ggnltitl.jpg (8122 bytes)

MUSLIM IYO MASIIXI

Waxaad ogaan kuwa Dadka u Daran Colnimada kuwa Rumeeyey (Xaqa) (Muslimiinta) Yuhuud iyo Mushrikiinta (Diin laawayaasha) waxaad Ogaan kuwa ugu soo dhaw Jacayl kuwa Rumeeyey Xaqa (Muslimiinta) inay yihiin kuwa dhihi waxaan nahay Nasaaro, Illeen waxaa ka mid ah qaysas iyo Raahibiin Ismana Kibriyaan.”   Al-Maaidah 5:82

Dhaqan ahaan, waxa loo arkaa in diinta Muslinka iyo diinta Masiixiga ay yihiin laba diimood oo aad u kala fog. Run ahaantii, arrintu sidaas ma aha. Labadan diimood waxay leeyihiin waxyaalo badan oo isku mid ah ee aanay dadku u malaynin oo ay ka war qabin, Muslimiinta iyo Masiixiyiintu labaduba.

Maxamed markii uu Makka kaga soo horjeestay caabudidda sanamyada oo uu u sheegay dadka inay caabudaan Ilaaha abuuray samada iyo dhulka, isaga iyo kuwii raacsanaaba waa la dhibay, oo ku dhowaad ilaa siddeetan ka mid ah kuwii raacsanaa ayaa waxaa lagu khasbay inay u cararaan waddan Masiixiyeed, magaca wadankaasina waa Itoobiya. Boqorkii Masiixiyiinta Itoobiya waxa uu Muslimiintii la dhibayey siiyey meel ay ku nabdoodeen, wuuna dhaqaaleeyey iyaga ilaa waddankoodii uu noqday nabad, dibna ay ugu laaban kareen.

Markaynu si taxadar leh daalacano labadan Kitaab ee qoduuska ah ee ay leeyihiin labadan diimood, oo kala ah Baybalka iyo Qur’aanka, waxaynu arkaynaa waxyaalo badan oo ay iska shabbahaan. Tusaale ahaan, Suurat Al-Maa’idah 5:82 Quraanku waxa uu sheegayaa in Masiixiyiintu ay yihiin kuwa ugu dhow Muslimiinta xagga saaxiibnimada.

“Waxaad ogaan kuwa Dadka u Daran Colnimada kuwa Rumeeyey (Xaqa) (Muslimiinta) Yuhuud iyo Mushrikiinta (Diin laawayaasha) waxaad Ogaan kuwa ugu soo dhaw Jacayl kuwa Rumeeyey Xaqa (Muslimiinta) inay yihiin kuwa dhihi waxaan nahay Nasaaro, Illeen waxaa ka mid ah qaysas iyo Raahibiin Ismana Kibriyaan.” Al-Maa’idah 5:82

Ciise Masiix dhowr jeer ayaa lagu soo hadal qaaday Qur’aanka. Waxa inta badan loogu yeedhaa ‘Ciise’. Magacyada kale ee loogu yeedhana waxaa ka mid ah, wiilkii Maryan, Masiixa, Erey ka yimid Ilaah, Ruuxa Ilaah, Nebi, iwm…… “ (Xusuuso) markay tidhi Malaa’igtu Maryamooy Eebbe wuxuu kuugu Bishaarayn Kalimo Xaggiisa ah (Wiil) Magaciisu yahay Masiix Ciise Ibnu Maryam isagoo Sharaf leh Aduun iyo Aakhiraba kana mid ah kuwa la soo dhaweeyey.” Aali-Cimraan 3:45

Khaasatan markanynu aragno magaca ‘Kalimo Xaggiisa ah’ waxay shabahaad cajaa’ib leh la leeday sida uu Baybalku Sayid Ciise Masiix ugu tilmaamo Erey (Kalimo). “Bilowgii waxaa jiray Ereyga, Ereyguna wuxuu la jiray Ilaah, Ereyguna wuxuu ahaa Ilaah ….. Ereyguna jidh buu noqday oo waa ina dhex joogay, …….” Yooxanaa 1:1,14

Labada Kitaaboodba waxay markhaatifurayaan in Ciise yahay ‘Eray uu Ilaah soo diray’. Markaynu eegno jumlada ‘Isagoo Sharaf leh Aduun iyo Aakhiraba’ sidoo kale waxay si la yaab leh u shabahdaa waxa uu Baybalku ka sheegay Ciise Masiix ee ku qoran Kitaabka Efesos 1:21 “Oo wuxuu isaga ka sarreysiiyey madax kasta, iyo amar kasta, iyo xoog kasta, iyo sayidnimo kasta iyo magac kasta oo la magacaabay, mana aha wakhtigan oo keliya, laakiinse xataa kan imanaya.

Quraanku waxa uu inoo sheegayaa in Ciise Masiix ka dhashay Maryantii Bikrada ahayd oo uusan lahayn wax dembi ah. Sida ku qoran Suurat Maryam 19:19 waxaynu arkaynaa malaa’igta oo Maryam u sheegaysa wax ku saabsan dhalashada Masiixa. “Kuna yidhi anigu waxaan uun ahay rasuulka Eebahaa inaan ku siiyo wiil daahir ah.” Ereyada ‘wiil daahir ah’ waxay ka taagan yihiin ama tilmaamayaan dabiici ahaan in Ciise Masiix dembi lahayn. Sidoo kale Baybalkuna waxa uu inoo sheegayaa dabiici ahaan in Sayid Ciise Masiix dembi lahayn. “Waayo, ma aynu lihin wadaad sare oo aan itaaldarradeenna ka nixi karin, laakiin waxaynu leenahay mid si walba loo jirrabay sideenna oo kale, oo aan weliba dembi lahayn.” Cibraaniyada 4:15

Qur’aanka waxaynu ka akhrinaynaa, Ciise oo ka hadlaya wax ku saabsan dhalashadiisa, dhimashadiisa iyo sarakiciddiisa. Suurat Maryam 19:33 “Nababgalyana ha ahaato korkayga maalintii lay dhalay iyo maalintaan dhiman iyo maalinta laysoo bixin anoo nool.”   Kitaabka Baybalkuna waxa uu inoo sheegayaa sidatan: “Laakiin Ilaah baa ka sara kiciyey kuwii dhintay.” Falimaha Rasuullada 13:30

Quraanku sidoo kale waxa uu aqoonsan yahay Towreedda (sharcigii Muuse), Sabuurka Daa’uud, qoraalada nebiyadii Axdigii Hore iyo Injiilka (Injiilka Ciise Masiix) inay yihiin qoraallo Qoduus ah oo uu Ilaah waxyiyey kuwaas oo aynu ka heli karno nuur iyo tusmo aynu raacno. Waa kuwan aayado arrintan ka hadlaya oo ku qoran Qur’aanka.

Suurat Aali-Cimraan 3:3 “Wuxuu kugu Dejiyey (Nabiyow) Kitaabka (Qur’aanka) si Xaq ah, isagoo u Rumeyn wixii ka Horeeyey, wuxuuna soo Dejiyey Eebbe Tawreed iyo Injiil (waqti).”

Suurat Al-Maa’idah 5:47 “Ha Xukumeen Ehelka Injiil wuxuu ku soo Dejiyey Eebe Dhexdiisa, Cidaan Xukumin wuxuu Soo Dejiyey Eebbe waa Mid Faasiq ah uun.”

Suurat Al-Maa’idah 5:44 “Anagaa soo Dejinay Tawreed oo Dhexdeeda ku suganyahay Hanuun iyo Nuur, oyna ku xukumayeen Nabiyadii u Hogaansamay Eebbe kuwii Yuhuudoobay, waxaana Xukumi Jiray madaxdii iyo Culimadii wixii laga Doonay inay Ilaaliyaan oo Kitaabka Eebbe ah, waxay ku ahaayeen Markhaati ee ha ka Cabsanina Dadka iga Cabsada ani, hana ku Gadanina Aayaadkayga Lacag (Qiimo) Yar, Cidaan Xukumin wuxuu soo Dejiyey Eebbe kuwaasi waa Gaalo uun.”

Suurat Al-Maa’idah 5:46 “Waxaana Raacsiinay Raadkoodii Ciise Ibnu Maryama Isagoo Rumeyn, wixii Hortiisa ahaa oo Tawreedda, waxaana Siinay Injiil oo Hanuun iyo Nuur ku Suganyahay, una Rumayn wixii ka Horeeyey oo Tawreeda Hanuun iyo Waanana u ah kuwa Dhawrsada.”

Suurat Al-Maa’idah 5:48 “Waxaana kugu Soo Dejiyey Kitaabka Xaqa Isagoo Rumeyn wixii ka Horeeyey oo Kitaaba ah, Isagoo Marag iyo Ilaaliye u ah ......”

Sida Suuradani ay cadaynayso Qur’aanka looma soo dejin inuu beeneeyo Baybalka laakiin waxaa loo soo dejiyey inuu xoogeeyo kalsoonida lagu qabi karo isaga.

Suurat Fussilat 41:43 “Lagumana dhaho (Maxamed) waxaan ahayn waxii lagu yidhi Rasuuladii ka horreeyey, Eebbahaana waa dambi dhaafe ciqaab daran.”  Suuradan si cad waxay inoogu sheegaysaa ma aanay jirin wax loo sheegay Maxamed oo aanan loo sheegin Nabiyadii isaga ka horreeyey.

Suurat Yuunus 10:94 “haddaad Shakisantahay waxaan kugu soo Dejinay warso kuwa Akhriya Kitaabka hortaa (Baybalka), waxaa kaaga yimid xagga Eebbe Xaq, ee ha Noqonin kuwa Shakiya.”   Sida ku cad aayadan waxa Muslimiinta lagu dhiirrigeliyey inay Masiixiyiinta weydiiyaan wax ku saabsan Kitaabka (Waa Baybalka e) kaas oo xambaarsan nuur iyo tusmooyin.

Suurat Al-Maa’idah 5:68 “Waxaad Dhahdaa Ehelu Kitaabow waxba ma Tihidiin intaad ka Oogtaan Tawreed, Injiil iyo waxa Laydiinka soo Dejiyey Xagga Eebihiin .......”   Sidoo kale Baybalku wuxuu ina siinayaa digniin tanoo kale ah. “Noqda kuwa hadalka yeela, oo ha ahaanina kuwa maqla oo keliya oo nafsaddooda khiyaaneeya.” Yacquub 1:22

Quraanku waxa uu amrayaa in Muslimiintu aanay rumeyn Qur’aanka oo keliya laakiin sidoo kalena ay rumeeyaan Tawreedda (Axdigii Hore) iyo Injiilka (Axdiga Cusub), iyaga oo aan kala dooran. Suurat Al-Cimraan 3:84 “Waxaad dhahdaa waxaan rumaynay Eebbe iyo waxa la nalagu soo dajiyey iyo waxa lagu soo dejiyey (Nabi) Ibraahim, Ismaaciil, Isxaaq, Yacquub, Faracyadii, wixii la siiyey Muuse, Ciise iyo Nabiyadii Xagga Eebbahood kala bixin mayno dhexdooda Anaguna Eebbaan u hogaansameynaa.”

Waxaynu kugu casuumeynaa inaad akhridid Kitaabka (Tawreeda iyo Injiilka – Baybalka) kaas oo uu Qur’aanka kaga marag furay inay ku jiraan nuur iyo tusmo, adiga laguugu talagalay, noqona kii ay noloshiisu hesho nuurkan iyo tusmadan.

Waa maxay nuxurka ku jira farriinta Injiilka?

1.      “Maxaa yeelay, dhammaan way wada dembaabeen oo gaadhi waayeen ammaanta Ilaah.” Rooma 3:23   Marka ay leedahay kulli, adiga laftaada ka mid baad tahay.

2.      Mushahaarada dembigu waa iyada oo abadan Ilaah laga go’o. Middan iyada ah waxaa la yidhaah daa dhimashada weligeed ah ama iyada oo naarta lagu waaro. “Waayo, mushahaarada dembigu waa dhimashada .......” Rooma 6:23

3.      Ilaah waxa uu inoo diyaariyey waddo aynu tan kaga fakanno maxaa wacay ma uusan doonaynin inaynu naarta aadno. Waa sida irridda (albaabka) laga baxo guriga marka uu dabku qabsado. Inta ay jirto irriddaasi uma baahnin inaynu gurigaas ku dhex gubano. Waxaynu ku dhex gubanaynaa oo keliya markaynu diidno inaynu aaminno calaamadda muujinaysa irriddaasi oo aanan ka faa’iideysanin waxa la inoogu deeqay. Irridda uu Ilaah ina siiyey si aynu uga baxsano adduunkan dembiga miiran ah waa xagga Ciise Masiix. Sayid Ciise Masiix waxa uu sidan ku yidhi Injiilka  “ ..... Anigu waxaan ahay jidka iyo runta iyo nolosha. Ninna Aabbaha uma yimaado, xaggayguu ku yimaado maa hee.” Yooxanaa 14:6   Sidoo kale Baybalku waxa uu leeyahay: “Laakiinse Masiixu waa inoo dhintay intaynu weli dembiilayaal ahayn, oo sidaasuu Ilaah jacaylkiisii inoogu muujiyey.” Rooma 5:8   Tan micnaheedu waxa weeye ciqaabteenii waxa qaatay Ciise Masiix, isagaana guday wixii aan ku gudi lahayn dembiyadeenii.

4.      Haddii aynu aqbalno waddada Ilaah inoogu diyaarshay xagga Ciise Masiix innaga oo dembidhaaf ka weydiisanayna dembiyadeenii oo dhan, oo aynu ku rumeysano Ciise Masiix qalbiyadeena si iimaan leh, waxaynu helaynaa nolosha daa’imiska ah, tan oo ay micnaheedu tahay inaynu Ilaah weligeen la joogi doonno.

Ciise waxa uu ku yiri Injiilka, “Bal eeg, albaabkaan taaganahay oo garaacayaa; haddaba haddii nin codkayga maqlo oo albaabka iga furo, waan u soo gelayaa, oo waan la cashayn, isna wuu ila cashayn.” Muujintii 3:20   Ciise sidoo kale waxa uu yidhi, “Ii kaalaya kulligiin kuwiinna hawshaysan oo culaabaysanow, oo anigu waan idin nasin doonaa.” Matayos 11:28

 Haddii aad u baahan tahay nasashadan uu bixinayo Sayid Ciise Masiix, tuko tukashadan towbadkeenka ah.

 “Eebbow, Ilaahayow! Waan garanayaa inaan ahay dembiile, waxaan rumeysanahay inaad noo soo dirtay Ciise Masiix, kaas oo ka dhashay bikraddii Maryama si uu noo tuso waddada badbaaddada. Iga cafi dembiyadayda oo idil laga bilaabo maalintii aan dhashay ilaa haddeer. Waxaan rumeysanahay sida ku cad Injiilka, in Ciise Masiix u dhintay dembiyadayda, lagana sare kiciyey dhimashada. Ciisoow! Waxaan kuu furayaa qalbigayga oon kugu casuumayaa inaad soo geshid. Waxaan kuu aqbalayaa sida Sayidka noloshayda. Maadaama aad u dhowdahay Ilaah, aniguna ii dhowee xaggaaga iyo xagga Ilaah. Aamiin”.

 Haddii aad ku duceysatay salaaddaasi kore, waxaynu jecelnahay inaad akhbaarkaaga innala soo socodsiisid oo aynu warkaaga helno.

           Global Good News Literature

            P. O. Box 451336

            Los Angeles , CA 90045

© 2006

 Webmaster@globalgoodnews.org

 NB:     Somali Bible (c) Old Testament: SIM 1979

            (c)New Testament (revised): United Bible Societies 1976, 1979

            The Qoran (Koran) Somali Translation

            University of The Kingdom of Saudi Arabia

            Fahad Ibnu Abdulaziz           

 

Translation done by:   Dalmar :   cwn@codkanabada.org