarta
laakiin Ibliika wuu ku sii jiray waayo, waa isaga Dhibaata
kastoo ku soo gaadho u gegso waayo, sida aan aayad horey uga soo sheegay
waa kuwa u gegsan doonaan ilaa wakhtiga dhamaadkiisa kuwa taajkuu Masiixa
u diyaariyey heli doonaan. Duldqaad lahaw oo fejignaw ilaa maalintaas
xisaabta laga gaari doono. Dhibaatada ku haysato waa mid wada haysato kuwa
dunida ku nool oo Rabbiga aamineen oo dhan. Markay dhibaato ku haysato,
hortaada ha fiirin, gadashaada ha fiirin oo dhinacyadaaduna ha fiirin
laakiin Kor fiiri oo taa macnaheedu ay tahay Ilaah u jeeso waayo, waa
Ilaah keliya Waxaa
kuugu waajib ah inaad Ilaah u jeesatid oo aad isaga ka codsatid jid aad
uga baxsatid dhibaatada. Waad aragtay Nebi Daa'uud inuu dhibaato soo maray
laakiin Ilaah buu u jeestay oo ma ahan keliya nebi Daa'uud waayo, "Jirrabaadna
idinma qabsan tan dadka wada qabsata mooyaane, laakiin Ilaah waa aamin,
mana oggolaan doono in laydin jirrabo intaad karaysaan in ka badan,
laakiin markii laydin jirrabo wuxuu samayn doonaa jid aad kaga baxsataan
si aad ugu adkaysan kartaan." (1 Korintos 10:13) Adigu
reer nareed ma tihiid ee soo badbaad gefkaada oo Ciise u qiro dembiyadaada
oo sidaanba horey u soo sheegay isagu waa caadil oo wuu kuu cafinayaa
dembiyadaada oo dhan wax alla wixii aad samaysayba. Majiraan wax uu Ilaah
cafiyi karin waayo, intaanay waxba jirin ayuu jiray oo wax walbana way
dhamaan doonaan laakiin isagu weligii wuu jiri doonaa. Badbaadadeena waxay
ku xiran tahay oo keliya wanka Ilaah oo ah jidka, runta iyo nolosha. Ciise
ayaa ah 1. Yaa
dembigayga maydhi kara? Waxba dhiigga Ciise mooyee. Yaa
qalbigayga safayn kara? Waxba dhiigga Ciise mooyee. 2. Kanu
waa furashadaydii oo dhan; Waxba dhiigga Ciise mooyee. Kanu waa
wanaaggaygii oo dhan; Waxba dhiigga Ciise mooyee. Haddii
aad hadiyadda Ciise ogolaatay, wixii hore way tageen oo haatan waxaad
tahay uun cusub. Ilaah wuxuu na leeyahay, "Sidaas daraaaddeed haddii
qof Masiixa ku jiro waa abuur cusub, oo waxyaalihii hore way idlaadeen,
bal eega, wax waliba way cusboonaadeen e." (2 Korintos 5:17) Tan kuma
eko oo keliya diin, qabiil, madow, ama cadaan laakiin waa qof uun hadduu
Masiixa ku jiro waayo, waxaa qoran, "Ilaah intuu dunida jacayl u
qabay ayuu siiyey Wiilkisa keliya oo dhashay
in mid kastoo isaga rumaystaa uusan lumin laakiin laakiinse uu
lahaado nolosha weligeed ah. Ilaah Wiilka uguma soo dirin inuu xukumo
dunida, laakiin wuxuu u soo diray inay dunidu ku badbaaddo isaga." (Yooxanaa
3:16-17) Ma jiro ama qolo xor ka ah badbaadadan uu Ilaah ku keenay
Inankiisa madiga ah waayo, wuxuu doonayey inuu dunida oo dhan ka
badbaadiyo dembiga. Badbaadiyaha dunida waa Masiixa waana waajib in dunida
oo dhan la gaarsiyo Injiilka. Erayada ugu dambayeen uu Masiixa kula hadlay
Xertiisa intuusan xagga sare u kicin ayaa sheegeysa laakiin sidee baan ku
ogaani karnaa inay waajib nagu tahay in baniaadmiga oo dhan ay farintan
gaadho? Waxaa qoran, "Haddaba taga, oo quruumaha oo dhan xer ka dhiga,
oo ku baabtiisa magaca Aabbaha iyo Wiilka iyo Ruuxa Qoduuska ah, oo bara
inay dhawraan wax walba oo aan idinku amray, oo bal eega had iyo goor
ayaan idinla joogaa xataa ilaa wakhtigu dhammaado." (Matayos
28:19-20). Hadaad
goosatay inaad Masiixa raacdid ama aad rumaysatid ha ka welwelin wax
dhibaata ah oo kaa soo gaari doono waayo sidaanba horey u soo sheegay
Masiixa ayaa naga balan qaaday
inuu nala joogi doono ilaa wakhtiga dhamaadkiisa. Kiniisadduu xilkaas
saaran yahay maanta. Waxaa qoran, "Ilaaha nabadda qudhiisu qoduus ha
idinka wada dhigo, oo ruuxiinna iyo naftiinna iyo jidhkiinna dhammaan ha
la wada ilaaliyo, iyagoo ceeb la' markii Rabbigeenna Ciise Masiix yimaado.
Ciise
Masiix ayaa ah badbaadiyaheena oo waa markaan isaga garano keliya markaan
ogaani karno sida uu ku yahay waddada badbaadada ay dunida haysato. Arinta
ugu muhimsan xagga badbaadada waa nabadda waayo, nabadda waa isha ay ka
soo baxaan barakooyinka jacaylka Ilaaheena. Barakooyinka waxaa ka mid ah,
SS farxad iyo ammaan. Nabaddu ma ahan oo keliya hab noleydka Masixiinta
waayo, Filiboy 4:7 waxaa ku
qoran, "Oo nabadda Ilaah oo waxgarasho kasta ka sarraysa ayaa waxay
qalbiyadiinna iyo fekerradiinna ku dhawri doontaa Ciise Masiix."
Laakiin waa dhagaxa ugu sareeyo sida ku qoran Kolosay 3:15 oo leh, "Oo
nabadda Masiixuna ha ku taliso qalbiyadiinna, taas oo laysugu kiin yeedhay
isku jidh keliya; oo mahadnaqayaal ahaada." Waa inaan ka fekernaa
habka Ilaah ee nabadda sida aan uga akhrinayno Filiboy 4:9 oo leh, "Idinku
sameeya waxyaalihii aad barateen, oo aad hesheen, oo aad maqasheen, oo aad
aniga igu aragteen; oo Ilaaha nadadduna wuu idinla jiri doonaa." Shaqada
Ilaah waxay tahay inuu qalbiyada baniaadmiga ku dhaliyo nabad ugu horeynta
nafsaddiisa kadibna shaqadiisa. Waan wada ognahay inuu Ilaah yahay jacayl.
Laakiin dabeecadihiisa waxaa mar kasta lagu muujiya qoraalada xaqnimada.
Xaqnimada Ilaah ma ahan keliya sharci, ama hab dhaqameyd, laakiin waa
waxuu yahay. Markii Ilaah hortiisa xaq lagu noqonaya ma ahan sharci aan
oofineyno, laakiin waxaan ku deyaneynaa noloshiisa iyo jacaylkiisa.
Laakiin ma ahan keliya xaq wuxuuse jacaylyahay xaqnimada. Aad buu
qoduusnimada u jacayl yahay oo wuxuu doonaya in uun kasta xaqnimo ku
noolaado, oo saa uma yeelo in uunka uu faa'ido, laakiin inay midho jacayl
leh dhalaan sida qoran, "Oo xaqnimada shuqulkeeduna wuxuu ahaan
doonaa nabad, xaqnimaduna weligeed waxay keeni doontaa xasilloonaan iyo
kalsooni. (Ishacyaah 32:17) Edbinina wakhtiga la joogo uma eka mid lagu
farxo, laakiin waxay u eg tahay mid caloolxumo leh, laakiin dabadeedto
waxay kuwii lagu edbiyey u dhashaa midho nabad iyo xaqnimo ah." (Cibraaniyada
12:11) In kastoo
aan isla Kitaabka Qoduuska ah gaar ahaan uga akhrinayno Baxniintii 20 in
Ilaah yahay xaq uuna xanaaqo, waayo ma doonayo inuu dembiga xidid
yeesho sida aan uga akhrin karno Xabaquuq 1:13 iyo Yexseqeel 18:4.
Hase yeeshee, arinta la yaabka leh waxay tahay haddana in Kitaabka uu noo
sheegayo in Ilaah leeyahay naxariis iyo jacayl. Anigu waxaan halkan ka
fahmay arin la yaab leh,
Ilaaha amarada bixinaya waa Waxaan
rumaysanahay Ilaaha Aabbaha ah, Oo ah Qaadirka uumay samada iyo dhulka,
Iyo Ciise Masiix, oo ah inankiisa madiga ah, inuu yahay Sayidkeenna, In
Ruuxa Qoduuskaa laga uuraystay, oo uu ka dhashay Maryan oo bikrad ah, oo
uu ku hoos silcay Bontiyos Bilaatos, oo iskutallaabta lagu qodbay, oo uu
dhintay, oo la aasay, inuu maalintii saddexaad soo noolaaday, oo samada
aaday, oo uu haatan fadhiyo gacanta midigta ah oo Ilaaha Aabbaha Qaadirka
ah; oo halkaasuu ka iman doonaa inuu xukumo kuwa nool iyo kuwa dhintayba.
Waxaan rumaysanahay Ruuxa Qoduuska ah, Kiniisadda Ciise Masiix oo
caalamiga ah, ururka awliyada, cafiga dembiga, sarakicidda jidhka, iyo
nolosha daa'imiska ah. Aamiin. 5.
Shakiga Shakigu
waa wax ku saabsan hubaal darro qof xaggiisa ah, arin laga hadlayo ama
shey iyo wax alla wixii la mid ahba oo waxay haddana noqon kartaa su'aasha
uu qof caadilnimo wax u su'aalayo si uu u xaqiiqsado. Aad bay suurtagal u
tahay inuu qof wax uusan hubin uu su'aal ka jeediyo waayo, markuu qofka
wax su'aalayo wuxuu doonaya inuu helo dhabta arinta laysku haysto. Shakiga
ama su'aalidda arin laga su'aalayo ma aha doqonimo ama rumaysad daro
laakiin waa caadilnimo waana arin muhim ah waayo, waxay naga hor
istaagaysaa inaan go'aan degdeg ah aan gaarin. Haddii dhinacan loo eego,
shakiga ma aha cadawga rumaysadka, Kitaabka wuxuu leeyahay, "Haddaba
kuwaasu waa ka sharaf badnaayeen kuwii Tesaloniika joogay, maxaa yeelay,
hadalkay aqbaleen iyagoo xiiso weyn u qaba oo maalin kasta baadhaya
Qorniinka inay hubsadaan waxyaalahaasi inay sidaas yihiin iyo in
kale." (Falimaha Rasuullada 17:11) Wax hubsashada ma ahan mid uu
dembi ku jiro waayo, waxaa qoran, waxaana qoran sida tan, "sidaa
darteed anigana waxaa ila wanaagsanayd inaan, anigoo tan iyo bilowgii wax
walba oo dhacay aad u gartay, si hagaagsan kuugu qoro, Te'ofilosow sharaf
weyn lahow, inaad garatid hubniintii hadalkii lagu baray." (Luukos
1:3-4) Baarintaanka
ama su’aalidda maxumo laakiin niyadda aad qabtid markaad wax baaraysid
ayey ku xirantahay waayo, way jiraan kuwa xumaan wax ku naadiyaan sida ku
qoran Filiboy 1:17 oo dhigaysa, “Laakiinse kuwa kale waxay Masiixa u
naadiyaan si ay dadka u kala qaybqaybiyaan, iyagoo aan daacad ahayn oo ku
fekeraya inay dhib igu kiciyaan anigoo xidhan.” Haddii aad niyadaan
qabtid, waxaa kuu soo baxayaan wax yaalo been ah oo niyaddaada oo keliya
ka farxiyaan. Haddaad daacadnimo dhabta ku raadinaysidna waxaa kuu soo
baxayaan waxyaalaha dhabta ah. Su'aalidda ama shakiga waxay nagu
caawinaysaa inaan baaritaan qumaati u suubino si aan rumaysadkeena u
dhisno. Haddii rumaysadkeena nagala su’aalo waxaan lahaanaynaa jawaab
aan Shakiga
ma ahan dembi laakiin waa arin muhim u ah rumaysadkeena waayo, shakiga waa
caadilnimo. Ma jiri karo qof nool oo rumaysad kastaba ha lahaadee odhan
karo ma shakiyo. Aduunka aan ku noolnahay waxyaalo badan ayaan kala
kulmaynaa oo sidaa darraaddeed waaya aragga ayaa na gelinaya inaan
su'aalno ama aan ka shakino waxyaalaha qaarkood. Haddii aan sidaa idhaahdo
maxaa maskaxdaada ku soo dhalanaya? Ilaaha nolol jaha wareersan miyuu na
siiyey? Maxay tahay sababta ay marxaladaha ay ugu muuqan sida aan uga
filayno inay ugu muuqdaan dadka rumaysadka leh? Runtii majiro rumaysad
dhisan oo shaki la'aan ahaani karo haddii aan daacan noqono. Shakiga ama
su'aalidda aan marxaladaha su'aalayno waxay rumaysadkeena u tahay saldhiga
laysku halayn karo. Walaal, maxay yihiin waxyaalaha aad ka shakisantahay
xagga nolosha Masixiinta? Ilaah u wada bandig adiigoo waxba aan ka
cabsanaynin waayo, Ilaah ayaa ah -
Marxaladaha aan
shakiga kala kulano -
Aasaaska shakiga
iyo -
Daaweynta
shakiga Marxaladaha aan shakiga kala kulano
Haddii
laga eego xagga rumaysadka masixiinta, shakiga wuxuu ka mid yahay
rumaysaddaroda laga qabo Ilaah iyo eraygiisa. Intuu qofka ku noolyahay
nolosha dunidaan way imaanaysa xaalad sidaanba horey u idhi qofka shaki
kaga dhlinayso dhabta Ilaah. Qofka Masiixiga ah wuxuu shakin karaa markuu
isagoo badbaadada Rabbiga helay uu la kulmo waxyaalo uusan noloshiisa ka
filanaynin maadama uu Masiixi yahay. Midda kale oo qofka shakiga gelin
karto waxay tahay qofka oo erayga Ilaah si qaldan u fasiraa waayo,
kitaabka wuxuu leeyahay, "ku alla kii Ilaah ka dhashay dembi ma falo;
maxaa yeelay, Ilaah dabiicaddiisu way ku sii jirtaa isaga; oo ma dembaabi
karo, waayo, wuxuu ka dhashay Ilaah." (1 Yooxanaa 3:9) Sida aan
horey u sheegay shakigu wuxuu ku xiran yahay niyadda qofka waayo, aayadan
dadka qaarkood haddii ay u fasiraan in ku alla kii Masiixi ah uusan
dembaabeynin, qofkaas waa qaldamay. Waxaa laga hadlaya nolol dembi keliya
lagu tilmaami karo oo uu qofka ku nool yahay laakiin ma aha in uu qofka
Masiixiga ah uusan weligiiba dembaabaynin. Waa sababtan midda dadka
intooda badan ka dhigta inay Masiixnimada isku deyaan oo markay arkaan in
Masixiinta ay dembaabayaan hal marna ha ahaatee niyad jabayaan. Ma jiro
qof dunidaan jooga oo aan dembaabnin wixii aan ka ahayn Ciise Masiix
laakiin inteena kale runti waxaan wada nahay dembiilayaal. Waa Ciise
keliya Qofka
Masiixiga ah waxaa kaloo uu ka shakin karaa awoodda Ilaah iyo wanaagiisa
markay marxalado kuwan ka mid ah ay la kulmaan sida; cudurada, sileca,
xaqdarroda, dhaqaalo xumada, dhibaatooyinka wadamada, dhibaatooyinka
qoysaska amaba baryo uusan Ilaah ka jawaabin iyo wixii la mid ah ayaa
qofka shaki ku ridi karaan wanaagga Ilaah. Laakiin waa in la ogaadaa in
markastaba wanaaga Ilaah aan lagu xiri kerin marxaladaha nolosha oo si
wanaagsan looga gudbaa, waayo, qofka dhabtii Ilaah rumaysan rumaysadkiisa Aasaaska shakiga
Haddii
aan Kitaabka Bilowgii akhrino waxaa inoo cadaanaysaa inuu Shaydaanka yahay
Heerka
maamulka dunidana waa arin kale oo Masixiinta shaki ku dhalisaa maxaa
yeelay, maamulka dunida waa mid ka soo hor jeedo doonista iyo wanaaga
Ilaah. Xigmadda dunida lagu
maamulo waa tan dunida oo ma ahan mid Ilaahiyan ah. 1 Korintos 2:6, 7, 8
waxaa dhigan, "Waxaannu xigmadda kula hadalnaa kuwa garashadu ku dhan
tahay, taasoo aan ahayn xigmadda wakhtigan, oo aan ahayn xigmadda madaxda
wakhtigan oo ah kuwa la baabi'in doono; laakiin qarsoonnaan ayaannu ugu
hadallaa xigmadda Ilaah oo la qariyey, oo Ilaah dunida horteed ka dhigay
ammaanteenna aawadeed, tan madaxda wakhtigan midkoodna aanu garanaynin,
waayo, hadday garan lahaayeen, iskutaallaabta kumay qodbeen Rabbiga
ammaanta…? Sheydaanka wuxuusan ogayn in qorshaha uu Ilaah kuwa Isaga
aaminsan u leeyahay aysan ahayn mid uu isaga bedeli karo waayo, erayga
Ilaah wuxuu leeyahay, “laakiin sida qoran, waxyaalo aanay ishu arkin, oo
aanay dhegtu maqlin, oo aan qalbiga dadka gelin, wax kastoo ay yihiinba,
Ilaah baa u diiyaariyey kuwa isaga jecel." (1 Korintos 2: 9) Qofka
hadduusan xagga Ruuxa ka dhisnayn wuu rogrogmi karaa oo ma haysanayo wax
barasho saldhig wanaagsan leh. Kuwa xagga Ruuxa ka barbaara uu Ilaaha
hogaankooda wado waxay la kulmaan waxyaalaha sirta Ilaah ka tirsan oo ay
dadka inta badan aqoonin. Maxay tahay sababta aan saa u leeyahay? Waxaa
laga yaabaa in arinta ugu weyn ee qofka Masiixiga ah kaga shakisiisa
arimaha Ilaah ay tahay qofka oo aan ku barbaarin wax baridda Ruuxa
Qoduuska ah. Yacquub wuxuu shakiga baryada laga shakiyo la barbardhiga
qofka oo aan go'aan ka gaarin rumaysadkiisa taa oo keeneyso rogrogmasho.
Rumaysadka go'aanka leh wuxuu keenaa saldhig wanaagsan oo qumaati Ilaah
xiriir lala yeelanaya. Rasuul Bawlos arintaan wuu ka hadlay oo wuxuu
leeyahay hadduu qofka ka shakiyo erayga Ilaah oo runta ah weli
rumaysadkiisa ayay wax ka dhimanyihiin oo saldhig wanaagsan ma uusan helin.
Efesos 4:14 waxaa qoran, "Waa inaynaan mar dambe ahaan carruur
rogrogmanaysa oo lagu kaxaysto dabayl kastoo cilmi ah xagga dulanka dadka
iyo khiyaanada iyo sirta qaladka." Bawlos wuxuu meeshan digniin ka
siinayay reer Efesos maxaa yeelay, wuxuu doonayay inay waxyaalaha Ilaah
qumaati u kala bartaan sii aanan loo habsaamin oo aan rumaysadka saxda ah
looga jaho wareerin. Masixiinta waa inay lahaadaan Ruuxa qoduuska ah oo
lagu kala ogaani karo waxyaalaha qaladka ah iyo waxyaalaha runta ah ee uu
Ilaah ka dambayo. Hadduu
qof doonayo inuu ka hor tago shakiga noocan ah waa inuu xiriir dhab ah
Ilaah la lahaado uuna noqdaa mid daacad ah oo rumaysadka ku barbaara.
Xigmadda dunida iyo tan Ilaah waa laba aanan laystusi kerin waayo,
xigmadda dunida way ka soo horjeedda tan Ilaah sida qoran, "Waxyaalahaasna
ayaannu ku hadalnaa, kumase hadalno hadallo la baro ee ah xigmadda dadka,
laakiin waxa Ruuxu baro, annaga oo waxyaalaha ruuxa ah ku simayna
waxyaalaha ruuuxa ah." (1 Korintos 2:13) Bawlos wuxuu Timoteyos ku
yidhi, "Timoteyosow, wixii laguu dhiibay ilaali, oo ka leexo hadalka
aan micnaha lahayn oo nijaasta ah iyo muranka aqoonta beenta ah…"
(1 Timoteyos 6:20). Timoteyos waxa lagu aaminay waa Injiilka oo markii uu
Bawlos leeyahay hadalka aan micnaha lahayn oo nijaasta ah iyo muranka
aqoonta beenta ah…" wuxuu ka wadaa kuwa aan Injiilka ka tirsanayn
waayo, waxaa jiraan kuwa doonayaan inay dadka Ilaah habsaamiyaan oo ay
dariiqa runta ah ka leexiyaan. Daaweynta Shakiga
War
wanaagsan. Haddaba maxaan waxyaalahan ka nidhaahnaa? Haddii Ilaah inala
gees yahay, yaa inaga gees ah? (Rooma 8:31) Walaal adigu yaad isku
haleysaa? Haddii aad Ilaah isku haleysid de waxba ha ka shakin waayo, Hase
yeshee, waxaa jiraan tilaabooyin aan doonaya inaan sheego oo qofka hogaan
u noqon karaan habka uu uga dawoobi lahaa su'aalada ama shakiga uu ka qabo
nolosha Masiixnimada. Intaadan wax daaweyn waxaa wanaagsan inaad horta
hubsatid waxa aad daaweyneysid si aadan ugu qaldamin daawada aad laqaysid.
Haddii uu madaxa ku laxabanaya ma doonaysid in lagu siiyo daawo loogu
talagalay in boogaha la mariyo oo isla sidaasna shakiga daaweyntiisa waxay
ku xirantahay waxa laga shaki qabo in horta la hubsado. Midda kale waxay
tahay in uu dhib ku jirin waxa laga shakinaya laakiin uu 1.
Ugu horeynta waa
inuu qofka ogaado in Ilaah keliya uu yahay 2.
Haddii aad
doonaysid inaad Rabbiga rumaysatid waxba ha ka shakinin waayo,
kuma deyrin doono maxaa yeelay wuxuu yidhi, "Dabiicaddiinnu ha
ahaato mid aan lacag jeclayn, oo waxaad haysataan raalli ku ahaada, waayo,
isaga qudhiisu wuxuu yidhi, Sinaba kuu dayn maayo, oo sinaba kuu dayrin
maayo. Sidaas daraaddeed innagoo ku kalsoon waxaynu nidhaahnaa, Rabbigu
waa kaalmeeyahayga, oo anigu cabsan maayo; Bal maxaa dad igu samayn doonaa?"
(Cibraaniyada 13:5,6) Kuweena Masiixa rumaysteen taajka weligii ah ayaa
ina sugaya sida aan horey kaaga sheegay 1 Korintos 2:9. Haddii aad nolosha
Ciise shaki ka qabtid waxaad
ku tiirsan kartaa waxyaalaha weligoodba taarikh ahaan doona oo haddaba
taarikh ah oo xoojinayaan sarakaca Ciise Masiix si aad dhiiri gal u heshid
oo aad u hubsatid inaad adiguna sara kici doontid oo ay ka mid yihiin; sii
sheeggii ay nebiyada horey u sii sheegeen, siduu Ciise ugu sii waxyooday
wixii isaga ku dhacay xagga dhimashadiisa iyo sara kaciisa intuusan dhiman,
Qabrigii oo maydhan, siduu xertiisa ugu muuqday kadib markuu sara kacay.
Waxyaalahan oo dhan waxay cadaynayaan in Kitaabka qoduuska ah uu sheegaya
waxyaala dhab ah oo laysku halayn karo. 3.
Arinta saddexaad
waa mid ku saabsan hubsashada waxa aad rumaysan tahay waayo, haddaadan
hubin waxa aad rumaysantahay Badbaadada
Ciise Masiix looga helayo xagga dembiyadeena waxaa saldhig u ah rumaysad
yar oo Ciise Masiix la rumaysto inuu yahay badbaadiyahayna. Waa ilaa aad
badbaadada uu Masiixa ku siiyey aad qaadataa si aad shakiga badan ee ku
salaysan iimaankaada. Waxba yaanan nolosheena iyo xiriirka aan Ilaah la
leenahay ka shakinin waayo, waxaan haysanaa Ciise Masiix Waxaa
jiraan saddex shey uu qofka Masiixa rumaysanaya uusan ka maarmin waxaana
ka mid ah, Ø
Kitaabka
qoduuska ah (Baybalka) Ø
Ruuxa Qoduuska
ah Ø
Baryada Kitaabka qoduuska ah
Rumaysadka
wuxuu ku yimaadaa erayga Ilaah oo la maqlo waayo, Waxaan is
weydin karnaa maxay tahay sababta uu u bedelmin? Lama bedeli karo waayo,
waa dhacdo dhab ah oo dhacday oo runtii qof wax ku dari karo ama ka saari
karo ma jiro maxaa yeelay, Yooxanaa 9:25 waxaa qoran, “Wuxuu haddaba ugu
jawaabay, Inuu dembi leeyahay garan maayo, waxa keli ahoo aanse garanayaa,
inaan indha la'aa, oo aan haddana wax arkayo." Waxyaalo aan ka
shakinay naguba qasbayaan inaan Kitaabka bedelno si uu u dhiggo sida nala
quman waayo, waxaa qoran, "Oo wax alla wixii aan idinku amrayo waa
inaad dhawrtaan oo yeeshaan, waxna ha ku darina, waxna ha ka dhimina."
(Sharciga Kunoqoshadiisa 12:32) Kitaabka haddana wuxuu leeyahay, "Waxyaalaha
qarsoon waxaa iska leh Rabbiga Ilaaheenna ah, laakiinse waxyaalaha la
muujiyey waxaa iska leh innaga iyo carruurteenna weligeenba inaan
sharcigan erayadiisa oo dhan yeelno." (Sharciga Kunoqoshadiisa 29:29) Ruuxa
Qoduuska ah
Kitaabka
qoduuska ah waa mid laysku halayn karo waayo waxyaalaha ku jira oo dhan
waa dhacdooyin dhab ah oo xagga ruuxa lagaga barbaari karo. Fekerad kasta
oo Masixiinta ka dhigayso kuwa Kitaabka qoduuska ah rumaysan waxaa ka
dambaya xRuuxa qoduuska ah oo ah xoojiyaha qofka iyo erayga Ilaah. Ruuxa
Qoduuska ah ayaa ah Bilawgii
cutubka kowaad waxaa ka muuqata in Ilaah uu Eraygiisa waxyaalo badan ku
diwaan geliyey maxaa yeelay, cutubka inta badan waxaan arkaynaa inay ka
buuxdo Ilaah wuxuu yidhi marka waxaa cad in erayga Ilaah uu yahay wax ay
naf ku jirto oo mid alla kii erayga Ilaah isku haleeyana Ilaah wuu u indho
furayaa fahamsinaayana eraygiisa. Haddana walaal ha ilowbin in Ilaah uu
baniaadmiga ku hadlo waayo, xataa erayada Kitaabka qoduuska ah Ilaah meel
cidla ah iskiiga ma hadlin laakiin wuxuu ku hadlay ama uu kula hadlay
dadka isagoo xaaladaha ay dadka ku jiraan ka hadlayo oo dadka rajo siinayo
oo u sii banaynayo sidii ay ula macaamilmi lahaayeen dhibaatooyinka iyaga
haysato. Waxaa qoran, "Qorniin kasta wuxuu ku ahaaday Ruuxa Ilaah oo
waxtar buu u leeyahay waxbaridda, iyo canaanashada, iyo hagaajinta, iyo
edbinta xagga xaqnimada; in ninka Ilaah u ahaado mid dhan oo aad loogu
diyaariyey shuqul kasta oo wanaagsan." 2 Timothy 3:16 Marka
walaal ma odhan kartid wax wanaagsan baan samayaa haddii aadan ku dhaqmayn
sida doonista Ilaah ay tahay uu Kitaabkiisa Qoduuska ah noo tilmaamayo.
oo haddana waxaanu aragnay in Sababta Kitaabka qoduuska ah loo
istecmaalaya waxay tahay inay kuwa Ilaah u adeega lahaadaan hogaamin xaq
ah oo ah midda weligeedba cabirka ku taagan maxaa yeelay, qaybta labaad ee
aayadda aan kor ka akhriyay waxay leedahay '…in ninka Ilaah u ahaado mid
dhan oo loogu diyaariyey shuqul kasta oo wanaagsan' Ilaah ayaa naga dhigi
karo kuwa dhan oo diyaar u ah shuqul kastoo wanaagsan isagoo sidaanba hore
u soo sheegnay Ruuxiisa qoduuska ah noo soo dejinayo si uu noogu cadeyo
macnaha Eraygiisa. Tan waxay nagu qasbaysaa inaan macnaynta Erayga Ilaah
aan wax ka taabano de aan ku weydiye sidee baan Erayga Ilaah u macnaynaa?
Sideena nagu waajib ah inaan u macnayno? Qof kasta
wuxuu Erayga Ilaah u macneya sida la quman ama uu doonaya inuu erayga ku
fasiro marxaladaha uu ku jiro. Wax kasta niyad alla tii lagu akhriyo ayaad
jawaabteeda uga heleysaa; haddii aad niyad xun Kitaabka ku akhrisid waxaa
uun kuugu soo degeysaa fekerad xun oo xoojinayso xumaatadaada, oo haddii
aad ku akhrisid fekerad nadiifsan uu Ruuxa qoduuska ah ku jiro runti Ilaah
wuu kuu cadaynaya waxa kuugu habboon inaad baratid. Erayga Ilaah waa in
loo macnayaa sida dhabtiisa ay tahay maxaa yeelay, macnaha iyo farinta
markay isla wada socdaan runtii kuwa loo macnaynayo ama akhrisanayaan way
fahmayaan waxay akhrinayaan. Aan ka
fiirsanno macalimiinta beenta ah waayo, waxaa qoran, "Bal tan ogow,
maalmaha ugu dambeeya waxa iman doona wakhtiyo dhib badan.maxaa yeelay,
dadku waxay ahaani doonaan kuwo naftooda jecel, iyo kuwo lacag jecel, iyo
kuwo faan badan, iyo kuwo kibir badan, iyo kuwo cayntan badan iyo kuwo
waalidkooda caasi ku ah, iyo kuwo aan mahad naqin, iyo kuwo aan qoduus
ahayn…" (2 Timothy 3:1,2) Tani waxay aad u dhacdaa markuu qofka uu
ka fekerayo oo keliya waxyaalaha dunida waayo, waxaan aragnay waxyaalaha
sida lacag jeclaanta, kibirka, iwm. Oo qofka waxyaalahan ku tiirsan way ka
suurtowdaa inuu wax kastoo habaanin ah baniaadmiga kale ku sameeyo.
Soomali been way sheegtaa laakiin kuma maahmaado oo waxay ku maahmaahday,
'dad iyo duurba wax aanan la filanayn baa ka soo baxaa' marka walaalkeyow
iska jir xataa kuwa aad kuugu dow waayo, ma ogid sida uu iyaga shaydaanka
u istecmaalayo. Runtii
baniaadmiga wax kasta way ka suurtobaan waayo, dadka noocan ah waa kuwa
aan Ilaah ka baqin waxayna isku deyi karaan inay dadka habaabiyaan markay
macnaynayaan Kitaabka. Aan ka digtoonaano marka la dhaygaysanayo kuwa
erayga Ilaah macnaynayaan si aanan loo habaanin. Waxaa qoran, "Laakiin
waxaa dadkii ka dhex kacay nebiyo been ah, oo idinkana sidaas oo kale
waxaa idinku dhex jiri doona macallimmo been ah, oo qarsoodi idinku keeni
doona bidcinimo wax haligaysa, iyagoo inkiraya xataa Sayidkii soo iibsaday,
oo dushooda ku soo dejinaya haligaad dhaqso ah." (2 Butros 2:1)
Waxaan kuugula talin lahaa inaad tijaabisid ruux walba si aadan u raacin
ruux qaldan waayo, waxaa qoran, "Gacaliyayaalow, ha rumaysanina ruux
walba, laakiin ruuxyada tijaabiya si aad u hubsataan inay kuwa Ilaah
yihiin, waayo, nebiyo badan oo been ah ayaa u soo baxay dunida." (1
Yooxanaa 4:1) oo ma ahan keliya inaad ruuxyada tijaabisid laakiin waa
inaad wax kastana aad tijaabisaa waayo, waxyaalaha qaarkood haddaadan iska
ilaalin shalayn ayaa kuu dambayn doontaa waayo, Kitaabka wuxuu leeyahay,
"Wax walba tijaabiya, wax fiicanna xajiya. Wax kasta oo shar u egna
ka fogaada. (1 Thesaloniika 5:21-22) Ilaah
wuxuu wax kasta ku soo koobay Ciise Masiix kaa oo ah Erayga nool ee Ilaah.
Sida dhigan, "Ilaah wuxuu waagii hore siyaalo badan oo kala duduwan
awowayaasheen kula hadlay nebiyadii, laakiin maalmahan ugu dambaystooda
wuxuu inagula hadlay Wiilkiisa uu ka dhigay Ilaah
wuxuu noqday mid naga dhexeeyo oo nala maro dhibaatada dunida oo dhan.
Wuxuu na tusinaya inaan ka adkaani karno waayo, Ruuxa qoduuska ah ee Ilaah
ayaan horseed ka dhiganay. Ciise markuu dunida joogay wuxuu sitay Ruuxa
Ilaah kaa oo isaga xoojiyey. Wax alla wuxuu Ciise dunida kaga guulaystay
waan ka guulaysanayna haddaan rumaysano badbaadadiisa. Ciise wuxuu yidhi
mid alla kii isaga rumaystaa wuxuu leeyahay nolosha weligeed ah oo nolosha
weligeed ahna qof aanan isaga rumaysnayn kuma dhaco inuu helo maxaa yeelay,
balanta waxaa weeyaan si uu mid alla kii isaga rumaystaa uusan lumin
laakiin uu lahaado nolosha weligeed ah sida ku dhigan Yooxanaa 3:16.
Dhabtii isagu wuu nala jiraa mar kastaba maxaa yeelay, wuu jiri jiray
wuuna jiraa inuu maanta nala jirana waxaa xaqiiq noo ah erayadiisa aan ka
akhrinayno Injiilka dhigaaya
sida tan, "Oo Ciise ayaa u yimid oo la hadlay, oo wuxuu ku yidhi,
Amar oo dhan aya samada iyo dhulka laygu siiyey…oo bal eega had iyo goor
ayaan idinla joogaa xataa ilaa wakhtigu dhammaado." Matayos 28:18-20 War
wanaagsan
Ciise
Masiix keliya ayaa ah Ilaah
wuxuu ka dan leeyahay rumaysadka Ciise Masiix la rumaysto inuu yahay
Sayidkeena ee ma ahan shuquladeena wanaagsan. Xataa kuwa aan Ilaah
rumaysnayn ka shuqul wanaagsan kuwa Masixiinta ah. Sidaa daraaddeed Ilaah
wuxuu eegaya qalbiyadeena iyo xiriirka gooniga ah oo aan isaga la leenahay.
Dhaqan diimeed nagula ma xukumi doono maxaa yeelay, Ciise wuxuu sheegay
inay maalinta ugu dambaysa ay jiri doonaan kuwa badan oo isaga ku odhan
doonaan, Rabbiyow, miyaanan magacaada wax ku sii sheegin, oo aan jinniyada
ku saarin magacaada oo weliba waxyaala la yaab leh miyaanan ku samayn
magacaada? Laakiin waxaan ugu jawaabi doonaa ayuu yidhi, iga fogaada
kuwiina sharciga ku xadgudbaya! (Matayos 7:22-23.) Diinta ma ahan wax aan
ku faani karno maxaa yeelay, hadduu jiri lahaa qof ku faanaya wuxuu ahaani
lahaa walaalkeen Rasuul Bawlos laakiin kuma uusan faanin bedelkuu ku faani
lahaa waxaan arkaynaa isagoo raadinaya siduu Ciise xiriir cusub ula yeelan
lahaa. Sida qoran, “Walaalayaalow, waxaan idin ogaysiinayaa in injiilka
aan idinku wacdiyey uusan ka iman xagga dadka. Waayo, “Waxaan
ku mahad naqaya Saacaddan
aad buugan akhrinaysid waxaa laga yaabaa inay jiraan waxyaala badan oo
xagga noloshaada ku niyad jebiyey sida askarigan. Laakiin akhristow war
wanaagsan aan kuu sheego, ha yasin magaca Ciise Masiix inaad rumaysatid
wax alla wixii horey isaga lagaaga sheegayba bal jilba joogso oo u yeedh
isaga inuu kuu ahaado badbaadiyaha keliya oo noloshaada ka bixin karo
ciriiriga aad ku jirtid. Maalinta xukunka waa uun adiga iyo Ilaahaaga oo
waalid, walaalo ama wadaaddada diinta xukunka kula ma istaagi doonaan.
Sidaa daraaddeed go’aanka aad maanta garaysid waa mid u dhexeeya nolol
iyo geeri maxaa yeelay, ma hubtid saacadda soo socota wax ku qabsan doono.
Waxaa laga yaabaa marxaladaha kuugu hareersan inay yihiin kuwa kaa hor
staagay inaad Masiixa rumaysatid. Laakiin waxaan doonaya inaan kuu sheego
sheeko Kitaabka qoduuska ah ku jirta, waxaa qoran,
“Waxaa jiray nin ka mid ayaa Farrisiinta oo la odhan jiray
Nikodemos oo Yuhuudda taliye u ahaa. Isagu habeenkuu u yimid Ciise,
wuxuuna ku yidhi, Macallimow, waannu og nahay inaad tahay macallin ka
yimid Ilaah, waayo, ninna ma samayn karo calaamooyinkan aad samayso
haddaan Ilaah la jirin. Ciise ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Runtii, runtii
waxaan kugu leeyahay, Qof haddaanu ma kale dhalan, boqortooyadii Ilaah
arki kari maayo. Nikodemos wuxuu ku yidhi, sidee baa nin mar kale u dhalan
karaa isagoo duq ah? Miyuu mar kale uurkii hooyadiis geli karaa oo ka
dhalan karaa? Ciise baa ugu jawaabay, Runtii, runtii, waxaan kugu leeyahay,
Qof haddaanu ka dhalan biyo iyo Ruuxa, boqortooyadii Ilaah geli kari maayo.
Waxa
jidhka ka dhashaa waa jidh, waxa
Ruuxa ka dhashaana waa Ruux. Ha la yaabin haddaan ku leeyahay, waa inaad
mar kale dhalataan. Dabayshu way u dhacdaa meeshay doonto, waxaadna
maqashaa xiinkeeda, laakiin ma ogid meeshay ka timaado iyo meeshay u kacdo;
waa sidaas oo kale qof kasta oo Ruuxa ka dhasha. Nikodemos ayaa u jawaabay
oo ku yidhi, Sidee baa waxyaalahaas u noqon karaan? Markaasaa Ciise u
jawaabay oo ku yidhi, ma waxaad tahay macallinka Israa’iil, oo aadan
weliba waxyaalahaasna garanayn?” (Yooxanaa 3:1-10). Ninkan nin culuma ah
buu ka ahaa oo haddii wax qalad ah laga dareemo dhibaato weyn bay u geysan
lahayd sidaa daraaddeed wuxuu goostay inuu Ciise u yimaado habbeenimo.
Nikodemos ma uusan qaymaynin dhaqan diimaydkiisa laakiin wuxuu goostay
inuu Ciise wax ka barto taa oo la baray inay qof waajib ku tahay
inuusan ku dhaqmin waxyaalaha jidhka laakiin uu ahaado mid Ruuxa
qoduuska ee Ilaah uu hogaaminaya. Wax alla wixii jidhka ku dhaqmaa waa jidh wayna baabi’i doonaan laakiin wax alla wixii aqoonsiga Ilaah lagu sameeya waa Ruux oo weligood way waari doonaan. Jidhka ama dhaqamada diinta Ilaah laguma garto laakiin waxaa Ilaah lagu gartaa qalbi nadiifsan oo isaga shaqsi ahaan xiriir ula yeesho. Kitaabka wuxuu leeyahay, “…ma waxaad tahay macallinka Israa’iil, oo aadan weliba waxyaalahaasna garanayn?” qof diini ah baan ahay waxyaalaha Ilaah laguma barto. Nikodemos waxba wuu ka garan waayay waxyaalihii uu Ciise isaga kula hadlay waayo, wuxuu ku fekerayay shuqullada diinta. Runtii wadaad baan ahay iyo shuqulada wanaagsan ee ay diinta iiga baahantahay ayaan sameeyaa laguma fahmi karo waxyaalaha ruuxiga ah ee Ilaah. Nekodemos oo keliya ma ahan laakiin dadka intooda badan waxay ku fikiraan waxyaalaha aduunka. Waxay isku deyayaan inay dadaalkooda kaga baxsadaan suurtagalna ma ahan sida uu Ciise ninkan ku yidhayba. Waxyaalaha ruuxa waa ruux oo waxyaalaha jidhkana waa jidh markay arinta heerkan joogto waxaaba la gaaraya heer aan Ilaah yasayno oo aan waxyaalaha qaarkood aan rumaysanaynin inuu Ilaah awoodo. Waxaa
jirtay mar uu Ciise Masiix runta u sheegay isagoo ku canaananaya rumaysad
la’aantiisa sida aan uga akhrinayno Matayos 16:21-23 waxaana qoran sida
tan, “Kolkaa dabadeed Ciise Masiix ayaa bilaabay inuu xertiisii u sheego
inay waajib ugu tahay inuu Yeruusaalem tago, oo xanuun badan ka helo
waayeellada iyo wadaaddada sare iyo culimada, oo la dilo, oo maalinta
saddexaad la sara kiciyo. Markaasaa Butros gees u waday oo bilaabay inuu
canaanto, oo wuxuu ku yidhi, Ilaah ha kaa hayo, Sayidow, taasu weligaa
kuuma noqon doonto. Laakiin Butros ayuu u soo jeestay oo ku yidhi, Gadaal
iga mar, Shaydaan yahow. Waad i xumaynaysaa e, waayo, waxyaalaha Ilaah "…ma
suurtowdo in dibiyo iyo orgiyo dhiiggoodu dembiyo qaado…" Baryada Baryadu waa habka keliya uu baniaadmiga Ilaah kula xiriiro. Baryada ma ahan keliya Ilaah wax ka codsashada laakiin Ilaahna baryaduu nagula hadlaa maxaa yeelay, markaan wax ka barino waa inuu noo jawaabo siduu ku jawaababa. Dhib kastoo aan nolosha kala kulanaa waa inaan ilowbin waxaan leenahay Aabbaheena jannada ku jira oo wax kasta awooda. Baryada la sheegaya waxay leedahay habab badan sida ay arinba mid kale uga hor imaanayso waxaana ka mid ah, Saraysinta Ilaah Baryadeena waa inaan Ilaah ku saraysiina horta intaanan wax dhibaatooyinkeena ku saabsan ula tegin. Daanyeel 4:34-35 waxaa qoran, markii wakhtigii dhammaaday ayaan anigoo ah Nebukadnesar indhaha kor u taagay, waxgarashadaydiina way ii soo noqotay, markaasaan ku mahad naqay ka ugu sarreeya, waanan ammaanay oo ciseeyey kan weligiis nool; waayo, dowladnimadiisu waa dowladnimo aan weligeed dhammaanayn, boqortooyadiisuna waxay raagtaa fac ilaa fac; oo kuwa dhulka deggan oo dhammu isaga lama sinna, siduu doono ayuu ciidanka samada iyo dadka dhulka degganba ka yeelaa; mana jiro mid gacantiisa joojin karaa ama ku odhan karaa, maxaad samaynaysaa?” Qirashada dembiga sida aan uga akhrinayno 1 Yooxanaa 1:9aad waxaana qoran sida tan, “Haddaynu dembiyadeenna qiranno, isgu waa aamin iyo caadil inuu demiyadeenna inaga cafiyo, oo uu inaga nadiifiyo xaqdarrada oo dhan.” In Ilaah loo baryo kuwa amarada leh sida aan uga akhrinayno 1 Timoteyos 2:1-3 waxaana qoran sida tan, “Sidaas daraaddeed ugu horraysta waxaan kugu waaninayaa inaad Ilaah u baridid, oo aad u tukatid, oo aad u ducaysid, oo aad u mahad naqdid dadka oo dhan, khusuusan boqorrada iyo kuwa amarka lehba, inaynu nolol xasillon oo nabdaysan ku noolaanno, innagoo si walba cibaado iyo maamuus u leh. Taasu way wanaagsan tahay, waana mid Ilaaha Badbaadiyeheenna ahu aqbali karo.” Waa inaan dadka kale oo dhibaysan Ilaah u barinaa sida noogala amray Yacquub 5:14-15aad waxaana qoran sida tan, “Mid bukaa ma idinku dhex jiraa? Ha u yeedho waayeellada kiniisadda, oo iyagu ha u duceeyeen, oo saliid ha ku mariyeenmagaca Rabbiga. Ducaddii rumaysad lahu way bogsiin doontaa kii buka, oo Rabbigu waa sara kicin doonaa, oo hadduu dembaabay waa loo dembi dhaafi doonaa.” Ugu dambaysta waa inaan ilowbin inaan Ilaah ugu mahad celino baryada uu naga ogolaaday sida aan uga akhrinayno Filiboy 4:6 oo dhigan sida tan, “Waxba ha ka welwelina, laakiinse wax kastaba baryadiinna Ilaah ku ogeysiiya tukasho iyo duco mahadnaqid la jirto.” Waxaan soo aragnay tillaabooyinka uu qofka raacayo markuu baryada gelaya haddana waxaan doonaya inaan wax ka sheego waxa qofka looga baahan yahay inuu guto intuusan baryada bilaabin taa oo aan ka hadlaya afar shey oo Kitaabka Qoduuska ah ku salaysan waana kuwan, 1.
Qalbi nadiifsan waa arin muhim ah inuu qofka
lahaado qalbi nadiifsan intuusan Ilaah hor tegin maxaa yeelay Ilaah
qalbiga wasakhda ah dad 2. Waa inuu qofka rumaysad lahaado inay waxa uu Ilaah ka baryaya ay noqonayso maxaa yeelay haddaanu rumaysad lahayn wax kasta oo aan samayno runtii suurtagal ma ahan sida aan uga akhrinayno Matayos 21:22 waxaana qoran sida tan, “Oo wax kasta oo aad tukasho ku baridaan idinkoo rumaysan waad heli doontaa.” 3. Waa inaan magaca Ciise Masiix ku weydisanaa wax kastoo aan weydisanayno Ilaah sida aan uga akhrinayno Yooxanaa 14:13aad waxayna leedahay sida tan, “Oo wax alla waxaad magacayga ku weydiisataan, waan samayn doonaa in Aabbuhu ku ammaanmo Wiilka.” 4. Waa inaan barinaa si ay doonista Ilaah u ahaato laakiin ma ahan doonisteena annaga baniaadmiga ah maxaa yeelay, wax yaalaha aan annaga isla doonayno waxaa laga yaabaa inta badan inuu Ilaah nala rabin sida aan uga akhrinayno 1 Yooxanaa 5:14,15aad waxayna dhigaysaa sida tan, “Oo tanu waa kalsoonaanta aynu isaga u qabno, taasoo ah haddaynu wax uun doonistiisa ku barinno, isagu wuu ina maqlaa, oo haddaynu og nahay inuu inaga maqlo wax alla wixii aynu ka barinno, waxaynu og nahay inaynu leennahay waxayaalihii aynu isaga ka barinnay.” Tan ka sokow waxaa dhici kartaa dadka qaarkood inay is weydin karaan anigu waxyaalahan oo dhan waan samayey mana helo baryadayda. Maxaa iga maqan oo aan samaynin? Xaaladdas waa mid dunida oo dhan haysato iyaduna waxaan doonaya inaan lix tillaabatood kaga baxo taa oo aan wax kasta saldhig kaga dhigaya Kitaabka qoduuska ah, 1. Midda ugu horeysa waxay ahaani kartaa in noloshaada uu dembi ku jiro sida aan uga soo akhrinayba Sabuurrada 66:18, 19 oo dhignayd sida tan, “Haddaan dembi qalbigayga ku arkay, sayidku ima uu maqleen, laakiinse sida runta ah Ilaah waa I maqlay, oo codkii baryadaydana dhegtuu u dhigay.” 2.
Waxa aad baryaysid Waxaa laga yaaba inay yihiin wax
aad adiga isla rabtid oo ay laakiin noloshaada muhim u ahayn. Ilaah wuu og
yahay waxa noo wanaagsan waayo, isagu waa aabbahayna jannada ku jira sida
aan uga akhrinayno Yacquub 4:3 waxaana qoran sida tan, “Waad weydisataan,
mana heshaan, waayo, si xun baad u weydiisataan inaad ku bixisaan
damacyadiinna aawadood.” 3. Waxaa dhici kartaa inaad Ilaah baryaysid laakiin aad ka shakisan tahay baryadaada. Haddii aan ka akhrino Yacquub 1:5-7 waxaa dhigan sida tan, “Laakiin haddii midkiin xigmad u
baahan yahay, ha ka baryo Ilaah, 4.
Waxaa dhici kartaa inay noloshaada ku jirto adeec daro uu
Ilaah doonaya inaad horta ka toobad keentid si uu Ilaah kuu ogolaado waayo,
Ilaah ma jogola qalbiga toobadkeen la’aanta ah. Ilaah iyo dembiga waa
laba aan is arki Karin (mugdi iyo iftiin) Waa uun kii dembiyadiisa qirta 5. Waxaa laga yaabaa inay noloshaada ay ka muuqato naxariis darro maxaa yeelay, Ilaahay inta badan wuxuu noo barakadayaa inaan barakada uu na siiyey aan dadka kale la sii qaybsano laakiin haddii aan teena keliya ka fekerayno Ilaah wuu naga gaabsanaya Maahmaahyadii 21:13 waxayna leedahay sida tan, “Kii dhegihiisa u fureeyaa si aanu qaylada miskiinka u maqlin, isaga qudhiisuna wuu qaylin doonaa, laakiinse lama maqli doono.” Ilaahay naga ma dhigo kuwa naxariis daran oo ay saa inkaarta ama carada Ilaah ugu dhacdo. 6. Midda qaybtan ugu dambayso oo baryada ka reebi karto inaanan laga jawaabin waxay ahaani kartaa kibir. Kibirka inta badan wuxuu dadka ka dhigaa kuwa isla weyn oo aan xataa Ilaah aan tala saaran laakiin iyaga uun u malaynayaa inay isku filan yihiin (waxay qaateen beenta sheydaanka). Dadka noocan ah markay Ilaah u soo jeestaan Ilaah waxba ugu ma jawaabayo ilaa ay kibirka ka toobad keenaan. Baryada waxaa ka horeyaa toobadkeenka dembiyadeena si ay qalbiyadeena Ilaah hortiisa nadif ugu ahaadaan. Erayga Ilaah wuxuu kibirka ka leeyahay sida tan, “Farrisigii intuu istaagay ayuu
waxyaalahan isugu tukaday, Ilaahow, waxaan kuugu mahad naqayaa inaanan
ahayn sida nimanka kale oo wax dulma, iyo kuwa xaqa daran, iyo
dhillayaasha, ama xataa sida cashuurqaadahan. Toddobaadkiiba laba kol
ayaan soomaa, waxaan haysta oo dhanna toban meelood ayaan meel ka bixiyaa.
Laakiin cashuur qaadihii meel fog ayuu ka istaagay, ma uuna doonaynin inuu
indhihiisa cirka u qaado, lakiin laabtiisa ayuu garaacay isagoo leh,
Ilaahow, ii naxariiso anigoo dembi leh. Waxaan idinku leeyahay, Ilaah wuxuu nooga baahan yahay
inaan ahaano kuwa is hoosaysiiya maxaa yeelay, sarraysiinta waa mid uu
isaga ku dan leeyahay; oo annaga xataa haddii aan isa sarraysiino meel aan
is gaarsin karno ma jirto. Waxaa jirtaa aayad kale oo ka hadlaysaa is
hoosaysiinta inay wanaagsan tahay waayo, Ilaah kuwa is hoosaysiiya ayuu
sarraysiin doonaa waana tan aan ka heleyno 1 Butros 5:6,7 waxaana qoran
sida tan, “Haddaba sidaas daraaddeed gacanta xoogga leh oo Ilaah iska
hoosaysiiya, si uu wakhtigiisa idiin sarraysiiyo. Welwelkiinna oo dhan
isaga saara, maxaa yeelay, isagu dan buu idinka leeyahay.” Runtii Ilaah
dan buu naga leeyahay oo dan buu noo uumay dantana ma ahan inaan dunidan
ku silicno laakiin wuxuu doonaya inaan isaga addeecno oo aan ku sii
adkaysano wax alaate wixii nala soo gudboonaadaba. Si kasta oo aan isku
deyno nolosheena inaba ma badbaadin karno laakiin waa Ilaah Dadka Ilaah way ilowbeen oo qofba
wuxuu ka soo hor jeedaa baniaadmi kale lagula diriraya dunidan laga wada
tegi doono qaarkoodna waxay doonayaan inay hubka ay hagaajiyeen uu ahaado Waa inaan Ilaah baryo kula hadalnaa
maxaa yeelay, wuxuu nagu amrayay inaan isaga barinaa waayo, wuu ina
siinaya waxyaala waaweyn oo aan weligeen ku fekerin inaan heli karno sida
aan uga akhrinayno Yeremyaah 33:3aad oo dhigan sida tan, “I Waa inaan ogaano in nala uumay oo
uu uumahayna uu yaqaano ka badan inta aan u malaynayno inaan naqaano maxaa
yeelay, annaga aragga, maqalka iyo shanta dareen ee jidhka ayaan wax ku
naqaanaa laakiin kii na uuntay wuxuu yaqaanaa in badan oo aan weligeenba
aan u malayn lahayn inay jiraanba sida aan uga aragnay Yeremyaah 33:3aad.
Waa inaan ahaano dad Ilaah isku haleeyaan oo Ilaah ka talla qaata waayo,
waa Isaga Ilaah wuxuu nooga baahan yahay
inaan ahaano kuwa is hoosaysiyaan maxaa yeelay, Kitaabka qoduuska ah wuxuu
noo sheegaya inay nagu waajib tahay inaan is hoosaysino si uu Rabbigeena
noo saraysiyo. Haddii aad akhristow doonaysid inaad barya guud baratid oo
aad isla codsigii ay xerta Ciise qabeen qabtid, Ciise wuxuu xertiisa ugu
jawaabay oo aan adiga ku leeyahay maanta adiguu kugula hadlaya erayadan,
“Haddaba sida tan u tukada, Aabbahayaga jannada ku jirow, magacaagu
qoduus ha ahaado. Boqortooyadaadu ha timaado, doonistaada dhulka ha lagu
yeelo sida jannada loogu yeelo. Kibis maalin nagu filan, maanta na sii. Oo
naga cafi qaamahayaga sidaannu u cafinnay kuwa noo qaamaysan. Oo
jirrabaadda ha noo kaxayn, laakiin sharka naga du. Waayo, boqortooyada iyo
xoogga iyo ammaanta adigaa leh weligaa. Aamiin.” (Matayos 6:9-13aad) Qof alla kii buugan akhrisanayow
haddii aad weli Rabbiga rumaysan waxaan kuugu dhaafi lahaa erayadan anigoo
kuleh maalinta aad rumaysan lahayd waa maanta saacaduna waa tan aad
erayadan akhrinaysid. Erayga Ilaah wuxuu leeyahay,
“Rabbiga doondoona inta isaga la heli karo, oo isaga barya intuu
dhow yahay. Ka sharka lihi jidkiisa ha ka tago, ninka aan xaga ahaynuna
fekerradiisa, oo Rabbiga ha u soo noqdo, oo isna wuu u naxariisan doonaa,
oo ha u yimaado Ilaaheenna, waayo, aad buu u saamixi doonaa. Waayo,
Rabbigu wuxuu leeyahay, fekerradaydu fekerradiinna ma aha, oo
jidadkiinnuna jidadkayga ma aha. Maxaa yeelay, sida samooyinku ay dhulka
uga sarreeyaan ayay jidadkaygu jidadkiinna uga sarreeyaan, oo
fekerradayduna fekerradiinna uga sarreeyaan.” (Ishacyaah 55:6-9aad).
Haddii aad go’aankas gaartay waxaan kula jeclaan lahaa inaad qirashada
iimaanka qiratid haddii aad horey u qiratayna inaad dib uga fekertid
erayada si ay u ahaadaan ku qalbigaaduna uu ku raacsan yahay laakiin
yaysan ahaanin kuwa dhigan oo aad akhrinaysid. Waa kuwan erayada Qirashada
Iimaanka oo aan hore u soo sheegay, Waxaan
rumaysanahay Ilaaha Aabbaha ah, Oo ah Qaadirka uumay samada iyo dhulka,
Iyo Ciise Masiix, oo ah inankiisa madiga ah, inuu yahay Sayidkeenna, In
Ruuxa Qoduuskaa laga uuraystay, oo uu ka dhashay Maryan oo bikrad ah, oo
uu ku hoos silcay Bontiyos Bilaatos, oo iskutallaabta lagu qodbay, oo uu
dhintay, oo la aasay, inuu maalintii saddexaad soo noolaaday, oo samada
aaday, oo uu haatan fadhiyo gacanta midigta ah oo Ilaaha Aabbaha Qaadirka
ah; oo halkaasuu ka iman doonaa inuu xukumo kuwa nool iyo kuwa dhintayba.
Waxaan rumaysanahay Ruuxa Qoduuska ah, Kiniisadda
Ciise Masiix oo caalamiga ah, ururka awliyada, cafiga dembiga, sarakicidda
jidhka, iyo nolosha daa'imiska ah. Aamiin. Ummadda
inta badan way taqaana 7. Gebagebada Waxaan taabtay lix shey oo kala ahaa, nolosha, dhimasha, Wanka Ilaah,
Shakiga, Kitaabka qoduuska ah iyo Ruuxa qoduuska ah ee Ilaah iyo Baryada.
Qofka hadduusan nolol xagga xiriirka Ilaah uu lahayn waa mid dhintay oo
xagga ruuxa Ilaah wuu ka go'ay oo xaqiiq waxaa ah in qofkaasi uu mustaqbal
farxad iyo rajo leh uusan xagga Ilaah ka lahayn. Hase yeshee, noqo mid
faraxsan waayo, Wanka Ilaah waxaa loo bixiyey inay kuwa aan Ilaah xiriir
la lahayn ay dib xiriir ula yeeshaan oo sidaa darraaddeed ayuu
iskutallaabta ugu dhintay oo isaga oo dembi lahayn ayuu dembi noo noqday.
Ilaah intuu dunida jacayl u qabay ayuu siiyey inankiisa madiga ah si uu
mid kasta oo isaga rumaystaa uusan lumin laakiinse uu lahaado nolosha
daa'imiska ah. (Yooxanaa 3:16) Hase yeeshee, waxaa jiraan kuwa weli ka shakisan badbaadada ay Ciise Masiix
ku heli karaan waxyaalaha dhaqankoodu ka dhaadhiciyey awgeed. Aniguse
akhristow, shaki iigama jiro
in Ciise Masiix yahay badbaadiyahayga u yimid dunidan lunsan oo isaga
keliya ayaa ah Haddaad qirashada Iimaanka
qiratay oo aad doonaysid inaad baratid wax dheeraad ah oo ku saabsan
noloshaada iyo xiriirka aad Ilaah la leeday fadlan ku biir Kiniisad ama
raadi walaala kale oo Masixiin ah oo aad Ilaah wada caabudi kartaa oo aad
Kitaabkiisa wada akhrisan kartaan. Markaad keligaa tahay shaydaanka wuu
kaa fa’idaysanaya oo shuquladii dembiga ahaayeen ayuu dib kuugu celinaya
waayo, Kitaabka wuxuu leeyahay, “Feeyignaada oo soo jeeda, waayo,
cadowgiinna ibliiska ahu sida libaax ciyaya ayuu u wareegaa oo u
doondoonaya cid uu liqo.” (1 Butros 5:8) laakiin markaad walaalaha kale
wada joogtaan waad is wada dhiiri gelinaysaan oo beenta uu shaydaanka
dadka waxyaalaha dunida ku jeclaysinaya uu doonista Rabbiga kaka leexinaya
waad ka hor imaan kartaan. Kitaabkana aad buu gacan u siinaya arinta wada
jirka ama iswehelsiga sida qoran, “Laba waa ka wanaagsan yihiin mid
qudha, maxaa yeelay, abaalgud wanaagsan bay hawshooda ka helaan. Waayo,
hadday dhacaan, mid baa wadaygiis sare u qaadi doona, laakiinse waxaa iska
hoogay kii markuu dhaco keligiis ah, oo aan lahayn mid kale oo sare u
qaada. Oo hadduu nin ka adkaado mid keligiis ah kollay laba way hor
joogsan doonaan. Xadhig saddex qaybood laysugu soohay dhaqso uma kala
go’o.” (Wacdiyaha 4:9, 10, 12). Ogow “ Haddii aad codsi dheeraad ah ama
su’aalo qabtid waxaad ku soo codsan kartaa ama aad nagala soo xiriiri
kartaa cinwaankan,
CODKA
WADADA NABADDA Sanduuqa
Boostada 76001 – 00508 E-mail:
cwn@email.ro Waraysi
aan dad toos uga waraystay arimo kala duwan (John
E.Schwarz:Word Alive; An
Introduction to the Christian Faith,Tabgha Foundation, Minneapolis,
Minnesota,1995,pg.192) Elwell
Walter A.;Evangelical Dictionary of Biblical Theology, Baker Book
hse.,1996,pg.154-156 and 484-486 Kitaabka
Qoduuskaa turjumaanka
Af Soomaaliga ©Old Testament: SIM. 1979 ©
New Testament (revised):United Bible Societies 1976,1979 William
Still, Towards Spiritual Maturity,Christian Focus Publication, Gordon
Lindsay,The Way to Eternal life,Pub.Christ for the Nations, Dalas GBN
© ABS;From Death to life QASIIDOOYIN
ILAAH AMMAAN AH, English
press, Noofemba, 1993 The
NIV study Bible,
Zondervan Publishing House The
NIV Quiet time Bible,
InterVersity Press, The
New Open Bible - Study Edition,
Thomas Nelson Publishers, 1982 New
Bible Commentry, 21st Century Edition,
InterVersity Press, Leicester, England, Illinois, USA, 1994. |
|
Buugan
waxaa qoray oo xaq kasta u leh Sharmaarke. Waxaa qarash gelisay daabacadaan
ugu horaysa idaacadda CODKA WADADA NABADA oo u fasaxan inay qaybiso. © 2005 Sharmaarke Idaacadda
CODKA WADADA NABADA Sanduuqa
Boostada 76001 – 00508
E-maylka:
cwn@email.ro
|
|
Global Good News Literature P. O. Box 451336 Los Angeles
, © 2006
|